HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 20-AUG-2020

1
Thursday August 20, 2020 - 10:45:45 in Wararka by
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 20-AUG-2020

    Dowlada Soomaaliya oo heshiis cusub la saxiixatay Shirkadda Albayrak Dowladda Soomaliya iyo Shirkadda Alba yrak ee Maamusha Dekadda Muqdisho ayaa Shalay heshiis cusub ku kala saxiixday Magaa lada Istanbul ee wadanka Turkiga. Heshiisk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Soomaaliya oo heshiis cusub la saxiixatay Shirkadda Albayrak Dowladda Soomaliya iyo Shirkadda Alba yrak ee Maamusha Dekadda Muqdisho ayaa Shalay heshiis cusub ku kala saxiixday Magaa lada Istanbul ee wadanka Turkiga. Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca dowladda u saxiixay Sii-hayaha Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Bad da Maryan Aweys Jaamac wa xaana goob joog ka ahaa Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u mahadceli yay labada dhinac. Heshiiskan oo dib u eegis ku socday muddo ku dhow labo sanno ayaa si wadajir ah la isu gu af gartay wuxuuna dhigayaa in shirkada loo cusbooneysiiyo maamulida dekeda, taa bedel keedna ay horumarin iyo balaarin ku sameyso. Dhanka kale Turkiga waxaa u saxiixay Mr. Ahmet Albayrak oo ah milkiilaha shirkadda Alb ayrak, waxaana la filayaa in heshiiskan si ras mi ah maalmaha soo socda ay labada dhinac ku wada saxiixaan magaalada Muqdisho. Heshiiskii hore u dhexeeyay dowlada Soo maaliya iyo shirkada maamusha dekeda Muqdi sho ayaa waxaa cabasho ka keenay shaqaa laha Soomaalida ee ka howlgala dekedda.


Dowlada FS. oo soo bandhigtey Natiijadii baaritaanka weerarkii Xabsiga Dhexe

     Guddiigii loo xil saaray Baaritaanka weerar kii August 10 ka dhacay gudaha xabsiga dhe xe ee M/Muqdisho, ayaa kulan ay Shalay la ye esheen sii hayaha R/Wasaaraha dalka, Md. Mahdi Maxamed Guuleed, waxay ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan natiija dii usoo baxday baaritaankii ay sameeyeen.

     Guddiga ayaa intii ay baaritaanka wadeen waxay ogaadeen in August 08, 2020 gudaha xabsiga la geliyay hub sidoo kalana August 10, 2020 la geliyay rasaas dheeraad ah taasoo hor seeday in maxaabiista al-shabaab ee gudaha ku jirtay ay awood u yeeshaan inay gudaha xa bsiga weerar ka fuliyaan. Hubka oo ay ku jire en bastoolado iyo bambooyin lagu dhex qar iyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto

     Dhacdada ayaa loo xiray 27 ruux oo ay ka mid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo sar aakiil ay ku jirto 6 ruux oo shacab ah iyo 9 ka mid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso oo ka dhacay gudaha xabsiga.

     Saraakiisha iyo ciidanka asluubta ee arrinta an loo xiray oo ay kamid yihiin taliyaha xabsi ga dhexe iyo ku xigeenkiisa ayaa lagu eedeey ay inay fududeeyeen weerarka ama ay same eyeen dayacaad iyo gudasha la’aan mas’uuliy adii ka saarneyd sugidda amniga maxaabiista iyo mawaadiniinta kale.

     Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyeen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidama da qalabka sida.

Madaxweynaha Somaliland oo diray dham baal ku aadan Sanadka Cusub

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cab di ayaa Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1442-ka (Hijiriyada) awgeed Hambalyo iyo Bogaadin ugu diray guud ahaan Umadda Muslimiinta ah. Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u diray Waddam mada iyo shucuubta muslimii nta ah ee dacall ada dunida ku nool, isagoo ku tahniyaday naya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan Maanlinta Khamiista ah.

    "Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga bary ayaa inuu shacbiga Somaliland iyo Ummada   islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkii sa ku gaaraan bash-bash iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caa fimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatay na uu naxariistii janno ka waraabiyo” ayaa la gu yir Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

     Ugu dambayn Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu Umadda Islaamka u rajaynayay in Sannadka 1442-ku noqdo kii ula kowsada nab adgelyo iyo xasillooni buuxda.

Dowladda oo sheegtay in gacanta lagu dhig ay Gaari laga soo buuxiyay waxyaaba ha Qarxa

     Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sa meeyeen deegaanka Gendarshe ee G/Sh/hoo se waxaa la sheegay inay ku soo qabteen ga ari Saaruf ah oo Al-shabaab ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa.

     Taliya Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa idaac adda ciidamada Qalabka si da u xaqii jiyay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaar ig aan oo ay ka buuxaan walxaha qarxa kuna soo jeeday mag aalada Muqdisho.Taliyaha Gu utada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale sheegay in ciidanku ay soo qabten miinooyin badan iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo waday. Ciidamada DANAB ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay howlg allo kala duw an ka sameeyeen degaano ka tir san G/Sh/ Ho ose, iyada oo sid oo kale ay jireen weeraro ka dhacay tuulooyin hoostaga deg mada Afgooye.

Al-shabaab oo Dil toogasho ah ku fulisay Nin dilay aabihiis

     Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Goob fagaaro ah oo ku taalla deegaan ka tirsan G/ Sh/Hoose waxaa ay ku toogteen Nin lagu eede eyay inuu horey u dilay aabihiis.

     Cumar Abkow Xasan oo 30 jir ayaa lagu magacaabi jiray Ninka xukunka dilka toogasha da ahaa ee Al-shabaab ku fulisay, waxaana fa gaaraha uu xukunka ka dhacaayay ku sugnaa boqolaal qof oo la isugu geeyay halkaas.

     Maxkamadda Shabaab ayaa sheegtay in Cumar Abkow uu qirtay inuu dilay aabihiis dha lay, kadibna uu god ku riday, sida lagu sheeg ay War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Inter net-ka Shabaab.

      Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer wa xaa ay xukuno isugu jira Dil iyo Karbaash ay ku fuliyeen dad loo jeediyay eedeeymo kala du wan, waxaana xukunadaas inta badan ay ka dhaceen deegaanada ay Gobolada dalka kaga sugan yihiin

Wararkii ugu dambeeyay Shirarka ka socda Magaalada Dhuusamareeb

     M/Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmud ug waxaa weli ka socda shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Mad axda D/Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabee lle.K/Galbeed & G/Banaadir, iyada oo ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Puntla nd & Jubbaland.  2da Maamul ee jubbaland iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay howlaha ka socda M/ Dhuusamareeb ,iyaga oo sheegay in hadii he shiis la gaaro aysan dalku laheyn xuk uumad fulisa, isla markaana aysan Dhuusamar eeb tageen ilaa laga Magacaabo R/ Wasaare.

     Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa habeeno ka hor shir jaraa’id uu qabtay waxaa uu sheegay in Waj iga 3aad ee Shirka Dhuusamareeb uu furay, is aga oo ugu baaqay Madaxweynayaasha Jub baland & Puntland in ay kas oo qeyb galaan.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Ka ariye ayaa xi riir qadka taleefanka ah Shal ay la sameeyay Madaxwaynaha Puntland Saciid Abdulahi Deni oo ay kawada hadleen sidii Pun tland ugu soo biiri laheyd Shirka Dhuusamareeb3.

    Wadahadalka 2da madaxw ayne oo mudo qaatay ayaa la gu eegay sida ugu dhow ee la gu dhameyn karo diidmada puntland ka qaad atey kusoo biirista shirka Dhuusamareeb, Mad axweyne QoorQoor oo isku howlay sidii arin kan uu xal ugu heli lahaa ayay markale Xalay ku balameen inay xiriir kale sameeyaan Madax waynaha Puntland Deni, maadaama aan Shal ay lagu guuleysan in xal loo helo qodobada qa ar ee salka u ah diidmada Puntland Hase yee shee wali wax ka soo baxay ma jiraan.

     Dhinaca kale Shirka M/Dhuusamareeb ay aa dad badan oo Siyaasiyiin ah waxaa ay qa baan in aysan kasoo bixi doonin natiijo bedeli karta xaalada siyaasadeed ee dalka xilli lagu guda jiro waqti kala-guur ah dalkana uu ku jiro xilli doorasho.

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay laamaha ammaanka

    Madaxweynaha Maamul G/Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa Xalay guddoomiyey Shi rka  Guddiga Nabadgelyada, oo looga hadlay guud ahaan amniga iyo dardargelinta qorshey aasha lagu horumarinayo.

    Shirka oo ku qabsoomay beerta nasashada ee Qasriga Madaxtooyada D/Puntland ee Garo owe, waxaa ka qeybgalay Saraakiisha laama ha amniga, Maamulka G/Nugaal iyo kan D/Gar oowe. Inta uu shirku socday ayaa waxaa sar aakiisha ammaanka iyo Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen habka ugu wanaagsan ee ammaanka lagu sugu karo.

    Degaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa dhawanahan ka dhacayay falal aminiga lid ku ah, waxaana magaalooyinka wa aweyn ee uu ka arrimiyo maamulka Puntland tiro dhawr jeer ah ka dhacay qaraxyo iyo wee raro toos ah oo ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Boosaaso, Gaalkacyo, garoowe iyo Magaaloyin kale.

Mucaaradka Burkina Faso oo isku raacaya heshiis cusub

    Mucaaradka Burkina Faaso ayaa isku raac ay heshiis ah inay iska soo dhex saaraan hal musharrax oo la loollama Madaxweyne Roch Kaboré , wareegga 2aad ee doorashooyinka dhici doona bisha November ee soo aadan.

        8 Musharraxiin madaxtinni mo iyo 22 axsa ab mucaarad ah ayaa Dorraad saxiixday heshii skan.

     Haddii 2 Musharrax oo mucaarad ah ay gaa raan wareegga 2aad ee doora shada, wuxuu heshiisku dhig ayaa in xisbiyadooda ay taagee raan.

   Wareegga 1aad ee doorasha da madaxtinn imo ayaa la qaban doonaa 22-ka November. Hoggaamiyaha Zéphirin Diabré ay aa sheegay in heshiiskan uu yahay mid "taarii khi ah”.

  Isha:BBC

 


Beesha Caalamka oo war Cusub kasoo saartay Shirka Dhuusamareeb farriina u dirtay Xubnaha Shiraya

     Xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay garab istaagayaan heshiiska kasoo baxa wajiga 3aad ee Shirka M/Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug, iyaga oo ugu baaqay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Jubbaland inay shir kaasi ka qeyb-galaan.

    Qoraalka Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marnaba aysan go’aan soo sa ari karin xubnaha ku sugan Magaalada Dhuu samareeb, iyada oo ay maqan yihiin Madaxda Puntland & Jubbaland.

HOOS KA AKHRISO War-Saxaafadeedka Xubnaha Beesha Caalamka.

     Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caala mka waxay soo dhoweynayaan in hoggaanka DFS & kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Fede raalka ay magaalada Dhuusamareeb soo gaa reen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd.

     Waxay sidoo soo dhoweynayaan billowga hawsha guddiga farsamo ee wadajirka ah ee loo xilsaaray diyaarinta xulashooyinka hanaan doorasho oo la isugu tanaasulay oo la isku afgarto si madaxu uga baarandegaan.

     Saaxiibadu waxay si xooggan ugu dhiirigel inayaan madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin in ay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda joo ga M/Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan.

     Saaxiibadu waxay ku nuuxnuuxsanayaan inay muhim tahay in dhammaan madaxdu ay ka qaybqaataan shirmadaxeedkan si loo sii wado geeddi-socodka dhisidda isafgarad wa dar-ogol ah, loona soo saaro heshiis ballaaran oo laga gaaro hanaanka doorashooyinka fede raalka 2020/21 oo qanciya dhammaan saamil leyda Soomaaliyeed. Waxay dhammaan mad axda xusuusinayaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta horumarka laga gaaray dowlad-dhisid da Soomaaliya iyo ka soo bixidda ballammadii horey loo galay.

     Iyadoo tan la eegayo, saaxiibadu waxay mar kale adkeynayaan in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaab ab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad is la markaana aan laga hirgelin karin iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale.

    Saaxiibadu waxay si dhow ula socdaan wax yaabaha ka soo kordha kulanka magaalada Dhuusamareeb, waxayna dabagal ku samey nayaan tallaabooyinka lagu heshiiyo waxayna diyaar la yihiin inay bixiyaan hadba taageera da ay ka codsadaan dhammaan ka qaybgalay aasha si loo fududeeyo hirgelinta.

     Dalalka  iyo hay’adaha soo saaray qoraalka an ayaa kala ah; Belgium, Boqortooyada Mido wday ee Ingiriiska, Denmark, Djibouti, Dowlad da Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlga lka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Holland, Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Ke nya, Midowga Yurub, Norway, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkey, Ugaandha, Urur-Goboleed ka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Taliyeyaal Cu sub u Magacaabay Guuto

    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaal iya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Guutada 5-aad ee Qaybta 27-aad iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Guutadaas oo ka howlgala G/ Hiiraan.

    Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Od awaaYuusuf Raage ayaa waxaa xilka Taliyaha Cusub ee Guutada 5-aad ee Qaybta 27-aad lo ogu Magacaabay Col. Maxamuud Xasan Ibra ahin, isagoo bedelaya Taliyihii Guu tada Col. Faraax Cali Waasuge Far ax Kooshin.

 Sidoo kale Taliye Odawaa ayaa Taliye ku-xigeenka Guutada 5-aad u magacaabay G/dhexe C/hi Barre Cilmi, iy ad oona xilka laga qaaday Abaanduulihii guu tada G/Sare Maxamed Cabdi Xasan (Jeeri).

    M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiraan ayaa waxaa  lagu wadaa inay ka dhacdo Munaas abadda xilka loogu wareejinayo Saraakiisha Cusub, waxaana Shalay halkaas gaaray wafdi ka socda Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

DFSoomaaliya oo shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah.

   Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha da XFS, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku shee gtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoode en 22 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee da dka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 2,396.

     Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo ka le caddeysay in la diiwaan geliyay 8 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga puntl and, 7 qof, , Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,265.

      Bukaannada cusub 7 waa rag. 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay majirin dad Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19.

      Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bul shada XFS ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yaree yo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Banaanbax ka dhacay Shalay magaalada Baydhabo

     Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjee do falal kufsi ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka soo cusboonaaday M/Baydhabo ayaa Shalay ka dhacay magaaladaas.

    Bannaanbaxa waxaa ka qeyb qaadanayay qey baha ka la duw an ee bulshada ku dha qan M/Baydhabo ayaa waxa ay ku qeyl inayeen hadalo loo gaga soo horjeedo falalka kufsiga ah ee loogu geystey magaalada Baydhabo wiilal yaryar.

    Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay ka codsadeen maamulka Koofurgalbeed inuu gacan bir ah ku qabto dadka caadeystey falal ka anshax darrada ah.    Bannaanbaxan ayaa dhacay kadib markii Dorraad M/Baydhabo lagu toogtay labo nin oo lagu eedeeyay in kufsi u geystay wiil.

Wajiga 1aad qorshaha ka hortagga fataha ada Beledweyne oo la soo geba-gabeeyay

     Guddiga gurmadka xaalka waara ee fataha adaha M/Beledweyne ee Xarunta G/Hiiraan ay aa Shalay oo Arbaco aheyd waxaa ay soo geb a-gabeeyeen wajiga 1aad ee dadaalada wax ka qabshada fatahaahada xalalka deg deg ah.

    Xubnaha guddiga ayaa 7yadii la soo dhaa fay waxaa ay ku howlan aayeen dhisida biyo xir een si looga hortaggo fatahaada uu sanad walba M.Beledweyne ee G/Hiiraan uu Wabiga ka geys to,isla markaaa ay ka barakacaan kumanaan qoys.

     Goobaha biya xireenka laga sameeyay wa xa ka mid ah tuulada Hilikilyo oo dhacda dule edka dhinaca waqooyi ee M/Baledweyne halka as, oo kamid aheyd meelaha biyaah sida dar an uga soo jabsan jireen karkaarada.

    Ing Cabdi Kariin oo kamid ah injineerada ga canta ku haya dhismaha Biyo xireenka ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay u socoto Shaq ada dhisida Biyo xireenka si aysan markale u dhicin fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka gey sto Magaalada Beledweyne.

     Guddoomiyaha guddiga gurmadka Fataha daha Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa dhankiisa sheegay inay soo geba-gabee yeen wajiga koobaad ee biyo xireenka Hiliki lyo, isla markaana ay rajeynayaan inay guulo ka gaaraan.

      Guddigan ku howlan la tacaalista iyo ka ho rtagga fatahaad uu sameeyo wabiga Shabee lle ee M/Beledweyne ayaa sameynaya Carro tuuro waaweyn oo ay dhigayaan goobaha uu Wabiga ka jilicsan yahay si uusan u fatahin.

Hay’ad sheegtay in hubka Iiran siiso Xuuti yiinta loo iibgeeyo Soomaaliya

     Warbixin ay soo saartay Hay’ad baarta Ba rnaamijka Caalamiga ah ee dambiyada abaa bulan ayaa waxaa lagu shaaciyay inay heleen caddeymo muujinaya in dowladda Iiraan ay hub siiso Kooxaha ka dagaalama Yemen, isla markaana hubkaas loo iibgeeyo Soomaaliya.

      Warbixinta ayaa agu xusay in warkaasi la rumeysan karo,isla markaana Nin Ganacsade soomaali ah oo degan M/Sanca ee dalka Yem en uu xaqiijiyay qorshahaas,iya da oo muddo 7aad ah baaritaan lagu haayay.

Ilo wareedyo madax bannaan ay aa sheegay in hubkaasi ay Iira an siiso Kooxaha ka daga alama Yemen ee loo soo iibgeeyo Soomaaliya ay ka mid yihiin, qoryaha AK-47, qoryaha dara ndoori ga u dhaca, bambo gacmeed iyo rasaas nooc yo kala duwan leh, hayeeshee lama sheegin dadka sida gaarka ah looga iibiyo.

     "Arrintaan waxaa ay cadeyneysaa inay jira an Kooxo isku xiran oo hubka sharci darrada ah u iibgeeya Soomaaliya, kaas oo ka yimaa da Iiraan ayaa lagu yiri, Warbixinta Barnaamij ka Caalamiga ah ee dambiyada abaabulan.

     Soomaaliya ayaa waxaa saaran cunaqabat eyn dhinaca hubka ah oo ay saartay Q/Mido obay sanadkii 1992-dii,balse waxaa dalka si qa rsoodi ah lagu soo geliyaa hubka noocyadiisa

kala duwan.


Dowladda Soomaaliya iyo QM oo War-Saxaafadeed Wadajir ah soo saaray

    War-Saxaadadeed ay siwadajir ah u soo sa areen DFS & Q/Midoobey ayaa waxaa ay ku baaqeen in laga qeyb qaato badqabka Shaqa alaha gargaarka ee ka howlgalla Soomaaliya, xilli Shalay ay ku beegan ta hay. War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in sanadkaan Maalinta Caal amiga ah ee Samafalka ay kusoo aadaya waqti adag oo ay jirto halis saddex oo kala ah, ah (Kor oona Fayras, fatahaado iyo ayaxa).

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka oo aad u dheer.

     Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka awge ed, D/F/Soomaaliya iyo Q/Midoobay waxay ku baaqayaan in laga qayb qaato bedqabka shaq aalaha gargaarka ee ku howlan badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

    "Sannadkan, Maalintan Bini’aadamnimada Adduunka waxay ku soo aadday waqti adag oo ay jirto halis saddex-geesood ah (Koroona Fayras, fatahaado iyo ayaxa) ay uga sii dareen xaaladda bini’aadamnimo ee daba dheeraatay ee Soomaaliya,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrima ha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya, Mr. Ada m Abdelmoula.

     "Bahda gargaarku waxay qiyaasayaan in 5.2 milyan oo qof ay u baahanyihiin kaalmo bin i’aadamnimo sannadkan 2020, weliba xaalku wuxuu hadda u muuqdaa inuu ka sii daraayo.

Ilaa 3.5 milyan oo Soomaali ah ayaa la qiyaa sayaa ineysan heli doonin cunto ay ku noolaad aan bisha Sebteembar. Si looga gudbo faqriga ay keeneen mashaqooyinka bini’aadamnimo, waxaa lagama maarmaan ah in la helo xal wa ara,” ayuu ku daray Mr. Abdelmoula.

      Jawiga ay ku shaqeeystaan shaqaalaha gargaargka waa mid adag sababo la xiriira amni darrada jirta iyo kaabayaasha waddanka oo liita, tan ayaa caqabad ku noqotay in gar gaarku si sahlan u gaaro dadka u baahan.

     Caqabadaha ku horgudban gargaarka aad ayay sara ugu kaceen sannadkan 2020, ilaa 114 dhacdo oo ka dhan ah howlaha gargaark bini’aadamnimo ayaa la diiwaan geliyay intii u dhaxeysay bilowga sannadka iyo dhammaadkii bisha Luulyo, marka la barbardhigo 151 dhac do oo la diiwaan geliyay sannadkii 2019. Shaq aale gargaar oo gaaraya 11 ayaa la dilay, 11 wa dhaawacmeen, 23na waa la afduubtay, shaqaalaha la dilay waxaa ka mid ah toddobo hal meel lugu wada dilay.

      "Waxaan rabaa inaan bogaadiyo dadaalka aan kala go’a lahayn ee samafalayaasha Soo maaliyeed ee ka shaqeeyaarrimaha gargaar ka,” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareyn ta Masiibooyinka ee Dowladda Federaalka So omaaliya. "Waxaan si gaar ah u magac dhaba yaa shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliyeed oo lafdhabar u ah howlaha gargaarka.”Laga soo bilaabo bishii Maarso, Soomaaliya waxay diiwaan gelisay 3,200 kiis oo Korona Fayras, halka 93 qofna ay xanuunka u dhinteen. Fata haado ayaa saameeyay dad gaaraya 200,000 oo qof oo ku kala nool dowlad goboleedyada Hirshabelle, Koofur Galbeed, Jubaland iyo G/ Banaadir laga soo bilaabo dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkan; waxaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip