SAWIRO: Dowladda oo sheegtay in ay soo qabatay dad dilal maleegayey iyo hubkooda

0
Thursday July 11, 2019 - 22:20:54 in Wararka by
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: Dowladda oo sheegtay in ay soo qabatay dad dilal maleegayey iyo hubkooda

    Ciidamada amniga oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay Banaanka Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan Daacish oo maleegayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA. War kooban oo kasoo baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada amniga oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay Banaanka Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan Daacish oo maleegayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA. War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho. Hay'adda NISA ayaa sheegtay in ay soo qabatay 4 ruux oo labo ka mid ah ay shaqeeyaan Shirkad Ganacsi oo aan Magaceeda la shaacin. "Hawgal ay Hay'adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi" ayaa lagu yiri War kasoo baxay NISA.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip