Koonfur Afrika: Dad loo xiray boobkii loo geystay Ganacsatada Soomaalida

0
Monday August 19, 2019 - 11:11:52 in Wararka by
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfur Afrika: Dad loo xiray boobkii loo geystay Ganacsatada Soomaalida

    Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Kooxo Burcad ah waxaa ay boob kula dhaqaaqeen Goobo Ganacsi ay leeyihiin dad u badan Soomaali iyo Itoobiyaan,kuwaas oo ku yaalla Magalada Soweto ee dalkaasi Koonfur Afrika. Booliska dalkaas ayaa la sheegay in howlgal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa Kooxo Burcad ah waxaa ay boob kula dhaqaaqeen Goobo Ganacsi ay leeyihiin dad u badan Soomaali iyo Itoobiyaan,kuwaas oo ku yaalla Magalada Soweto ee dalkaasi Koonfur Afrika. Booliska dalkaas ayaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen saacadihii la soo dhaafay ay gacanta ku dhigeen 18 Ruux oo lagu tuhmayo boobkii ka dhacay Xaafadaha Dobsonville, Meadowlands, Rockville, Naledi, Zola, iyo Emdeni. Sarkaal u hadlay Ciidamada Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in dadkaan la xiray ay yihiin dad looga shakiyay inay ku lug leeyihiin falkaasi boobka ah ee Ganacsiyadooda lagula kacay dadka Ajaanibta ah. Sidoo kale dadka la boobay hantidooda oo Soomaali ay ku jiraan ayaa qaarkood waxaa ay sheegeen in ay dib ugu laabayaan dalalkooda maadaama aysan dalkaasi ku heysan nabadgelyo oo markasta dil iyo boob la isugu darayo. Wararka aan ka heleyno Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayana in deganaansho aan caga badan ku taagneyn ay ka jirti xaafaadihii uu boobka ka dhacay wallow la geeyay Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip