
Rag ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan
Wararka laga helaayo deegaanka Garasiyaani oo ka tirsan Gobolkaasi ayaa sheegaya howlgal ciidamada Dowladda Soomaaliya ay qaadeen shalay gelinkii dambe in lagu dilay afar nin oo ka tirsan Shabaabka.
Howlgalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii ciidamada Dowladda lagu soo wargeliyay Rag ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya duleedka Deegaanka Garasiyaani, waxaana halkaasi ku baxay ciidamada, iyadoo iska hor imaad uu dhexmaray raggii Shabaabka ka tirsanaa iyo ciidanka Dowladda.
Ciidamada Dowladda ayaa la soo sheegayaa inay u suuragashay inay dilaan dagaalyahano ka tirsan Shabaabka, kuwaasi oo tiradooda Afar ruux lagu sheegay sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Ciidankii kale ee Shabaabka ka tirsanaa ayaa la soo sheegayaa inay halkaasi ka baxsadeen, inkastoo Saraakiisha ciidamada aysan faah-faahin ka bixin howlgalkaan lagu dilay raggan ka tirsan Shabaabka.
Shabaab ayaa waxa ay ku dhuumaleystaan oo weeraro ay ka soo qaadaan deeganada u dhaxeeya Magaalada Beladweyne iyo Degmada Buulo burde.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa dhawaan qorsheynaya inay qaadaan howlgal si toos ah la isugu furaayo wadada xiriirisa Beladweyne iyo Buulo burde.


0 



Rag ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomalaiya, ayaa ah in ciidamada Dowladda ay dileen rag ka tirsan Ururka Shabaab, ka dib howlgallo ciidamada dowladda soomaaliya ay qaadeen.