
Nuxurka Warbixinta Xarunta Wadahadalka , Cilmi barista iyo iskaashiga Itoobiya (CRDC) kasoo saartay arrimaha siyaasadeed iyo amni ee dalka Soomaaliya .
Markii aan isha mariyay qoraalka waxaa iigu mihiimsanaa arrimihii aan ka fahmay :
1- Kooxda Al-shabaab waa awood wali jirta , oo qaadi karta hawlgallo ciidan , waxa ayna kooxdu wali haysataa ciidan ku filan oo ay qorato iyo ilo dhaqaale oo ay hawgaladeeda ku maalgeliso , weerarada loo gaystay madaxdooda sar sarena maaha kuwa wiiqay awoodda kooxda ee markaba waxa ay ku bedelaan rag cusub oo hawsha meehsii kasii wada(bogga 4-5).
2- Itoobiya waxa ay sii wadaa dagaalka ay kula jirto Al-shabaab iyo kooxa kaleba , waxa ayna Soomaaliya ku leedahay galaangal ciidan iyo mid siyaasadeed.
Waxa ay qiraysaa warbixintu in Itoobiya oo ciidankeeda Soomaaliya ka jooga ka mid noqday hawlgalka AMISOM sanadii 2014, ay joogitaan xoog leh ku leeyihiin dalka Soomaaliya . Waana joogitaan walwal ku abuura qayba ka tirsan beesha caalamka , kuwaas oo ay warbixintu ku canaanatay in aanay qirsanayn ama garwaaqsanayn kaalinta muhiimka ah ee Itoobiya ku leedahay Soomaliya iyo inay tahay tan culayska ugu badan ku dhaco ee sugiidda nabadda Soomaaliya (bogga 7-8).
3- Warbixintu waxa ay ku talinaysaa in xukunka mar kale uu qabto madaxwaynaha hadda talada haya ee Xassan Shiikh si loo xaqiijiyo sii socoshada hawlaha dib usoo celinta hay’adaha dawliga aha (qaybo ninkeedaa dhamaystira ), waxa ayna ka digaysaa warbixintu madaxwaye cusub oo talada loo dhiibo, taasoo burbur ku ah hay’daha dawliga ah ee jira iyo haykalka dawladnimo guud ahaan (boga 8- 9).
4- Warbixintu waxa ay ku eedaynaysaa dawladda Kenya iyo dal Carbeed oo aanay carabaabin (waa Imaaraadka sida muuqata) inay ku heshiiyeen inay ka shaqeeyaan sidii RW Cumar Cabdirashid u noqon lahaa madaxwaynaha bedela Xassan Shiikh. Waxa ayna warbixintu tibaaxaysaa in arrintaas ay ku lug leeyihiin shirkado shidaal oo danaynaya shidaalka ceegaaga xad badeed ka ay ku muransanyihiin Soomaaliya iyo Kenya (bogga 9).
5- Warbixintu waxa ay ku eedaynaysaa RW CCC inuu heshiis hoose kula jiro Kenya oo ku saabsan inuu Kenya u fududeeyo arrimaha dacwadda muranka sohdin badeedka labada dal u dhexeeya , taas bedelkeedana ay madaxwayne nimada gacan ku siiyaan (bogga 9).
6- Warbixintu waxa ay gaashaanka ku dhufatay eedaha loo soo jeediyo MW Xassan ee ah uu xiriir dhaw la leeyahay koox diimeedka Damul Jadeed , waxayna cuskanaysa in madaxwaynuhu arrintaa iska fogeeyay (bogga 9).
7- Warbixintu waxa ay ku adkaysan in guul daradii ka qabsatay Farax Shiikh Cabdulqadir inuu noqdo gudoomiye ku xigeenka baarlamanka aanay ka dhignayn guul daro loo saadaalin karo saxiibkiis Xassan Shiikh , taas bedelkeedana ay tahay fursad uu Xassan dib ololihiisa ugu abaabuli karo , korna u qaadaysa fursad uu mar kale madaxwayne ku noqdo (bogga 11).
8- Warbixintu waxa ay ka digaysaa in madaxwaynaha soo socda ka yimaado beelaha Daarood , gaar ahaan Majeerteen, maadaama qabaa’ilka Hawiyaha ah ee u badan Muqdisho iyo nawaaxigeeda aanay aqbali doonin , soona xusuusin doonto cadaadiskii Max’ed Siyaad , ayna keeni doonto in mar kale Caasimaddu u gacan gasho kooxda Al-shabaab. Waxayna warbixintu si toos ah ugu talin in jagada madaxwaynaha mar kale loo daayo in uu qabto musharax kasoo jeeda beesha Hawiye (bogga 12).
9- Warbixinta waxaa ka muqata in Itoobiya ka hortimi qorshihii Shariif Xassan uu ku doonayay inuu madaxwayne noqdo ,isaga oo reer kale ku riixaya booska afhayeenka baarlamanka , waxaana ka muuqata warbixinta in Itoobiya ku guul daraysatay inay Sahriifka ka dhaadhiciso inuu taageero Xassan Shiikh, kana tanaasulo doonistiisa kursiga madaxwayne nimada, waxa ayna ku eedaynaysaa Shariif Sakiin inuu iska lumiyay fursad uu ko noqon karay "king maker” (bogga 10-13).
Guud ahaan, warbixinta waa mid muujinaysa tabar dari ay dareentay Itoobiya iyo in ay lumisay galaangalkii badnaa ee ay ku lahayd siyaasiyiinta Soomaalida iyo beesha caalamka iyo inay jiraan dawlado kula baratamaya dalka Soomaaliya oo ay caal u wayday .
Sidoo kale warbixinta waxaa laga dheehan karaa hanjabaad dadban oo Itoobiya u jeedisay beesha caalamka oo kusoo biya shubanaya hadii aad taladayadii diideen waxaad ka heshaan wax hanaga siinina .
Nuxurka Warbixinta Xarunta Wadahadalka , Cilmi barista iyo iskaashiga Itoobiya (CRDC) kasoo saartay arrimaha siyaasadeed iyo amni ee dalka Soomaaliya .
Warbixinta ay Xaruntu ka qortay Soomaaliya ayaa ah mid ka kooban ilaa 15 bog, kuna qoran Af-ingiriis , waxa ayna tibaaxaysaa aragtida dawladda Itoobiya ee ku aadan arrimaha haatan ka socda Soomaaliya , gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2016-2017, ma