Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee UK "SAWIRRO"

0
Friday February 19, 2016 - 15:33:12 in Wararka by
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee UK "SAWIRRO"

    Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ku dhaqan magaalada London ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Wakiilka cusub ee dhawaan Wasaaradda Warfaafintu usoo magacowday Warbaahinta Qaranka ee Cariga Ingiriiska Marwo Faadumo Faandhe Cali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ku dhaqan magaalada London ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Wakiilka cusub ee dhawaan Wasaaradda Warfaafintu usoo magacowday Warbaahinta Qaranka ee Cariga Ingiriiska Marwo Faadumo Faandhe Cali.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, waxaana dhamaan dadkii ka hadlay xafladad ugu hambalyeeyeen madaxda Wasaaradda warfaafinta tallaabadan horumarka leh ee ay ku dhaqaaqeen mas’uuliyiinta Wasaaraddu iyo isbadalka ay ka sameeyeen xafiiska Warbaahinta Qaranka ee UK.



Maxamed Aadan Teera oo ah rugcadaa saxaafadeed, kana mid ah Warbaahinta Soomaalida oo ka hadlay munaasabdan ayaa dhankiisa ku tilmaamay tallaabadan mid dhiirigelin unoqonaysa da’yarta Soomaaliyeed ee ka hawlagala Warbaahinta Soomaalida

"Tallaabdani waa guul usoo hoyatay dhalinyarada Soomaaliyeed oo inbadan oo kamid ah aan fursad u helin inay qabtaan xilalka kala duwan ee Warbaahinta ay ka hawlgalaan, waxaana mas’uuliyada in loo dhiibaa dhallinyarada ku siyaadinaysaa inay xil iska saaraan dhallinyarada shaqada ay qabanayaan " ayuu yiri rugcadaa saxaafadeed Maxamed Aadan Teera.

 


Abdirahman Soomaali

Warbaahinta Qaranka

London UK

xigasho radiomuqdisho.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip