Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose

0
Sunday September 22, 2019 - 11:56:36 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo subaxnimadii hore ee saakay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku bilaawday oo subaxnimadii hore ee saakay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha hoose Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan uu ku bilaawday qarax ismiidaamin ah oo lagu furay afaafka hore ee xerada, waxaana xigay dagaal toos ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Ceel Saliini oo ka tirsan degmada Awdheegle Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka oo la sheegay inuu qaatay saacado badan, lana isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ururka Al-shabaab ayaa warbaahintooda ka sheegay in ay saacado kooban la wareegeen saldhigga khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacna u geysteen ciidamadii halkaa ku sugnaa. Goobjoogayaal magacyadooda qariyay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay arkeen gaadiid dagaal oo Al-shabaab ay kala baxeen saldhigga la weeraray. Laakiin dhnaca kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka islamarkaana khasaare xoog leh gaarsiiyeen xoogagga Al-shabaab weerarka soo qaaday. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in deegaanka xaalad kacsanaan ah ayaa la soo sheegayaa in laga dareemayo deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip