R/wasaare ku xigeenka oo maanta xarigga ka jaray Machadka horumarinta Tamarta iyo Biyaha

0
Sunday December 27, 2015 - 21:58:38 in Wararka by
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaare ku xigeenka oo maanta xarigga ka jaray Machadka horumarinta Tamarta iyo Biyaha

    R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta xarigga ka jaray machadka horumarinta tamarta iyo biyaha kaasoo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta xarigga ka jaray machadka horumarinta tamarta iyo biyaha kaasoo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii furitaanka Machadka ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Korontada iyo biyaha mudane Maxamed Mursal Sheekh C/rxmaan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dhismaha Machadka ay hirgelisay wasaaradda Korontada iyo Biyaha, isagoo tilmaamay in Machada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay ummadda Soomaaliyeed, lana gaarsiin doono dhamaan gobollada dalka.

R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte oo xarigga ka jaray Machadkaasi ayaa hirgelintiisa ku amaanay wasaaradda Korontada iyo Biyaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu machadkani u leeyahay horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Carte ayaa ku dhiirigeliyay wasaaradda ineey dadaal dheeraad ah ku bixiso sidii dib loogu soo nooleyn lahaa dhamaan adeegyadi bulsgada sida Korontada, biyaha iyo wixii la mid ah.

xigasho:-radiomuqdisho.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip