Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Baamiyaha waxaa ka mid ah :
• Baamiyuhu wuxuu ilaaliyaa Caafimaadka WADNAHA.
• Baamiyuhu waxa ka hor tagaa cudurada kudhaca BEERKA.
• Baamiyuhu waxa uu ka hor tahaa cudurka SOKOROWGA.
• Baamiyuhu wuxuu cayimaa heerka CHOLESTEROL-ka.
• Baamiyuhu wuxuu dilaa unugyada KANSARKA naasaha.
• Baamiyuhu wuxuu kahor tagaa Gaastariiga ( Gastritis ).
• Baamiyuhu waxa uu kahor tagaa inay kusoo weeraro cudurka NEEFTA.
• Baamiyuhu waxa uu caawiyaa soo saarista unugyada Cas ee dhiiga wuxuuna kahor tagaa dhiig yaraanta.
• Baamiyuhu wuxuu kordhiyaa awooda difaaca jirka.
• Fiitamada, Macdanta iyo Fiberka kujira Baamiyaha waxa ay kor u qaadaan Caafimaadka Hooyada uurka leh iyo Ilmaha.
• Baamiyuhu wuxuu adkeeyaa LAFAHA wuxuuna kahor tagaa dhiig baxa.
• Baamiyuhu wuxuu kordhiyaa difaaca JIRKa.
• Baahiyahu wuxuu wanaajiyaa araga INDHAHA
• Baamiyuhu wuxuu dhowraa caafimaadka MAQAARKA.
• Baamiyuhu wuxuu fududeeyaa dhaq dhaqaaqa MANDHICIRKA
• Baamiyaha waxaa kujira Fiber lagu magacaabo Mucilaginous Fiberkaas oo ka hor taga CALOOL FADHIGA.
• Baamiyaha laga helaa Viitamiinada kala ah A, B, C, E iyo K.
• Baamiyaha waxaa laga helaa macdanta kala ah Calcium,Iron, Magnesium,Potassium iyo Zink
By. Muse Mohamed Osman.
E-Mail : muusekiiiko@gmail.com
FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO BAAMIYAHA ( OKRA ).
Baamiyaha waxa uu ka mid yahay dhirta ubaxleyda ah wuxuuna ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan Mallow, Muran ayaa kajira halka uu Baamiyiyuh asal ahaan kasoo jeedo waxaana isku heysta Itoobiya, dalalka Afrikada Galbeed iyo dalalka Aasiyada Koof