Chelsea Oo Dhameystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Bisha Janaayo & Xiddiga Cusub Oo Qolka Labiska Kula Kulmay Xiddigaha Blues

0
Monday January 13, 2020 - 20:34:30 in Wararka by
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Dhameystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Bisha Janaayo & Xiddiga Cusub Oo Qolka Labiska Kula Kulmay Xiddigaha Blues

    Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa xiddiga reer Norway Bryan Fiabema oo noqday saxiixii ugu horeeyay kooxda ee bishaan Janaayo iyadoo da' yarkaan uu asxaabtiisa cusub kula kulmay qolka labiska ka dib guushii ay shalay ka gaareen kooxda Burnley.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa dhameystirtay saxiixa xiddiga reer Norway Bryan Fiabema oo noqday saxiixii ugu horeeyay kooxda ee bishaan Janaayo iyadoo da' yarkaan uu asxaabtiisa cusub kula kulmay qolka labiska ka dib guushii ay shalay ka gaareen kooxda Burnley. 16 sanno jirkaan oo ku biiraya akadeemiga bedelkii uu u dheeli lahaa kooxda koowaad ayaa tijaabo u maray Blues dhamaadkii sannadkii tagay, wuxuu dhigay wacdarro taasoo keentay in qandaraas joogta ah laga saxiixo. Sida ay sheegtay warbaahinta reer Norway VG waxa uu saxiixay qandaraas seddex sanno iyo bar ah isagoo durbaba soo gaaray xarunta tababarka Chelsea ee Cobham. Waxaa ka dib lagu martiqaaday inuu daawado kulankii ay shalay oo Sabti ah 3-0 kaga badiyeen Burnley isagoo qolka labiska kula kulmay xiddigaha kooxda koowaad. Fiabema ayaa sawir la galay Callum Hudson-Odoi kaasoo ay isku wakiil yihiin halka uu sidoo kale la kulmay tababaraha kooxda Chelsea Frank Lampard. Sida ay sheegtay warbaahinta reer Norway VG waxa uu saxiixay qandaraas seddex sanno iyo bar ah isagoo durbaba soo gaaray xarunta tababarka Chelsea ee Cobham. Waxaa ka dib lagu martiqaaday inuu daawado kulankii ay shalay oo Sabti ah 3-0 kaga badiyeen Burnley isagoo qolka labiska kula kulmay xiddigaha kooxda koowaad. Fiabema ayaa sawir la galay Callum Hudson-Odoi kaasoo ay isku wakiil yihiin halka uu sidoo kale la kulmay tababaraha kooxda Chelsea Frank Lampard.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip