Maxay Kooxda Chelsea ka tiri qilaafka la sheegay inuu soo kala dhexgalay N'Golo Kante & In xiddigu doonayo inuu ku biiro Real Madrid?

0
Wednesday October 14, 2020 - 19:30:14 in Wararka by
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Kooxda Chelsea ka tiri qilaafka la sheegay inuu soo kala dhexgalay N'Golo Kante & In xiddigu doonayo inuu ku biiro Real Madrid?

    Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa iska diiday oo beenisay qilaafka la sheegay inuu soo kala dhex-galay iyaga iyo N'Golo Kante. Waxaa jiray warar soo baxay dhowaan oo soo jeedinayay in xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka uusan ku farraxsanayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa iska diiday oo beenisay qilaafka la sheegay inuu soo kala dhex-galay iyaga iyo N'Golo Kante. Waxaa jiray warar soo baxay dhowaan oo soo jeedinayay in xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka uusan ku farraxsanayn Blues oo uu qilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Macallin Lampard, sidaas awgeed uu jeclaan lahaa inuu ku biiro Los Blancos. Sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku tilmaamtay wararka sheegaya in N'Golo Kante uu khilaaf soo kala dhex galay kooxda, isla markaana uu doonayo u dhaqaaqista Real Madrid inay tahay "wax aan micno lahayn oo wax kama jiraan ah". Warisdaha Le Parisien ayaa dhawaan soo wariyay in ciyaaryahanka khadka dhexe uusan ku faraxsanayn sida loogala dhaqmay garoonka Stamford Bridge, islamarkaana uu doonayo inuu u wareego dalka Spain. Si kastaba ha ahaatee, The Blues waxay si dhaqso leh u beenisay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Kante uusan kooxda ku faraxsanayn isla markaana uu qilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Tababare Lampard, xilli uu doonayo inuu ku biiro kooxda ka dhisan caasimada Spain.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip