Mr. Baranbaro Booteeye!!!.

0
Wednesday August 07, 2019 - 23:08:47 in Wararka by
  • Visits: 1541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mr. Baranbaro Booteeye!!!.

    Nin Qurbaha ( Wadamada Reer Galbeedka) Ka Soo noqday ayaa tagay Tuuladii uu yaraantiisii Diinta Ku Soo bartay. Waxa uu ugu tagay Sheikh Ardaydii u sharaxaya Kitaabka ( Saxiixul Bukhaari). ( F.S: 1aad) Ninkii Dibada Ka yimid ayaa yiri: Sheikhoow R

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Qurbaha ( Wadamada Reer Galbeedka) Ka Soo noqday ayaa tagay Tuuladii uu yaraantiisii Diinta Ku Soo bartay. Waxa uu ugu tagay Sheikh Ardaydii u sharaxaya Kitaabka ( Saxiixul Bukhaari). ( F.S: 1aad) Ninkii Dibada Ka yimid ayaa yiri: Sheikhoow Reer Galbeedku waxa ey gaareen Dayaxa, Adiguna weli waxaad Ciyaalka u sharaxeysaa Saxiixul Bukhaari.

Sheikhii ayaa Ku yiri: Taasi wax weyn oo lala yaabo miyaa?. Waa Makhluuq ALLA Abuuray oo gaaray Makhluuq kale ( Dayaxa & Dadkuba). Annaguna waxaan rabaa in khaaliqii Kuli Abuuray aan gaarno.

Laakin mid Ogoow, Adigu waxa aad tahay midka kaliya ee khasaaray ee nagu dhax jiro. Adigu Reer Galbeedkiina Dayaxa lama aadan tagin, Annagana Saxiixul Bukhaari Nalama aadan Akhrisan.

Maxaa ey badan yihiin kuwaa oo kale oo aan la socon Dadka socdo, Dadka socdana eyna shartooda Ka Nabad galeyn. ( F.S:2aad)

Maxeey badan yihiin, kuwa Nolosha Reer Galbeedka uga jiro halka Baranbaradu ey uga jirto Xayawaanka Guriga joogo, maxeey badan yihiin kuwo Wadamada Carabta Ku Soo arkay Nin cad oo Qamiis wata, kadibna Culumadii isaga naftiisa wax Soo bartay ee Somalida dhaliil Ku bilaabay. Carabkiina uu isga ceynayo, isagiina Annaga na ceynayo.

Maxaad aragtay kuwa badan oo Wadamada Reer Galbeedka Ka yimid oo kuu amaanayo Nolol uuna isaguba Soo fahmin, taadana dhaliilayo, Labadana aan midna Ku guuleysan, kuna wada saaqiday.

kaa weli ma aragtay, Runta iska sheeg?

Somalidu ma xey u taqaan?. Galti macruif, dawacadii socodkeedii dhumisay kii kalena ann keenin.

Dadkaaga Saxiixul Bukhariga la Aqriso ama Dayaxa wax Ka aad, Mr. baranbaro booteeye.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip