Kulan u dhaxeeyay Maamulada Hir-Shabeelle & DDS oo fashil ku dhamaaday

0
Monday June 29, 2020 - 22:13:20 in Wararka by
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan u dhaxeeyay Maamulada Hir-Shabeelle & DDS oo fashil ku dhamaaday

    Magaalada feer feer oo ku taalla Xadka uu gobolka Hiiraan la wadaago itoobiya ayaa waxaa ka socday shir u dhaxeeyay mas'uuliyiinta Gobolka Hiiraan ee Hir-Shabeelle & Mas'uuliyiin ka socotay Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya si xal loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada feer feer oo ku taalla Xadka uu gobolka Hiiraan la wadaago itoobiya ayaa waxaa ka socday shir u dhaxeeyay mas'uuliyiinta Gobolka Hiiraan ee Hir-Shabeelle & Mas'uuliyiin ka socotay Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya si xal looga gaaro Dagaal beeleedyo ka jiray halkaas,waxaana la sheegay in kulankaasi uu fashil kusoo dhamaaday. Xubno ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan & Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle ayaa tegay halkii ay dirirta labada maleeshiyo Beeleed ku dhex-martay,waxaana wararka la helay ay sheegayaan in mas'uuliyiinta ka socotay DDS ay Mas'uuliyiin Gobolka Hiiraan u sheegeen dhulka ka caagan in la dego,la beerto hubkana ka caagan taas oo uu ka carooday guddoomiyaha Gobolka Hiiraan. Wariyeyaal wafdiga qeyb ka ahaa ayaa waxaa ay sheegeen in Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu kasoo horjeestay hadalka mas'uuliyiin DDS, isla markaana uu u sheegay in go'aankaas maamulkiisa u cuntmayenin,kaas oo keeni kara colaad horleh maadaama dhulka laga wada hadlayo uu yahay Soomaaliya. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wafdiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ay dib ugu soo laabteen Magaalaa Beleddweyne ee Gobolka Hiiraan, iyad aoo aan wax natiijo ah laga gaarin shirkii ka dhacay Magaalada Feer feer.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip