Dood ka taagan sidii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda cudurka coronaha Sweden

0
Tuesday March 24, 2020 - 21:45:17 in Wararka by
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood ka taagan sidii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda cudurka coronaha Sweden

    Shalay maalin madow bay u ahayd Soomaalida ku nool dalka sweden, 15 qof oo geeriyootay lix kamid ah baa Soomaali ahayd ,shan kamid ah marxuuminta waxaay ku geeriyoodeen degaanka Järvaområdet kan lixaadna wuxuu ku geeriyooday degmada Jä

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay maalin madow bay u ahayd Soomaalida ku nool dalka sweden, 15 qof oo geeriyootay lix kamid ah baa Soomaali ahayd ,shan kamid ah marxuuminta waxaay ku geeriyoodeen degaanka Järvaområdet kan lixaadna wuxuu ku geeriyooday degmada Järfälla. Wargaysyada dalka Sweden kasoo baxa waxaay ku sababeeyeen dhimashada sida aadka ah u sareeysa ee qowmiyadda soomaaliyeed in aay ku qotonto dhaqanka soomaalida oo ah in lasoo booqdo qofka jiran iyo iyadoo Soomaalida aaynan si fiican uga dhaadhicin fartiimihii digniinta ahaa oo loo dirayey dadweeynaha ku nool dalka Sweden. Arinkale oo dood ahi waxaay ka taagan tahay sidii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda cudurka coronaha iyadoo takhaatiirta qaarkood aay ku taliyeen in lagu sameeyo meeydka wax la yiraahdo "cremation" oo ah in maydka la foorneeyo lagana dhigo dambas, hasayeeshe waxaa aakhirkii la isla qiray in aanay soojeedintaas marnaba yeelayn Muslimiinta iyo Yuhudda, waxaase beddelkedii la isku raacay in aaska maydka la dedejiyo oo aan sidii dhici jirtay muddo dheer lagu hayn qaboojiyayaasha. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip