HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA JUUN 2019-KA

0
Monday June 17, 2019 - 09:53:39 in Wararka by
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA JUUN 2019-KA

    DOWLADDA OO HEEGAN GELISAY HAY'ADAHA KA HORTAGA XAALADAHA DEGDEGGA Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Xanuunka Ebola oo la sheegay in uu ka dilaacay dalka Uganda oo Soomaaliya ay ka j

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DOWLADDA OO HEEGAN GELISAY HAY'ADAHA KA HORTAGA XAALADAHA DEGDEGGA Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Xanuunka Ebola oo la sheegay in uu ka dilaacay dalka Uganda oo Soomaaliya ay ka jooggaan Ciidamo farabadan. Wasiirka Wasaaradaas Dr Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay Wasaaraddu ay heegan buuxa galisay kooxo loogu tala galay ka hortagga xanuunka sida Ebola oo kale.

Dr Fowsiyo waxa ay xustay in la tashiyo badan ay sameeyeen, sidoo kala ay la kaashanayaan hay’addaha ay quseyso arrintan ee dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshadda u xaqiijisay in aysan jirin hadda Khatar ka taagan Soomaaliya oo ku saabsan Ebola, waxaana sidoo kale sheegtay in heegan Sare ay galisay Shaqaallaha Caafimaadka.

KHEYRE OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA DHAMAYSTIRKA BARNAAMIJKA DEYN CAFINTA

Ra’iisul Wasaaraha (XFS), Md. Xasan Cali Khayre, ayaa Shalay kulan la qaatay guddiga loo xilsaaray dhamaytirka barna amijka deyn cafinta dalka oo maraya waji giisii afaraad (SMP4).



Shirka oo looga hadlay dardargelinta dadaallada loogu jiro cafinta daynta lagu leeyahay dalka ayaa guddigu waxa ay R/l Wasaaraha ugu soo bandhigeen tallaab ooyinka ay qaadeen, natiijooyinkii kasoo baxay kulamadii ay yeesheen guddigu iyo qorshahooda.

R/W.Khayre ayaa faray guddiga dhamayt irka barnaamijka deyn cafinta inay laba jib baaraan dadaallada ayna ku taagnaadaan qorshaha dalka daynta looga cafinayo si loogu diyaar garoobo horumar ballaaran oo Soomaaliya ay kuy tillaabsato.

Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’an tahay ka guul gaaridda qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay ayaa ku guulaysa tay dhammaan shuruudihii la hor dhigay, waxaana hay’adaha maaliyadda adduun ka iyo dhammaan dhinacyada dalka dayn ta ku leh ay ku ammaaneen hoggaanka dalka sida ay uga go’antahay in dalka da ynta laga nadiifiyo.

Dhanka kale, R/wasaaraha ayaa gud doomiyay shirka tubta horumarinta dhaq aalaha dalka oo looga hadlay horumarinta dhqaalaha dalka iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

MADAXWEYNE TRUMP OO WEERAR AFKA AH KU QAADAY DUQA LONDON

Madaxweynaha Mareykan ka Donald Trump ayaa markale cambaareeyay Duqa Magaaladda Lon don Sidiq Khan, waxaana uu ku til maa may qooma mo Qaran oo du mineysa awoodda UK.


Hadaladdiisu waxay imaanayaan shan malmood ka dib markii ay weerarro ka dhacay London ay ku dhinteen Sedax ru ux Sedax kalena ay ku dhawacmeen.

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha Jer emy Corbyn ayaa sheegay in ay " aad u fo ol xuntahay” in Trump uu "musiibadda dad ka ku adeegsado in uu weeraro duqa”.

Qoraaladda Madaxweyne Trump ayaa daba socda isqoonsi u dheexeeyay 2 nin in muddo ah.

Wuxuu yiri Khan waa musiibo magaa laduna Mayor cusub ayey u baahantahay.

Jawaab ahaan, Afayeenka Khan ayaa sheegay in duqu uu ka fikirayo dhibaneya asha iyo qoysaska, islamarkaana "uusan dooneeyn in uu waqtigiisa ku lumiyo inuu ka jawabo qoraaladda nuucaas ah”.

Duqu waxaa uu diiradda saaray inuu ta ageero bulshadda Magaaladda iyo adeeg gurmad oo isku xiran, ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeenka Khan u hadlay.

DUQA MUQDISHO OO BILAABAY LAXISAAB TANKA MAAMULADA DEGMOOYINKA

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabd iraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariiso ow) ayaa Shalay kulan gaar ah oo amn iga quseeya la qaatay maamulka degma da HowlWadaag isagoo ka wareestay xa alada degmada iyo isbadalka amni ee kajira.


Md Eng.Yariisoow ayaa kula dardaar may maamulka degmada iyo laamaha am niga in la xoojiyo sugida nabadgalyada de egaanka iyo in la horumarinyo isku xirka shacabka iyo hey’adaha amaanka.

Guddoomiye Yariisoow) ayaa ugu dan beyn kormeeray waddada Ceel Garweyne oo oo dib u dayactir lagu sameeyay.

WASAARADDA WAXBARSHADA OO AMAR KU BIXISAY HIRGELINTA MANHAJ CUSUB Wasaaradda Waxbarashada XFS ay aa waxaa ay Ammar ku bixisay in la hirg elinayo Manhajka Cusub ee Qaranka ee Fasalada 1aad ilaa 8aad.


Warqad kasoo baxday Wasaaradda Wa xbarshada ayaa lagu amray , dhamaan Howlwadagta Waxbarashada, Daladaha Waxbarashada iyo Iskuulada gaarka loo leeyahay dhaqangelinta Manhanka Cus ub. Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay she egtay in laga bilaabo Bisha Agoosto ee Sanmadkaan la hirgelin doono Man hajka Cusub,isla markaana cidii ka horti maada tallaabo laga qaadi doono.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafa deedka Wasaaradda Waxbarash ada.

 

DAGAAL KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY GOBOLKA HIIRAAN

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan,kaasi oo dhexmaray dag aalyahano ka tirsan Alshabaab iyo Koo xda Macwiisleyda.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Halgan oo ka tir san Gobolka Hiiraan,waxaana uu qaatay muddo kooban sida wararka aan helnay wallow markii dambe uu istaagay.

Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaa wac ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan,kaasi oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku dar ayaan in dagaalkaas lagu dilay Saraalka tirsanaa Alshabaab,kaasi oo magacaabiis lagu soo gaabiyay Maxamed sida ay shee geen Kooxda Macwiisleyda,inkastoo ays an jirin warar ka madax banaan oo xaq iijinaya.

Deegaano ka tirsan maamulka Hirsha beelle ayaa waxaa mararka qaarkood dag aalo geysta Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaraa Alshab aab iyo Macwiisleyda,kuwaasi oo taage ero siiya Ciidanka dowladda

WASIIRO IYO XILDHIBAANO BALADWEYNE U TAGAY XALINTA XIISADA

M/Baladweyne ee Xarunta G/Hiiraan waxaa Shalay tegay xildhibaano iyo Wa siiro ka tirsan Maa mulka HirShabeelle, si ay uga mid noqdaan mas’uuliyin ta Baladwey ne u tegay inay xaliyaan khilaafka Madaxweyne Waare iyo guddoomiyihii G/Hiiraan ee xilka lagaaqaday Yusub Dabageed.


Wafdigaan oo ka ambabaxay M/jowhar ayaa ku biiray wa dahadallo ka socday Magalada Bladw eyne oo uu hormuud ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble,kuwaas oo xal lo ogu raadinayay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magalkada Baladweyne.

Xubnahaan ayaa waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda ay kulamo la qaat aan Madaxweynaha Maamulka HirShabe elle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoom iyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Xaalada M/Baladweyne ee G/Hiiraan ayaa 2dii maalmood ee la soo dhaafay wa xa ay aheyd mid deggan, ka dib rabshdo iyo xiisad ka taagneyd waayadaan.

R/W KHEYRE BALAN QAAD U SAMEEYAY CIIDANKII KA HOR TEGAY QARAXII MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md Xa san Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee Dorraad ka hor tegay laba weerar oo Alshabaab ka geysteen gud aha M/Muqdi sho.RW/ Khay re oo ciidam ada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku am maanay feejintaanta ay ka qabaan Alsha baab, waxa uuna kula dardaarmay in ay la ba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin Sha baab.

R/Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraaki ishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaag san ee geesinimada xambaarsan ee ciid amadu ku jiraan, lana abaal marinayo cii damada amniga ee isku hor gudbay cad awga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda am niga, oo ay laamaha amniga la soo wada agaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga.

QM OO KA DIGTAY INAY LAYSIMADA SHI DAALKA EE DFS IYO DOWLADGOBALEEDYA DDA BIXIYAAN HORSEEDI KARTO COLAAD

Guddiga QM ee kormeerka Cunaqa bataynta Hubka ee saaran Somaliya wax ay Warbixin qarsoodi ah ku sheegeen in ay sahminta Reer Galbeedka ee Shid aalka Somalia laga yaabo inay horseeda an Colaado.


Warbixntii Gud diga Korm eer ka QM ee San nadlaha ee u gu dambays ay wa xaa lagu muujiyey inay ji raan sahmin la ga wado deegaano lagu murunsan yahay oo ka tirsan dalka Som aliya, iyadoo Laysimada ay Maamula yaa sha bixiyaan ay colaad ka abuuri karto dal ka Somalia, waa sida uu Wargeysku soo xigtay.

Warbixinta Baarayaasha QM ee cunaq abataynta hubka ee saaran Somalia u u gudbiyeen Guddiga Golaha Ammaan ka ee QM ugu qaabilsan Cunaqabataynta hu bka ee Somalia iyo Eritrea, waxay Khu ba rada ku sheegeen in Dastuurka Som alia uu awood u siinayo Dowladgobale edyad da siinayo qeyb weyn oo ay Heshiis Gana csi Shidaal ku geli karaan, balse, Sharciga shidaalka ee ay Barlamaanka Federalka oggolaadeen uu dhigayo inay Do wladda Dhexe awood u leedahay qeybinta Kheyr aadka Dabiiciga.

Wakaalladda Wararka REUTERS oo aragtay Waebixinta sannadlaha ayaa she egtay in Khubarada Guddiga QM ee Kor meerka cunaqataynta hubka saaran Som aliya ka digeen haddii aan la xalinin khilaa fkaasi inay taasi horseedi karto Colaad siy aasadeed oo dhex marta DFS iyo Dowl adgobaleedyadda,taasina ay khatar ugu jirto inay sii xumayso Kalaqeybsanaanta Qabiilka iyo inay cabsi geliso Ammaanka iyo Nabadda, waa sida laga soo xigta wa rbixintaas.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Dowla dii Keligii Taliyihii Somalia sannadkii 1991kii,Somaliya waxay madaxa la gashay col aado socday 20sanno.

Tobaneeyo Shirkado Shidaal oo ay ku jiraan kuwo Caalami oo waa weyn ayaa la siiyey Fasaxa sahminta Shidaalka iyo Ga aska ka hor sannadkii 1991kii, laakiinse, tan iyo xilligaas, Maamulladda Puntland iyo Somaliland waxay Laysamo u khaas ah ka bixiyeen isla Xirmooyin isku mid ah. Kiisaska qaarkooda, Somaliland iyo Punt land waxay laysimo ka bixiyeen Xirmooy in isku dhafan oo aan kala qeybsanayn.

Khubarada waxay sheegeen in hal kiis ay ku lug leeyihiin Shirkadda Shidaalka dalka Norway ee DNO OIL iyo Shirkadda ka diiwaan gashan dalka Kanada ee Afri ca Oil Corportaion ee AOI.V

Warbixinta Khubarada QM ee Kormee rka Cunaqabataynta Hubak ee saaran So maliya waxay kaloo ku xuseen in Hawlgal lada Sahminta ee Xirmooyink aasi ee ay Shirkadaha Shidaalka ee DNO iyo Africa Oil ku lug leeeyihiin waxaa am maanko oda suga Ciiddamada Ammaanka ee Go balladda oo Isbahaysi la ah Mal eeshioyo ama Ciiddam Khaas ah, taasina laga ya abo inay colaad cusub ka dhex abuuro Puntland iyo Somaliland.

Bajorn Dale oo ah Kusimaha Guddo omiyaha Shirkadda DNO, ahna Agaasima ha Mamaulka iyo Lataliyaha Guud waxa uu sheegay inuusan la qabin Khubarada Warbixintoosa, balse aysan Shirkadda marnaba qaadi doonin Dhaqdhaqaaq khat arta ku ah Ammaanka Somaliland.

MID KA MID AH ERGADII SOO DOORATAY XIL/BAARLAMAANKA OO LA DILAY

Wararka ka imaanaya Degmada Afgo oye ee G/Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Habeen hore lagu mid ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildh ibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay Xaaf ada lagu magacaabo Siigaale oo ku taalla gudaha Degmada Afooye,isla markaana waxaa Ninka Ergada ahaa u geystay koo xo hubeysnaa Bastoolado xili uu halkaasi ku sugnaa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Max amed Maadey,kaasi oo kamid ahaa Erga dii soo dooratay Xildhibaanada Baarlama anka eek a soo jeeda deegaanada maa mulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,sidoo kalena kamid ahaa dadka deegaanka.

Wararka ayaa waxaa ay tilmaamayaan in kooxihii ka dambeeyay dilkaas goobta si deg deg ah uga baxsadeen,isla marka ana waxaa goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo halk aasi ka qaaday Meydka Marxuumka.

Intaasi kadib Ciidamada ayaa baarit aano kooban waxaa ay ka sameeyeen Xa afada lagu magacaabo Siigaale oo ah hal kii uu ka dhacay Dilka loo geystay Maxa med Maadey,mana jirto cid loo soo qabtay falkaas.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha internetka Alshabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada dilkii loo geystay Maxamed Maadey,kaasi oo ay sheegeen in uukamid ahaa Ergadii Magaalada Bay dhabo uga qeyb qaatay soo xulista Xildh ibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay deegaanada KGS

GUDDOOMIYE NAJAX OO KU DHAWAAQAY HOWLGAL WADO FURIS AH

Guddoomiyaha G/Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) iyo mas’uuli yiin uu hoggaaminayo,ayaa waxay Saacadihihii lasoo dhaa fay kormeer shaqo ku ka la bixiyeen degaanka Shalaanbood iyo Tuulo oyinka ku xeeran.


G/Najax, ayaa waxaa safarka ku wehli nayay, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobo lka,Guddoomiyaha Degmada Marka iyo ku xigeennadiisa, Guddoomiyaha Degma da Qoryooleey.

Md.; Najax, oo la hadlayay warbaahinta Dowladda yaa sheegay in ay booqdeen Magaalada qeybaheeda kala duwan, sida Isbitaalka iyo goobaha muhiimka ah.

Wuxuu sheegay in ay la kulmeen , mas ’uuliyiinta degaanka, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Bulshada qeybaheeda ka la duwan, isla markaana ay kala hadleen sidii si wada jir ah laysaga kaashan lahaa nabad gelyada, loona abuuri lahaa jewi iskaashi oo dhex mara Shacabka iyo Ciid amada.

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in ay Bulshada iyo Ciidanka oo wada jira ay ku boorriyeen in ay iska kaashadaan sidii loo furi lahaa Waddada isku xirta Marka iyo Qoryooleey, si halkaasi looga saaro AlShabaab.

"Amni iyo maamulba waxaan ku bal lannay in aan ka shaqeyno midnimada Shacabka Gobolka Shabeellada hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri Md. Najax.

Guddoomiyaha G/Sh/Hoose, Md, Ibraahim Aaden Cali, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo ka bogsooshada col aaddii sokeeye ee Gobolka ragaadisay.

Wuxuu intaa raaciyay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Cuqaasha, Haweenka, Dhallinyarada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta Beel aha halkaasi wada dega.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii loo furi lah aa Waddooyinka Gobolka ee ay AlShab aab go’doomiyeen iyo soo celinta adeeg yadii Bulshada.

Waa markii ugu horreysay ee wafdi he erkan oo kale ah uu kormeero shaqo ku ta go degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellada hoo

MAREYKANKA OO SHEEGAY INAY KORDHIN AYAAN HOWLGALKOODA KA DHANKA AH ALSHABAAB

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soo maaliya, Donald Yamamoto ayaa sheegay in ay Dalka Soomaaliya ka jiraan dhibaat ooyin xagga abaaraha ah, taas oo ah mid aad u xanuun badan, balse waxaa hareer yaalla furs ado iyo rajo.


Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay saamaynayso 2,200,000 (Laba Mil yan iyo Laba Boqol oo kun) oo Qof, wux una sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay caawiso Dadkaas, kuna taage erto Agab ay ugu baxaan dhibaatada.

Danjire; Yamamoto, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay jirto rajo wanaagsan, fursado iyo dedaallo uusan arkin muddo dheer, wuxuuna intaa raaciyay in Dadka Soomaaliyeed oo kaa shanaya Dowladdooda ay wajihi karaan baahiyaha taagan.

Mar wax laga weydiiyay Safiirku sida loo hir geliyay deeq gaaraysa $900,000, 000 (Sagaal Boqol oo Milyan oo Dollar), oo uu Maraykanku ballan qaaday Sanadk ii tagey.

"Tani waa arrin aad muhiim u ah, Soom aaliya ma aysan helin wax badan oo caawin ah oo ay isticmaasho waqti dheer, laakiin Sanadihii dambe waxaa aad u ko rdhay kaalmada la siinayo, keliya gargaar Bini’aaddannimo ma aha sidoo kale wax aan wax ku bixinaa Wax barashada, sab abtoo ah aqoontu way horumarisaa wax walba, wax barshada si guud waa furaha horumarka dhaqaalaha ” Ayuu yiri Mr; Yamamoto.

Sidoo kale Danjire; Donald Yamamoto, ayaa sheegay in ay sameeyeeyeen ded aallo shaqo abuur ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga gaarka loo leeyahay.

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_9C874A-52D9BA-0FF93E-8992F6-6A3A00-63271D.jpg&h=210&w=210 Danjiraha, ayaa sheegay in Sanaddii hore ee 2018dii oo keliya ay abuureen 117 fursadood, isagoo intaa raaciyay in ay wadaan dedaallo la xiriira wax soo saarka Dalka oo ay ka mid yihiin wax soo saarka tacabka Beeraha, Kalluumeysiga IWM.

Wuxuu sheegay in ay jiraan tababarro xag ga aqoonta ah oo loogu faa’iideynayo Dhallinyarada Soomaaliye ed oo 70% ah Bulshada, isagoo intaa raaciyay in rajada ku aaddan dhiirri gelinta da’ yartuna ay ta hay mid aad u wanaagsan. Safiirka ay aa sheegay in Dowladda Maraykanku ay waddo qorshe shaqa abuur loogu sameyn ayo Dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuu na sheegay in ay wadaan mashaariic lagu abaabulayo 2,000 oo Kalluumeysato ah.

Hindisaha Maraykanka ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay arkaan Soomaaliya oo Qeyraadkeeda ka manaafacaadsaney so, si ay Bulshadu ugu baxdo saboolnima da jirta.

Mar uu Mr; Donald Yamomoto ka hadl ayay doorka Maraykanka ee xasilinta Soo maaliya ayuu sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in taageeraan howlgallada AlShabaab ka dhanka ah, wuxuuna she egay in ay doonayaan in Dadka ku nool goobaha laga xoreeyay AlShabaab ay he laan fursado shaqo iyo waxbarasho. Xigasho Sonna.so

WASIIR CAWAD OO LA KULMAY SAFIIRKA SHIINAHA EE SOOMAALIYA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axm ed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafii skiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyad da Shacbiga China Mudane Qin Jian.Intii lagu gudajiray kulanka,


waxa ay uga wada hadleen xiriirka la ba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maal geshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tikno loojiyadaha la oggol yahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.

DOWLADDA TURKIGA OO CAMBAAREYSAY QARAXYADII DORRAAD KA DHACAY MUQDISHO

Dowladda Turkiga waxay sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan labadii qarax ee Dorraad ka dhacay Caasimadda Som alia ee Muqdi sho ee lagu dilay 8 qof.


Hadalqoraal oo ka soo bax ay Wasaa rad da Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa la gu sheegay inay aad uga tiiraanyoodeen markii uu soo gaaray warraka ku aadan qaraxyadaasi, taasi oo dad badan ku gee riyoodeen, halka dhowr kalena ku dhaw acmeen.

Dowladda Turkiga waxay sheegtay in ay tacsi u dirayaan DFS iyo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxyadaasi, waxayna caafimaad u rajeeyeen kuwii kale ee ku dhaawacmay qaraxyadii ka kal dhacay Isgoyska Sayidka iyo agagaarka Waddo toos u tagta Garoonka Diyaarada ha Aadan Cadde ee M/ Muqdisho.

Ugu yaraan 9 qof ayaa ku geeriyootay, in ka badan 25 kalena wey ku dhaawacm een qaraxyadaasi oo loo adeegsaday gaw aari laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa, sida ay sheegeen Hay’addaha Ammaan ka.

.KENYA OO LAGU TALIYEY WADAXAAJOOD LAGU XALIYO MURANKA XUDUUDBADDEEDKA SOMALIA

Koox Khubaro ah oo ku takhasustay Hawlaha Badda oo ku sugan dalkaasi ay aa ka codsaday inay Dowladda Kenya khil aafkaasi ku xaliyaan xal Diploma asiyadeed, maadaama ay horey ugu fashi lantay inay wax ka qabtaan Dagaalka Alshabaab I Khubaradaasi oo kulan ku yeeshay Mach adka Siyaas adda Afrika ee The African Policy Institute ee magaalada Nayrobi waxay sheegeen in Dowladda Kenya la gudboon tahay inay Xal wax ku raadiso, iyadoo la eegayo Nab adda Galbeeka Badda Hindiya.


Waxaay hoosta ka xariiqeen inay Ken ya ku guuldaraysan doonto Kiiska Mu ran ka Xuduudbaddeedka ee haatan hor yaa lla Maxkamadda Caalamiga ee Gars oor ka "ICJ” ee magaalladda The Hague ee dalka Holland, taasina ay Dowladda Ken ya ku kallifi doonto inay Dowladaha Soma lia iyo Tanzania ka codsadaan fasaxa Mar aakiibta ku soo xiran doona Dekedda magaalada Mombasa.

Kulaanka Khubarada ku takhasustay Hawlaha Badda ee ku shiray Nairobi wa xay isku raaceen inaan la xirin Albaabka Wadaxaajoodka Somalia, kaasi oo lama huraan ah, ka hor intaysan Xeerbeegtida Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka "ICJ” ku dhawaaqin Xukunka go’aan ka ga arista Muranka Xuduudka Badda ee Som aliya iyo Kenya bisha September ee soo socota.

Khubarada waxay sahmiyeen dhowr xal oo suurtogal ah, si wax looga qabto Muranka Kenya iyo Somalia, waxayna tus aale u soo qaateen Khilaafkii Badda ee u dhexeeyey Dowladaha Shiinaha iyo Fil ibiin, kaasi oo ay labada dhinac go’aans adeen inay Wadaxaajood ku dhama ystaan.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Ken ya waxay sheeganaysaa Milkiyadda xud uudbaddeedka Somalia, kaasi oo ku fa dhiya masaafo dhan 100,000 oo Kiilomitir oo isku wareeg ah, waxayna Somalia dac wadaasi u gudbisay Maxkamadda ICJ sannadkii 2014kii.

TURKIGA OO SHAACIYAY XILLIGA AY SOO GAARAYAAN GANTAALADA S400

Madaxweynaha Turkiga Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Shalay shaaca ka qaaday in wixi lagu gaaro bilow ga bisha soo soco ta ee July ay filay aan in Turkiga ay soo gaaraan gantaallada S400 ee ay ka soo iibsadeen Ruushka.


Telefashinka CNN qeybtiisa AfTurkiga ayaa Shalay baahiyay in madaxweyne Erdogan uu xaqiijiyay in gantaalladan oo ah kuwa lidka diyaaradaha ay Ankara heli doono bisha soo socota.

Heshiiska uu Turkiga gantaalladani u ga soo iibsanayo Ruushka ayaa khilaaf xo ogan ka dhex dhaliyay Turkiga iyo Marey kanka oo xulafo ku ah gaashaanbuurta NATO. Washington ayaa ku hanjabtay in ay cunaqabateyn kusoo rogi doonto Tur kiga haddii ay ka dhabeyso heshiiska gan taallada S400.

Xoghayaha kumeelgaarka ah ee difaa ca Mareykanka Patrick Shanahan ayaa ho rraanti bishaan waqrad uu u diray dowla dda Turkiga ugu digay cawaaqib xoog leh haddii ay uga laaban weysay heshiiskaasi ilaa 31ga bisha July. Waxaa kale oo uu sheegay in ay soo eriyi doonaan duuliyaal Turkish ah oo hadda tababarro la xiriira dhanka duulista diyaaradaha dagaalka ee F35 u jooga dalkaan Mareykanka.

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu Marey kanka ka gato in ka badan 100 diyaara dood oo ah kuwa dagaalka gaar ahaan nu uca loo yaqaano F35. Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu heshiiskaasi joojin doo no, sababo uu ku sheegay in aysan meel isla gali karin gantaallada difaaca Ruush ka ee S400 iyo diyaaradaha dagaalka ee F35.

HOWLGALKA LAGU BAADIGOOBAYO KOOXDII DADKA KU LEYSAY GAALKACYO

Howlgal weyn oo lagu baadigoobaayo Kooxdii habeen hore dadka Shacabka ah ku leysay Koonfurta Magaalada Gaal kacyo ayaa 24 Saac ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale degaano hoos yimaada.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Galmudug waxaa gaca nta lagu soo dhigay qaar ka mid ah Koo xdii dadka Shacabka ah ku leysay Maga alada Gaalkacyo, kuwaasoo dhawaan Maxkamad la horkeeni doono.

Howlgallada ayaa waxaa hoggaami naya taliye ku xigeenka Booliska Galmu dug Col Xabeen waxaana gacansiinaya Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gaalkacyo.

Ciidanka ayaa Saacadihii ugu dambee yay kala saarayay dadkii lagu soo qabtay howlgallada oo la sheegay in ay yihiin dad badan oo laga soo qabtay Xaafaddaha ay ka kooban tahay D/Gaalkacyo.

FADEEXADII GILGISHAY ENGLAND MARKII UU JOHN TERRY GOGOL DHAAF LA SAMEEY AY GABAR AY SAAXIIBO AHAAYEEN.

Muran kama taagna inay aheyd mid ka mid ah qiyaanadii ugu weyn ee dhacda taariikhda kubada cagta.Ilaa iyo 2010, John Terry waxaa loo arkayay xiddig lagu daydo, aabo, iyo saaxiib. Laakiin taasi wa xay aheyd ka hor inta aysan warbaahinta daboolka ka qaadin sirtiisa aadka u xum eyd. Bishii Janaayo 2010, wargeysyada Ingariiska ayaa daabacay war gilgilay kubada cagta Engl and, John Terry oo xaas ay u tahay Tony Poole, aabana u ah labo caruur ah ayaa gogol dhaaf la sameeyay Vanessa Perroncel.


Hadaba waa tuma inantaas? Waxaa saaxiib la ahaa xiddigii ay John Terry saaxiib ta dhow ahaayeen isku kooxna ahaayeen ee Wayne Bridge. Waxay aheyd qiyaano midii ugu sareysay ee uu ku sameeyay xaaskiisa iyo saaxiibkiisa.

Laakiin sidee ayay arintaan ku dhacday? John Terry iyo Wayne Bridge waxa ay Chelsea kawada ciyaarayeen intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2009, John Terry iyo xaaskiisa Tony, Wayne Bridge iyo saa xiibtiisa Vanessa ayaa inta badan si wad ajir ah ugu caweyn jiray London. Waxay is la aadi jireen mar walba casho.

QARAXYO LALA EEGTAY CIIDAMO KA TIRSAN K/GALBEED & KHASAARO KA DHASHAY

Warar dheeraad ah ayaa kasoo ba xaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Ma amulka Koonfur Galbeed lagula eegtay deegaano ka tirsan gobolka Baay, waxaa na qaraxaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in Gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed qarax miina nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay deegaan duleedka ka ah degmada Khansaxdheere,isla markaana ay ku geeriyoodeen laba askari.

AlShabaab ayaa sheegtay mas’uuli yadda qaraxaas,waxaana ay sheegeen in qarax labaad ay la eegteen kolonyo u soo gurmatay Ciidamada qaraxa lagula eegtay duleedka degmada Khansaxdheere,isla markaana ay ku dhinteen laba kale oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka qaraxa uu ka dhac ay ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in ay maqlayeen jugta labada qarax, haye eshee aysan ilaa iyo hadda weli cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxyad aas.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka K/Galbeed ee G/Baay iyo maamulka de gmada Khansaxdheere weli dhankooda kama hadlin qaraxyadaasi lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Cii damada Maamulka K/Galbeed ee ka dhac ay duleedka D/Khansaxdheere eeG/Baay

MEYDKA WIIL DHALINYARO AH OO LAGU ARKAY AGAGAARKA SARKUUSTA

Dadka ku nool Xaafada Sarkuusta oo u dhow ExKoontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho ayaa Shalay waxaa ay arkeen Meydka Wiil dhalinyaro ah oo six un loo jirdilay inta aan la dilin ka hor,isla markaana la soo dhigay meel ka mid ah xaafadaas.

Wiilka yar ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in qoorta uu xarig ugu xirnaa,sidoo kale wajiga looga xiray cimaamad,isla markaana uu ahaa meyd waqti kooban yaallay Goobta.

"Shalay markii aan soo kacnay ayaan aragnay Meydka Wiil yar oo qoorta xariga uga xiran yahay cimaamadna wajiga looga xiray,dhib kale kuma arag mana naqaano cida dishay oo meesha soo dhigtay ayuu yiri qof ka mid ah dadka xaafada sarkuusta oo goobta tegay.

Ilaa iyo hadda weli lama oga cida dishay Wiilkaasi yar ee meesha soo dhigtay,waxaana aad uga naxay dadka ku nool Xaafada Sarkuusta,waxaana wararku sheegayaan in loo soo qaaday dhinaca hay’adda Dambi barista ee CIDda.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwa inta badan ka dhaca Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay meydka Wiilka yar ee Shalay la soo dhigay Xaafada Sarkuusta ee Magalada Muqdisho

MADAXWEYNIHII DALKA SUUDAAN OO MUDDO KADIB MUUQAALKIISA LA ARKAY

Cumar Xasan AlBashiir Madaxweynihii hore ee dalka Sudan ayaa markii ugu horreysay muqaalkiisa la arkay tan iyo Bishii Apriil ee Sanadkaan markaas oo uu baneeyay Madaxtinimada dalkaas.


Al-Bashiir ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu ku jiray Xabsi ku yaalla Magalada Khartuum,hayeeshee markii ugu horreysay ee laga soo saaray ayaa waxaa hortiisa laga Akhri yay dambiyada uu ku eedeysan yahay ee loo heysto, ka dIb markii la geeyay Xafiiska dacwadaha.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in lacago qalaad oo aad u badan gurigiisa laga helay, kadib markii uu talada dalkaasi iska casilay taas oo soo afjartay ku dhawaad 30kii sano ee uu Sudan xukumayay.

Cumar Xasan AlBashiir Madaxweynihii hore ee dalka Sudan oo ku labisnaa dharka hidaha iyo Dhaqanka dalkaas ayaa waxaa hareerihiisa taagnaa Ciidamada Ammaanka Suudaan, iyada oo ay ka muuqatay feejignaan dheeri ah.

AlBashiir ayaa waxaa sidoo kale doon doonaya oo dacwad ay ka taalla Maxkamda Cadaal adda Aduunka ee ICC, iyada oo loo heysto dacwado bini’aadanimada ee uu ka geystay gobolka Darfur ee Sudan.

DAD LOO QABTAY DILKII KA DHACAY DEEGAANADA GALMUDUG

Wararka lag helayo Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgal ay kasame eyeen duleedka Magalada Dhuusamareeb Ciidamada Nabadsugida Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen rag lagu eedeynayo dilkii dhawaan deegaanka DhanWaris loogu geystay Afar ruux oo kasoo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Galmudug ayaa xaqiijiyay in howlgalka ay ka fuli yeen degaanka Habaasweyne ay kusoo qabteen tira maleeshiyaad ah oo ku eedeysan dilka Afarta ruux,isla markaana la geeyay Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada mashaacin tirada rasmiga ah ee dadka loo soo qabtay dilk aas,hayeeshee waxaa ay sheegeen in ay baaritaano ku hayaan si Maxkamad loo horgeeyo,isla markaana Cadaaladda la marsiiyo.

Afhayeen u hadlay maamulka Galmudug ayaa dhankiisa sheegay in howlgalkaas uu dhacay xalay Saqdii dhexe,isla markaana Ciidamada ujeedkoodu uu ahaa bartilmaameed ku saabsan in deegaanka Habaasweyne ay ku sugan yihiin maleeshiyaadkii ka dambeeyey dilka Afarta Ruux ee kasoo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed.

Dhawaan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maamulka Galmudug ka dalbaday in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan dilkaas,waxana Madaxa Xukuumadda Galmudug uu sheegay inay dadkii ka dambeeyay dilkaas cadaaladda horkeeni doonaan.

Sidoo kale dhowr habeen ka hor ayaa waxaa dil wadareed loogu geystay duleedka Magalada Gaalkacyo 9 ruux oo kasoo kala jeeday deegaanada Koonfur Galbeed iyo hirShabeelle,kuwaas oo dadkii ka dambeeyay aan weli gacanta lagu dhigin.

BOGGA CAYAARAHA

SADIO MANÉ OO MARAY WADADA SAAXIIBKIIS MAXAMED SAALAX

Mane Sida ay baahisay warbaahinta gudaha England shalay oo Axad ah laacibka reer Masar ee Maxamed Saalax ayaa ku war galiyay maamulka kooxda Liverpool go’aankiisa kama dambeysta ah ee ku aadan inuusan wax xiisa ah u qabin dalabyada kaga imaanaya suuqa kala iibsiga ee xagaaga ee haatan soc da, isagoo xaqiijiyay inuu sii joogayo Reds xilli ciyaareedka soo aadan.

Wargeyska "Mirror” ee dalka England ayaa sheegay in xiddiga ka ciy aara weerarka garabka ee kooxda Liver pool iyo xulka qaranka Senegal ee Sadio Mané uu yahay laacibka kale ee si kama dambeys ah u go’aamiyay mustaqbalkiisa Reds.

Sadio Mané ayaa sida Maxamed Saalax oo kale u xaqiijiyay maamulka kooxda Liverpool inuusan xiiseyneynin dalabyada kaga imaanaya banaanka, isla markaana uu doonayo inuu sii joogo Reds xilli ciyaareedka soo aadan.

Labada ciyaaryahan ee kooxda Liverpool, Maxamed Saalax iyo Sadio Mané ayaa lala xiriirina yay Real Madrid, ka dib markii ay sameeyeen qaab ciyaareed cajiib ah labadii xili ciyaareed lasoo dhaafay ay Reds ku qaateen.

Xiddigaha Maxamed Saalax iyo Sadio Mané ayaa ku hogaamiyay kooxda Liverpool xili ciyaareedkan ku guuleysiga tartanka xiisaha badan ee Champions League, kaddib mudo dhan 14 sano.

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip