Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

0
Sunday November 08, 2015 - 09:13:49 in Wararka by
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" ayaa ka tacsiyadeeyey geeerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo fiidnimadii caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Muqdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari" ayaa ka tacsiyadeeyey geeerida Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo fiidnimadii caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri "INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceeyga, magaca
Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka
waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida ku timid allaha u naxariistee
Xoghayaha guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed
Axmed Gurxan oo gacan ka xaq daran sababsaday, waxaan Alle uga
baryayaa naxariistiisa jano in uu siiyo, si gaar ah waxaan tacsi ugu

dirayaa qoyska,carruurta iyo shacabka uu metelayey”.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan "Jawaari” ayaa sidoo kale Alle ka baryey in samir iyo iimaan
uu Alle naga wada siiyo Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan waxaana uu
dhanka kale ka dalbaday hay'adaha ammaanka oo hada ku howlan baaritaan
iney jawaab deg deg ah ka keenaan falkaasi dilka ah.

----DHAMMAAD----

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip