Ra'yiga Dadweynaha: i xiiiiiii! Bal maxay ku qoslayaan, waa yaabe! Ma qosol baa u eg, mise, qamuunyo?.

0
Friday December 04, 2015 - 19:03:50 in Maqaallo by
  • Visits: 1560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'yiga Dadweynaha: i xiiiiiii! Bal maxay ku qoslayaan, waa yaabe! Ma qosol baa u eg, mise, qamuunyo?.

    CIRIDKA DAY!!! IXIIIIIII !! BAL MAXAY KU QOSLAAYAAN, WAA YAABE !!! MA QOSOL BAA U EG' MISE QAMUUNYO ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CIRIDKA DAY!!! IXIIIIIII !! BAL MAXAY KU QOSLAAYAAN, WAA YAABE !!! MA QOSOL BAA U EG' MISE QAMUUNYO ?
Qalbiga haddii aan dhimato, qolof kaliya, waxba kuu qaban maayso, qab walba is la lahaawe! Qaablaawayaal, qiyaasxumayaal! QARRACAN!

image

"Ma gudbenimadu, ma ahan ogaal yari, aqoon la’aan ama aqool maran, ee waa in aad is la qaladkii labo mar ku celiso, adi ha kaa dhaco ama qof kale ha ka dhacee, hore ha u dhaco ama haddabee, adoon dareensanayn dib u dhaca ka dhalanaya. Waxaa ka sii daran, marka aad joogteyso, ee aad ka dhigato; sunno, siraad iyo sargoyn, sal u ah saldano maamul, sandaqad ganacsi iyo sabad qoys.


Ogoow, dhan walba, aqoon, ogaal, aqool, arag iyo agabba, waxaa ku socda, hormar ballaaran, marka laga reebo hannaanka beelaysigeenna, oo aad mooddo, in uusan halkiisii ka dhaqaaqin, haddii uusan dib u laaban!
Ninka baa raba, maanta oo la marayo 2015ka, in dagaal beeleed iyo dirir qabiil uu horjeege ka noqdo, walibana, uu taageero ku helo, ka sokowna, aqoon sheeganaya, ee aan qalalaasihii qabqable, qasaarihii wadaad aan ku cibro qaadan, ma gudbe miyowsan ahayn?! Aragtidaada ayaad ku aqoon tahay!

"INKAAR qabe inaad tahay
Aan lagu aflixin abid
Iintaadu badan tahay
Agagaas inaad tahay
Ama aad ABOOR tahay
Igu diidi mayside
Umaddan maxaad tari
Ama maanta ugu taal
HAL AQOONNA ugu tahay?.”

image

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip