Madaxweyne Qoor Qoor " Maamulka Galmudug uusan aqbali doono colaad iyo khalalaaso ka dhaca degaannada Galmudug..".

0
Friday October 16, 2020 - 19:10:27 in Wararka by
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qoor Qoor " Maamulka Galmudug uusan aqbali doono colaad iyo khalalaaso ka dhaca degaannada Galmudug..".

    Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor) Madaxweynaha Dowlad goboleedka galmudug ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uusan aqbali doono colaad iyo khalalaaso ka dhaca degaannada Galmudug. Mr. Qoor Qoor wuxuu sheegay in dadka Reer Galmudug lagu xanto inay dega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor) Madaxweynaha Dowlad goboleedka galmudug ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uusan aqbali doono colaad iyo khalalaaso ka dhaca degaannada Galmudug. Mr. Qoor Qoor wuxuu sheegay in dadka Reer Galmudug lagu xanto inay degaannadooda ka jiraan Colaad, balse Madaxda Galmudug ay diyaar u tahay inay ka hortagto wax kasta oo keeni kara Colaadaha. Madaxweyne qoor Qoor oo hadal ka jeedinayay Munaasabad Jaamacad cusub lagu furayay oo ka dhacday Guriceel ayaa sheegay in Galmudug ay ka hortegi doonto waxkasta oo dib u dhigi kara horumarada Galmudug sida weerarada ay geystaan Ururka Al-Shabaab. Hadalka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen degaano ku yaalla duleedka Caasimadda Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip