Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo amartay maleeshiyaadka hubeysan ee Beledweyne ay hubka soo wareejiyaan

0
Sunday December 27, 2015 - 22:03:29 in Wararka by
  • Visits: 539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo amartay maleeshiyaadka hubeysan ee Beledweyne ay hubka soo wareejiyaan

    Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in tallaabo adag ay ka qaadayso ciddii lagu helaa inay ka qeyb qaadatay dagaal beeleedyadii ka dhacay Gobolka Hiiraan, gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee ku sugan gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in tallaabo adag ay ka qaadayso ciddii lagu helaa inay ka qeyb qaadatay dagaal beeleedyadii ka dhacay Gobolka Hiiraan, gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee ku sugan gobolka. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa tilmaamay in maxkamadda ay sameyneyso baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan in ciidanka dowladda ay ku luglahaayeen dagaal beeleedyo ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan tan Beledweyne.

"Horey waxaa jirtay dagaal beeleedyo ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka, oo ciidanka dowladda lagu eedeeyay inay qeyb ku lahaayeen, balse baaritaannoo dheer kadib waxaa inoo soo baxday in arrintaasi aysan wax ka jirin, waxaan rabaa in aan markale ku celiyo haddii ay jirto ciidan xitaa si af ah uga qeyb qaatay dagaal beeleedyada in maxkamadda ciidanka qalabka sida ay tallaaabo ka qaadayso”.ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa ugu baaqay dhallinyarada hubeysan ee aan ciidanka dowladda ka tirsaneyn ee ku sugan Beledweyne inay hubka soo wareejiyaan, isagoo ka digay in ciddi fulin weysa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

"Waxaan rabnaa in aan fariin u dirno kooxaha maleeshiyaadka hubeysan ah ee aan ciidanka ka tirsaneyn, isla markaana hubkooda shacabka ku dhibaateynaya in maxkamadda tallaabo cad ka qaadi doonto, waxaana la rabaa inay iska soo diiwaan geliyaan xarunta Maxkamadda oo ay hubka soo wareejiyaan, ayna fuliyaan awaamiirtii ka soo baxday maamulka gobolka oo ahayd inay soo xaroodaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip