Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Mandera.

0
Sunday December 27, 2015 - 18:56:17 in Wararka by
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Mandera.

    Boliska Kenya ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in Nin ka tirsanaa Al-Shabaab uu geeriyooday, mid kalena uu ku dhaawacmay, xilli ay miino ku aasayeen gudaha Degmadda Mandera ee W/bari ee dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boliska Kenya ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in Nin ka tirsanaa Al-Shabaab uu geeriyooday, mid kalena uu ku dhaawacmay, xilli ay miino ku aasayeen gudaha Degmadda Mandera ee W/bari ee dalka Kenya. Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inuu ninkaasi geeriyooday xilli ay faraha kula jireen miino ay doonayeen inay ku aasaan Mandera.

"Dadka ayaa noo sheegay xubnaha Shabaabka ah ee miinada aasaayay” ayuu yiri Sarkaalkaasi la hadlay Wargayska ka soo baxa dalka Kenya.

Dhinaca kale, Saraakiisha Milliteriga Kenya ayaa la sheegay inay kaxeeyeen ninkii ku dhaawacmay Qaraxaasi, kaasi oo ay ku socdaan baaritaano, waxayna tani ku soo beegantay, hal maalin kadib, markii uu Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ku geeriyooday qarax miino oo loogu aasay duleedka Mandera.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip