
Faah Faahin: Dabkii ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Waxaa dab xoogan uu saaka ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan inta u dhexeysa Suuqa Timirta iyo Cabdul Shideeye.
Dabka oo geystay Khasaaro u badan mid Hantiyadeed ayaa waxaa damintiisa isku howlay Dab damisyo ka kala socday Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo weliba Maamulka Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay dab ka kacay Maqaaxi ku taalla Agagaarka Cabdul Shideeyaha halka loo yaqaan oo Suuqa Bakaaraha ka tirsan.
Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku dhaawacmay oo la sheegay in uu ka soo booday Dabaq mrka uu billaabanay Dabkaasi.
Dabka oo meelo badan oo Magaalada Muqdisho ka tirsan laga arkayay ayaa Goob Joogayaasha Shabelle u warramay sheegeen in uu ku fiday Cabdul Shideeyaha illaa Suuqa Timirta Nawaaxigiisa.
Suuqa Bakaaraha ayaa ah Suuqa ugu weyn ee dalka Soomaaliya oo laga helo Maciishadaha iyo agabka intiisa kale.
Waxaana uu caan ku ahaa ka qeyb qaadashada wax ka qabashada Xaaladda Musiibooyinka dalka ku dhufta sida Abaaraha.
Faah Faahin: Dabkii ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Waxaa dab xoogan uu saaka ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha gaar ahaan inta u dhexeysa Suuqa Timirta iyo Cabdul Shideeye.