Daawo Sawirada Xaflada Dhaarinta Madaxweyne Trump Ee Magaalada Washington

0
Friday January 20, 2017 - 23:14:34 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Xaflada Dhaarinta Madaxweyne Trump Ee Magaalada Washington

    Madaxweynaha la doortay Trump iyo xaaskiisa Melania ayaa lagu soo dhoweeyay Aqalk Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka halkaa oo ay ku noolaan doonaan afarta sano ee soo socota. Madaxweyne Obama iyo xaaskiisa Michelle ayaa ku soo dhoweeyay Trump iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha la doortay Trump iyo xaaskiisa Melania ayaa lagu soo dhoweeyay Aqalk Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka halkaa oo ay ku noolaan doonaan afarta sano ee soo socota. Madaxweyne Obama iyo xaaskiisa Michelle ayaa ku soo dhoweeyay Trump iyo xaaskiisa Aqalka Cad.

Mr Obama ayaa xaaladiisa ka wareystey Madaxweynaha la doortay isagoo gacan qaaday,Melania Trump ayaa xabadka saartay Michelle kahor inta aysan ku wareejin hadiyad ay u waday.

Obama iyo Trump ayaa waqti yar si gaar ah u sheekeysan doona iyagoo isla qaxweyn doonaan kahor intaysan u gudbin Capitol Hill oo ka dhici doonto xaflada xil wareejinta.

Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo madaxweynaha 45aad ee dalka Maraykanka iyadoo boqolaal kun oo ruux oo taagaareeyaashaTrump ay ku sugan yihiin magaalada Washington.

Ganacsadihii hore haatana noqday Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku guuleystey doorashadii ka dhacday Maraykanka bishii November ee sanadkii hore kadib olole khilaaf badan uu ka dhashay.

Kumanaan askari ayaa la dhigey wadooyinka magaalada Washington iyadoo xayndaabyo badan oo dadka lagu baaro la dhigey wadooyina soo gala halka ay xafladu ka dhacayso.

Xaflada ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynayaal hore iyo xaasaskooda waxaana ka mid ah Bill Clinton iyo xaaskiisa Hillary Clinton oo ahayd musharaxii la tartamay Trump.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush Senior oo ah 92 sano jir iyo xaaskiisa Barbara oo ku jira isbitaal ayaan ka qeybgali doonin munaasabada dhaarinta Madaxweyne Trump.

lkjl;jk (1)

lkjl;jk (2)

lkjl;jk (3)

lkjl;jk (4)

dhaarin (1)dhaarin (2)

dhaarin (4)

trump (1)

trump (2)trump (3)

trump (4)

 

trump (7)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip