Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay Maamulka Degmada Afmadoow ee Jubadda hoose

0
Monday November 09, 2015 - 10:38:12 in Wararka by
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay Maamulka Degmada Afmadoow ee Jubadda hoose

    Sarkaal ka tirsanaa Ururka Shabaab ayaa isku dhiibay Maamulka Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubadda hoose, iyadoo Sarkaalkaan lagu soo dhaweeyay xarunta Maamulka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsanaa Ururka Shabaab ayaa isku dhiibay Maamulka Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubadda hoose, iyadoo Sarkaalkaan lagu soo dhaweeyay xarunta Maamulka. Masuuliyiinta Maamulka Degmada Afmadoow, waxa ay sheegeen Sarkaalkaan in uu xiriir la soo sameeyay, sidaasi awgeedna ay ugu suuragashay in uu isku soo dhiibo Maamulka Degmada Afmadoow.

Sarkaalka isa soo dhiibay ee Shabaab ka tirsanaa ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Barqadle Shugri Aadan, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha ka howlgasha Deeganada Jubbooyinka.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Afmadoow Muuse Macalin Aadan, ayaa sheegay sababta uu Sarkaalkaan uga soo goostay Ururka Shabaab inay tahay, kadib markii ay xireen Shabaab, islamarkaana si xun loo jirdilay.

Waxa uu sheegay arimo qabiil awgeed Shabaabka inay u jirdileen ninkaan, haatana korkiisa ay ka muuqata dhibaatadii ay Shabaabka u geysteen.

Wax hub ah ma uusan wadan Sarkaalkaan Shabaab ka soo goostay ee isku soo dhiibay Maamulka Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubadda hoose.

Majirto ilo ka madax banaan Maamulka Degmada Afmadoow oo beeninaya ama xaqiijinaya wararka sheegaya Sarkaalkaan in uu ka tirsan yahay Ururka Shabaab, uuna isku dhiibay Maamulka Degmada Afmadoow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip