Kulan u socday waxgaradka iyo nabadoonada beesha Abgaal oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar (Sawiro)

0
Sunday December 27, 2015 - 20:53:37 in Wararka by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan u socday waxgaradka iyo nabadoonada beesha Abgaal oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Jowhar (Sawiro)

    Kulan ay maalmihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen magaalada Jowhar mid ka mid ah beelaha ugu waaweyn ee dega gobolka Sh/dhexe ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe. Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay waxgarad iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay maalmihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen magaalada Jowhar mid ka mid ah beelaha ugu waaweyn ee dega gobolka Sh/dhexe ayaa lagu soo gunaanaday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe. Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay waxgarad iyo nabadoonada beesha Abgaal ee gobolka Sh/dhexe iyagoo ka wadahadlay sidii beesha dhexdeeda wixii xurguf ah ee u dhexeeyay loo soo afjari lahaa.
Nabadoon Axmed TIfow Gacal oo kamid ahnabadoonada beesha ayaa sheegay in khilaafkii hore u dhexeeyay uu soo dhamaaday ayna jirin wax dhibaato ah oo ka dhex jira beesha ayna diyaar u tahay in ay soo dhoweyso beelaha kale ee ka qeybgalaya shirka maamul u sameynta gobolada Hiran iyo Sh/dhexe.

Xaaji Maxamuud Hilowle oo ka mid ah nabadoonada caanka ka ah gobolka ayaa sheegay in kulankan uu guul ku soo dhamaaday iyadoo lagu doortay guddi metela beesha.

"Shirkan waxaa lagu doortay guddi ka kooban 38 xubnood oo beesha metela iyagana ay 7 xubnood oo uu ku jiro afhayeen ay dooranayaanā€¯ayuu yiri nabadoon Xaaji Maxamuud Hilowle.

Nabadoon Cabdullahi Maxamuud Gacal oo ka mid ahaa nabadoonadii ka qeybgalay kulankan ayaa sheegay in beeshu ay soo dhoweynayso gogosha ka fidsan Jowhar ayna diyaar u yihiin walalaahooda reer Hiiraan in guryahooda ugaga baxaan si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ay yeeshaan shacabka ku nool labada gobol.

Gabagabada kulankan ay yeesheen nabadoonada beesha Abgaal ayaa ku soo beegmaya iyadoo gabagabo ay marayso diyaargarowga kulanka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

kulan jowhar (9)

kulan jowhar (5)

kulan jowhar (3)

kulan jowhar (2)

kulan jowhar (1)

kulan jowhar (4)

Xigasho:-jowhar.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip