Sarkaal ka shaqeeya Garoonka Aadan Cadde oo Degmada Dharkiinleey lagu dilay

0
Monday November 09, 2015 - 11:24:18 in Wararka by
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka shaqeeya Garoonka Aadan Cadde oo Degmada Dharkiinleey lagu dilay

    Rag hubaysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ayaa saaka Degmada Dharkiinleey waxa ay ku dileen Sarkaal ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubaysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab ayaa saaka Degmada Dharkiinleey waxa ay ku dileen Sarkaal ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay C/laahi wuxuuna la shaqeeya sida wararka ay sheegayaan Shirkada SKA ee ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Rag hubaysan ayaa toogtay C/laahi xilli uu ka soo baxay gurigiisa kuna wajahnaa guri kale oo la sheegay in uu ka dhisanaayay meel aanan ka fogeyn halka uu Degmada Dharkiinleey ka deganaa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilka ninkaan ay ka baxsadeen goobtii ay wax ku dileen.

Ninka la dilay ayaa la sheegay in Shirkada SKA ee qayb ka mid ah Shidaalka Garoonka Aadan Cadde haysata.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in Shirkada SKA u qaabilsanaa dhanka ammaanka, inkastoo xilliga la dilaayay aysan la socon wax ilaalo ah.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, maalin ka hor ayeey aheyd markii Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan lagu toogtay Degmada Xamar weyne ee Magaalda Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip