Manchester City oo Farta loogu Fiiqay Macallin Cusub

0
Saturday October 10, 2020 - 20:33:23 in Wararka by
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City oo Farta loogu Fiiqay Macallin Cusub

    Weeraryahankii hore ee reer England, Darren Bent ayaa kula taliyay kooxda Manchester City in ay u guntadaan sidii layliga kooxda uu u qaban lahaa macallinka haatan layliya Kooxda Leeds United ee Marcelo Bielsa marka uu ka tago Guardiola. Bent oo ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahankii hore ee reer England, Darren Bent ayaa kula taliyay kooxda Manchester City in ay u guntadaan sidii layliga kooxda uu u qaban lahaa macallinka haatan layliya Kooxda Leeds United ee Marcelo Bielsa marka uu ka tago Guardiola. Bent oo ah khabiir dhanka cayaaraha ah ayaa sheegay in waqtigan la joogo ay tahay in Manchester City ay hoggaanka u dhiibtaan Biesla si ay uga soo kabtaan dakharradii soo gaaray.

Qaab aan wanaagsanayn ayay Man City ku bilaabatay kal ciyaareedkan, waxaana shan gool ku xaaqday kooxda Leicester City, halka ay barbarro la galeen kulankii xigay naadiga Leeds United.

15-sanadood kaddib macallin Marcelo Bielsa ayaa kooxda Leeds United ku soo celiyey horyaalka Premier League, waxaana kulamaddii ilaa iyo hadda uu kooxda ku hoggaamiyey horyaalka Premier League oo ahaa afar kulan ay guuleysteen labo ka mid ah, halka barbaro ay la galeen Man City isla markaana ay rigoore goor dambe ah kaga adkaatay Kooxda Liverpool oo ay ku kala tageen 4-3.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip