HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 7-nov-2020

0
Saturday November 07, 2020 - 10:47:01 in Wararka by
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 7-nov-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Banbixii Golaha Wasiirrada oo la soo gaba gabeeyey (Warsaxaafadeed)

    Waxaa Shalay oo taariikhdu tahay 5 Nofeemb ar 2020 soo gabagaboobay banbax howlleed ay yeesheen G/Wasiirrada oo soconayey muddo 3 maalmood ah. Arrimaha ugu waaweyn ee shirka banbaxa looga faa’iideystay waxaa ka mid ahaa in si waanaagsan la iskula fahmay Qorshaha Horu marinta Qaranka ee 9aad & doorka wasaarad walba ay ku leedahay hirgelintiisa, heshiisy adii iyo habraacyada doorash ooy inka dadban ee laga fulinayo dalka 2020/ 2021,xeer-hoosaadka G/Wasiirrada, arrimaha ca ddaaladda iyo sugidda amniga guud, gaar ahaan kan doorashooyinka iyo dardargalinta dagaalka lagula jiro argagaxisada, arrimaha dib-u-habaynta dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u diyaar garowga laba-kacleynta Caabuqa Covid-19.

     Waxaa kale oo looga faa’idaystay banbax ho wlleedkan dhamaystirka qorshaha 100ka maalmo od ee Xukumadda iyo axdiga balanqaadka howl-fulined ee wasaarad walba la gashay Xafiska R/W

     Intii uu socday banbaxu R/Wasaare Rooble wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada la da gaalanka musuqmaasuqa, in doorashooyinka 2020/2021 u dhacaan si hufan oo cadaalad ku sa laysan iyo in la dhowro qoondada 30% ee haw eenka. Waxaa kale oo la isla gartay in laga shaq eeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025.

    Waxayna Xukuumaddu ballan-qaaday in fulinta arrintan ay qayb muhiim ah ka tahay Barnaamijka Xukuumadda, si looga baaqsado dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka afar sano ka dib, si aan mar kale loogu laaban doorashooyin dadban.

 

    "Waxaan ku boorinayaa G/Wasiiradda inaan ha kad ku iman addeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshadda xiliga doorashada” R/Wasaare Rooble.

Rooble oo Magacaabay Guddiga Doorasha da Xubnaha 2da Aqal ee BF S ee ka soo jee da G/da Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland.

1-Khadar Xariir Xuseen,{2.}Sundus Ibraahin Cali

3-Axmed Daahir Xasan,{4}.Maxamed C/hi Jirde

5.C/raxmaan Cusmaan Aadan,{6}.Samsam Maxamed Faarax.{7}.Najiib Xuseen Samaale

8.Khadar Cabdalla Aadan,{9}.Saynab Ismaanciil Xasan.{10}.Ifraax Cumar Ducaale &{11}-Umama C/hi Ciise

Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo kulan la qaatay Cali Guudlaawe

      Guddoomiyaha G/Wakiilada Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiin luqmaan Xaaji Maxamed oo ay weh liyaan 2diisa  kuxigeen ee Siraaji Shekh Isaaq C/lle iyo Mahad Xasan Cusmaan ayaa kulan la qaatey Madaxweyne ku xigeen ka Hir-Shabelle Cali Guudlawe.

    Kulanka ayaa  waxaa looga hadlay Dardargal nta iyo Dha meystirka howlaha Horyaalla Golaha iyo Guud ahaan Maamulka  Arrimaha doorashoo yinka  Hir-Shabeelle .

    Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle oo la sheegay inuu kamid yahay musharixiinta Madaxw eynaha Hir-Shabeelle ayaa uga mahad celiyay da daalkooda ku aaddan doorashooyinka Hir-Shab eelle.  Guddoonka B/Maamulka Hir-Shabeelle ay aa Dorraad Magacaabay Guddiga Guddoonka Ba arlamaanka  Maamulkaas, kuwaas oo la filayo inay dhawaan shaaciyaan jadwalka doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle.

R/ Wasaare Rooble oo Kormeeray xerada tababarka Ciidanka ee TurkSom

    R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Roo ble ayaa kormeer ku tagey xerada tababarka Cii danka ee TurkSom, isagoo ku boggaadiyay Sar aakiisha Turkiga tababarka ay siinayaan Ciid amadda. Md. Rooble oo kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta ayaa ku tilmaamay ciidamadda ka soo baxa qeybaha tababarka ee kuliyaddan raj ada iyo tusaalaha dib-u-dhiska ciidammada iyo dib-u-soo celi nta dowladnimada, sharciga iyo kala dambeynta Soomaaliya.

       "Soomaaliya waxay u baahan tahay ciidan xo oggan oo ka difaaca cadowga, maalin walbana wa xaa sii kordheysa baahida uu waddanku idiin qa bo, Waxaa dhammaanteen naga go’an inaan dif aacno Diinta, Dalka, Dadka iyo Dowladda, Waxa an uga mahad Celinayaa D/Turkiga kaalinta weyn ee ay ka qaadanayso dhismaha iyo soo celinta cii dankii Soomaaliya” ayuu yiri RWasaare Rooble.

Dagaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al-shabab u Dhaxeeya oo Ka Qarxay Galgaduud

    Ciidanka xoogga dalka  ah oo kaashanayo ku wo ka tirsan Galmudug ayaa  howl-gallo  ka dhan ah Al-shaab Shalay ka sameeyeen deegaanka Cada-xaar oo Bulacle ka xiga Qor axsin Waqooyi M.dhuusamareeb ee G/Galgaduud, halkaas oo dagaal xo oggan uu ka dhacay oo u dhaxeeyo 2da dhinac.Saraakiisha howlgalkan hoggaamina ysa oo la hadlay idaacadda ciidam ada ayaa  shee gay inuu yahay mid  qorshihiisa ho wlgalkaan  la diyaariyey   lana sii wadi doono inta  Al-Shabaab laga saarayo  deegaannada ay kaga su gan yihiin D/G/Galmudug.

    CXDS & Alshabab  ayaa dhowr jeer ku dagaala may gobolka, iyadoo madaxda maamulka Gal mu dug oo gaaray jiidda hore ee dagaalka waxaa ay ku baaqeen in la garab isaago ciidam ada howlgal ka ka wada waxaana sidaas yiri wasiirka warfaafi nta maamulkaasi. Xigasho:- sonna.so

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo la fasaxay mudda 3 maalmood ah

    Mudanayaasha G/Wakiilada D/Puntland, ayaa fasax la geliyay mudda 3maalmood ah, si ay u soo Akhriyaan Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay Go laha u gudbisay Wasaaradda warfaafinta.

    Guddoonka Baarlamanka, ayaa xildhibaannada ku wargeliyay, inay fasax yihiin mudda 3maalm ood ah laga bilaabo Khamiistii  islamarkaana ay dib isugu soo laabtaan  Isniinta ah ee 7aadkan.

     Mudane ka tirsan Baarlamanka, oo si kooban u la hadlay warbaahinta Puntland Po st, ayaa sheegay in Xildhibaannada loo fasaxay, si ay wakhti ku filan ugu helaan akhrinta Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo dhowaan loo gudbiyay, ka hor inta aysan ansixin Xeerka.

    Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo horyaalla G/B/Puntlnad, ayaa la filaya in Xildhibaannadu do od ka yeeshaan Isniinta soo socota, kadib markii soo akhriyaan 3-da maalmood oo fasaxa la geliy ay.

Uganda oo tiro ciidamo ka tirsanaa AMISOM kala baxday Soomaaliya

      Dowladda Uganda ayaa tiro ciidamo ah kala baxday Soomaaliya kuwaas oo muddo 1 Sano ah ka tirsanaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Ciidamada laga saaray Soom aaliya ee dib loogu soo dhaweeyay wadankooda waxaa tiradodoa lagu sheegay 2,100, waxaana Habeen hore lagu soo dhaweeyay Xarunta Tababbarka Howlgallada Taageerada Nabadda (PSO-TC) ee degmada Nakaseke.

     ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Difaaca Wils on Mbasu Mbadi ayaa soo dhaweeyay kaas oo ku hadlayay magaca abaanduulaha ciidamada difaa ca, wuxuuna ku yiri: "Si sharaf leh ugu soo dhawa ada dalkiina adinkoo nagu matalay qadiyadda Pan Africa ee Soomaaliya”

     Dowladda Uganda waxey ciidamadeeda usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2007, waxeyna kusoo aadeysaa arintaan xilli la qorsheynayo in ciidama da Midowga Afrika ee hawlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya la saaro sanadka 2021.

    Dorraad ayey ciidamo hor leh soo gaareen Muqdisho kuwaas oo la sheegay iney sugi doona an ammaanka doorashooyinka, balse qorshahaan ciidamada Uganda dib loogu celiyay wadankooda lama sheegin inuu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballamay ee ciidamada shisheeye  looga saarayo dalka.

Galmudug oo Magacowday Guddiga Doora shada heer D/Goboleed

    Madaxtooyada Galmudug ayaa  Magacowday Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleedka heer Galmudug. Xubnaha Guddiga oo ka kooban 8-da xubnood  ayaa waxaa ku jira labo Haween ah, xilli dhowr jeer Haweenka Soomaali yeed ay ka cawdeen inaan door la ga siin Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka.

    Guddigaan ayaa  waxaa lagu biirin doonaa 3 Xubnood  oo ka imaanaya dhanka DFS sida ku cad heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxwey ne farmaajo, Madaxda D/G/yada & G/Banaadir si ay uga wada Shaqeeyaan doorashooyinka Xubn aha 2 Aqal.

Galmuudg state Officeof the president

Xeer madaxweyne lr.032

Ku:R/wasaaraha XFS-Muqdisho

Og:Madaxweynaha JFS -Muqdisho

UJEEDDO:-Magacaabidda Guddiga Doorash ooyinka Heer Dowlad Goboleed Galmudug.

Madaxweyneaha DG Galmudug.

Markuu Arkay: Qodobka 50-aad ee farqadiisa 5-aad ee Dastuurka D/G.Galmudug;

 Markuu Arkay: Heshiiskii Doorashadooyin kii ay Madaxda DFS iyo Dowlahaha xubnaha ka ah si wada jir ah u gaareen 1-da Okt.2020,kaas oo lagu Go’aamiyey Dhismaha Guddiyada Door ashooyinka Qaran iyo Xallinta Khilaafaadka Heer Federaal iyo heer D/Goboleed.

 Markuuu Tixgeiyey: muhimadda ay leedahay in la dhiso guddiga doorashooyinka heer dowla dgoboleed;

Qodobka 1aad:-

1.Fahmo Xasan Maxamuud

2.Maxamed Daahir Guuleed

3.Cabdiraxmaan cismaaciil Shire

4.Maxamed Qaasim Maxamuud

5.Cabdicasiis Nuur Yuusuf

6.Maxamuud Axmed Nuur

7.Maxamed C/raxmaan Cabdullaahi

8 Xaawo-kiin Maxamed Cali

Madaxtooyada Galmudug,Dhuusamareeb Email: Presidency@statehouse-gm.so

 

 


Joe Biden oo la wareegay hoggaanka tirinta codadka gobolka Pennsylvania

     Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa qabtay hoggaanka tirada codadka gobolka muhiimka ee Pennsylvania, waxaana iska cad inuu noqon doono madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka.Gobolkan ayaa leh 20 cod oo ka mid ah kuwa loo yaqaan Elec troral Coll age ee lagu hanto xil ka madaxwey naha, wuxuuna ku filan yahay inuu Biden ka dhigo madaxweyne.

     Biden ayaa hadda leh 253 cod, wuxuuna gobol ka gaarsiin doonaa 273. Musharaxa madaxweyna ha noqonaya ayaa u baahan 270. Tani macnahee du wuxuu yahay in Biden uusan u baahneyn gobol lada kale ee aan weli go’aanka laga gaarin.

    Gobolka Pennsylvania ayaa waxaa weli ku har san codad u badan kuwa Dimoqraadiga, waxaana la filayaa in Biden uu badankood ku guuleysto, taasi oo ka dhigeysa inaysan jirin rajo uu Trump u gu guuleysan karo gobolkan.

     Qabashada hoggaanka Pennsylvania ayaa macnaheedu yahay in Rajada Donald Trump ee doorashada madaxweynaha Mareykanka ay dham maatay, waxaana kasoo xirmaya albaab kasta oo fursad ah, ayada oo ay u badan tahay in Shalay doorashada lagu kala baxo.

     Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo Trump la loolamaya, ayaa goor sii horreysay si lama filaan ah u qabtay hoggaanka codadka gobolka Georgia, taasi oo aan marnaba la fileyn ka hor doorashada.

    Gobolada aan weli la go’aamin ayaa kala ah; North Carolina oo uu hoggaaminayo Trump, iyo Pennsylvania, Arizona iyo Nevada oo uu ku horre eyo Joe Biden.

    Gobolka Pennsylvania waa gobolka uu ku dha shay Joe Biden, gaar ahaan magaalada Scranton.

Booliska Mareykanka oo fashiliyay weerar lagu qaadi rabay xarunta codbixinta Philadelphia

     Booliska Mareykanka ayaa xiray 2 Nin banaan ka hore ee xarunta codbixinta ee Philadelphia oo ku taal Pennsylvania sidda ay shaacisay war baahinta.

Tirinta codadka ayaa wali ka socota afar gobol oo muhiim ah maalmo kadib codbixintii Talaadada, iyadoo Dimuqraadiga Joe Biden uu wa li ku kalsoon yahay qabashada xilka madaxtinima da.

     Trump, oo si ciriiri ah uga horeeya Pennsylv ania, wuxuu sameeyay sheegashooyin aan la xaqi ijin oo ku saabsan musuqmaasuqa codbixinta ee goboladaan muhiimka ah.

    "Waxyar kadib 10-kii habeenimo (0300 GMT) 2 Nin ayaa lagu xiray banaanka Xarunta Shirarka ee Philadelphia halkaas oo tirinta codadka ay ka soco to waxay qorsheynaayeen weerar” ayaa la gu yiri war kasoo baxay booliska.

    Raggaan ayaa ka mid ahaa rag hubeysan oo khamiistii la shaaciyay inay ku wahan yihiin xarun ta codbixinta gobolka.

Ammaanka Musharrax Joe Biden oo la adkeynayo

     Wargeyska caanka ee Washington Post ayaa Shalayy daabacay war sheegaya in Waaxda Sir doonka Mareykanka ee loo yiqaano "The Secret Service” ay qorsheynayaan in ay ilaalo gaar ah u diraan musharaxa Madaxweyne Joe oo loo mal eynayo in uu ku guuleysto tartanka uu ugu jiro qa bashada xilka Madaxweynaha Mareykanka. 2 qof oo aqoon u leh howlaha Waaxda Ammaanka oo ay Washington Post soo xigatay ayaa sheegay in ciidamo ilaalo ah loo dirayo M/Wilmington ee G/ Delaware halkaas oo uu ku sugan yahay madax weyne ku xigeenki hore ee Mareykanka Joe Biden oo haatan qarka u saaran inuu ku guuleysto tartan ka madaxtinimada Mareykanka.

    Waaxda Ammaanka ayaa u yeeray qaar kamid ah wakiillada qaabilsan ilaalalada madaxda si loo gu daro ilaalada musharrax Joe Biden loona adk eeyo ammaankiisa. Joe Biden ayaa la filayaa in Shalay oo Jimce ah uu khudbad jeediyo isaga oo ka hadli doona xaaladda doorashada daba dheer aatay oo illaa maalinkii 3aad aanan la aqoonin cid ku guuleysatay. Waxaa weli socota tirinta codadka waxaana illaa iyo haatan doorashada hoggaamina ya doora shada Joe Biden.

Donald Trump oo qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dadweynaha Mareykanka

     Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Habeen hore qabtay shir jaraa’id oo ka yaabiyey dad ka Mareykanka, isaga oo billaabay weerar xun oo uu ku faafiyey eedo aan wax caddeymo ah loo hayn oo ah in laga xadayo guusha doorashada Mareykanka.

     "Waxay isku dayayaan inay x adaan doorashada,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu Habeen hore ku qabtay Aqalka Cad, laba maalmood kadib mar kii ay soo dhammaatay codeynta doorashada.

Isaga oo aan wax caddeymo ah soo bandhigin, isl amarkaana aan weriyayaasha u ogolaan inay su’ aa lo weydiiyaan, ayaa Trump wuxuu qaaday talla abo aan caadi aheyn, oo ay kaga soo yeereen er ayo aan taariikhda horey looga maqal madaxwey ne Mareykan.

     Waxa uu yiri in Dimoqraadiga ay isticmaalay aan "codad sharic-darro ah, si ay doorashada u xadaan.” "Haddii aad tiriso codadka sharciga ah, si fudud ayaan u guuleysanayaa,” ayuu yiri. "Wa xay isku dayayaan inay ku shubtaan doorashada. Mana ogolaan karno inay taas dhacdo.”

     Cabashada Trump ayaa la xiriirta codadka do orashada ee lagu soo diray boostada, kuwaasi oo dadka qaar ay ka doorbideen inay codadkooda ka dhiibtaan goobaha doorashada.

    Dad badan ayaa doortay inay codadkooda soo diraan sanadkan, ayaga oo ka walaacsan cudurka Coronavirus oo dalka Mareykanka ku dilay in ka badan 230,000 oo qof.

     Si kastaba, maadaama Trump uu isku dayey in uu hoos u dhigo halista coronavirus, islamarkaana uu taageerayaashiisa u sheegay inaysan codadka kusoo dirin boostada oo ay toos u dhiibtaan, codadka boostada ayaa badankood ah kuwa Dimoqraadiga.  Sidoo kale, codadka lasoo diray ayaa tirinta la gu billaabay kadib kuwii tooska loo dhiibtay, wa xaana dhacday kadib in gobollo badan oo uu ku horreeyey Trump, maadaama codadka maalinka doorashada ay ku badnaayeen taageeryaashiisa,   kadib laga daba yimid ama laga hormaray markii la tiriyey kuwa lasoo diray.

     Qeylo-dhaanta Trump ayaa timid ayada oo gob ollo badan oo weli aan la go’aamin cidda ku guu leysatay ay u muuqdaan kuwa u janjeera dhanka Joe Biden. oo 77 jir ah, ayaa hal ama laba gobol un u baahan si uu ugu guuleysto doorashada, uga na saaro Aqalka Cad Trump oo 74 jir ah.

WhatsApp oo soo kordhineysa hannaan cusub oo farrimaha lagu wadaago tiraya 7 maalmood  kaddib                                   

    WhatsApp ayaa soo saareysa hannaan cusub oo tirtiraya farriimaha lagu wadaago 7 maalmood ka dib. Hannaankan oo hore ugu diyaarsanaa qeybta qarsoon ee qoraallada ayaa bishaan Nofeembar noqonaya mid caadi ah oo Barnaa ijka WhatsApp si muuqata loogu adeegsan doono.   Marka uu Hannaankan kuu yahay mid daaran (ON) ah farriimaha laguu soo diro WhatsApp-ka si iskood ah ayey u tirmayaan 7 maalin kadib, tani ay aa ah mid caawineysa ama fududeyneysa in farri imuhu noqdaan ku wo aamin ah oo badbado leh.

Hannaankan cusub ayaa waxaa loo adeegsan karaa keli keli ama qof la sheekeysa naya qof kale iyo sidoo kale Koox ah aan (Group-yo) qeybta Kooxahana waxaa maamul aya Group Admin-na da ama maamulayaasha Gr oupka iyaga oo hub in aya in adega uu u yahay mid daaran ama (ON)ah.

     Farrimaha waxay sii ahaan doonaan kuwo aan la tirin iyadoo ku sii keydsanaanaya qeybta ogeys iinta waa haddii aan la furin farrintaas ama aysan aheyn mid la akhristay xitaa haddii uu habku yah ay mid (ON) ah. Sida caadiga ah Sawirrada lagu wadaago WhatsApp-ka iyo Muuqaaallada waxaa gudaha Mobile-ada loogu dejin doonaa si toos ah xitaa haddii uu adeeggan (ON) kuu yahay ama kuu furanyahay.

Itoobiya oo joojisay duulimaadyada qaar ka mid ah Magaalooyinka Tigreega

     Waaxda duulista ee dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in la xiray garoomada diyaaradaha magaalooyinka Mekelle, Shire, Axum iyo Humera oo ah gobolada tigreega.

    Qoraal kooban oo hay’adda duulista Itoobiya ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duuliye ya asha iyo shaqaalaha kale ee du ulimaadka arintan lagu wargaliyay.

Waaxdu faah faahin dheeri ah kama bixin sab abta balse waxaa loo maleeyaa in ay la xiriirto xaa lada deg dega ah ee Dowladu ku soo rogtay Gob alka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya.

Maxaa iska beddali doona go’aankii Trump uu Qudus ugu Aqoonsaday Caasimada Israel haddii laga Guuleysto?

    Mas’uul hore uga tirsanaa D/Sacuudiga ayaa saadaaliyay ineysan waxba iska badali doonin go ’aankii uu Donald Trump ku ogolaaday inuu Qud us ugu aqoonsado caasimadda Yahuuda, haddii looga adkaado doorashada Ma reykanka. Turki Al-Faisal, oo mar soo noqday madaxa mukha abara adka Sacuudiga, wuxuu aamins an yahay in Joe Biden, haddii loo doorto madaxweynaha Mar eykan ka uusan beddeli do onin go’aankii Trump ee Qudus,& si doo kale kii buu raha Golan Hei ght ee Sy ria lagu siiyey Israel.

      Amiirka wuxuu hadalkaan kasoo yeeray isag oo ku sugan Imaaraadka Carabta, wuxuuna wali aaminsan yahay in Falastiiniyiinta aysan waxba u soo kordhineyn isbadalka ka dhaca dalka Marey kanka iyo haddii Joe Biden uu kusoo baxo xilka.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dowladaha car abta ay aaminsan yahiin in Joe Biden uu uga roo naan doono Trump dadka reer Falastiin, balse isa ga aysan taas u muuqan, wuxuuna qabaa in wada dii Trump uu raaci doono.

    Inkastoo ay dunida Muslimka ah aad u cambia reysay arrintaas, hadana Donald Trump wuxuu caasimadda Yahuudda u aqoonsaday Qudus san adkii 2017, sidoo kale madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday wuxuu hirgaliyay heshiis uu ugu ye eray midka qarniga. Wuxuu isku soo dhaweeyay qaar ka mid ah wadamada Carabta iyo Yahuudda, maadaama uu ka shaqeeyay heshiisyo diblomaasi yadeed oo ay Yahuudda la yeeshaan Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo dalka Suudaan.

Dadka reer Falastiin aad ayey arrintaan u camba areeyeen, balse imaatinka Joe Biden wax isbadal ah inuu ka imaanayo uma arko amiir Turki Al-Faisal.

Gobolka Banaadir oo wali wadda dadaallada biyaha looga qaadayo wadooyinka

    Kusimaha Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Gu ddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maali yadda Md. Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa soo korme eray wadooyinka waa-weyn ee Mag aalada Muqdi sho kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay saameyn ku yeeshay biyo-dhiga Roobabkii ka da’ay Mu qdisho, iyadoona Maa mulka Gobolka Banaadir ay dib wadooyinkaasi ugu soo celiyeen isu-socodkii caadiga ahaa ka dib markii laga dhuray biyihii halkaasi yaalay.

     Wadooyinka xalay uu booqday Kusimaha ay aa waxa ay kala ahaayeen Wadada weyn ee xir iirisa Dekkada Muqdisho illaa KM4, Wadada Xir iirisa KM4 illaa Airporka Muqdisho, Wadada Ce el Qalow ee Degmada Wadajir iyo Wadada Daa lo ee Degmada Howlwadaag, kuwaasi oo hada isu-soc odkoodu caadi kusoo noqday iyadoona hada ay shaqo ka socoto wadooyin kale oo ay biyo dhige en Roobabkii ka da’ay Caasimada.

     Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) ayaa warbaah inta u sheegay in ka-sakow biyo qaad ista ay M/ka wadaan Maamulka G/Banaadir, si doo kale ay soc oto in loo gurmado dadka danta yar ee dhibaato oyinka kasoo gaareen roobabkii ka da’ay Mu qdisho.

Dowladda Turkiga oo bixisay qeyb ka mid ah deyntii ay IMF ku lahayd Soomaaliya

     Dowladda Turkiga ayaa bixisay lacag gaar eysa 3.4 milyan oo dollar oo ka mid ah deynta ay hay’ adda lacagta adduunka ee IMF ku leed ahay Soo maal iya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xukuumadda Ankara.

      Tallaabadan ayaa qeyb ka ah barnaamijka HIPC ee Bankiga Adduunka iyo IMF ee lagu Xalayiyo dalalka ay deymaha la dageen ee saboolka ah.

     Turkiga ayaa noqonaya dalkii 116-aad ee gac an ka gaysta sidii Soomaaliya looga tir-tiri lahaa deynta lagu leeyahay oo markii hore dh ameyd 5.2 bilyan oo dollar. Lacagtaas ayaa qe ybo ka mid ah la bixiyey horraantii sanadkan, waxaana hadda haray 3.7 bilyan oo dollar.

     Deynta laga cafinayo Soomaaliya ayaa ga can ka siineysa inay hesho taageero maaliy adeed oo cusub oo ka imaneysa dalalka deeq da bixiya, si ay ugu guuleysato hadafyada ay ku sameyneyso isbeddelada dhaqaale.

     Turkiga ayaa saaxiib iyo xulufo wanaagsan la ah Soomaaliya, waxaana bixinta dyenta ka sokow ay Soomaaliya ka caawiyaan miisaani yadda san adlaha ah ee dowladda, tababarka ciidamada, iyo mashruucyo kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip