
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 8DA NOVEMBAR 2015KA
Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xirirka soo ka dhaxeeya labada Dal waxaana kulamadooda ay sidoo kale ku jeex jeexeen amaanka Soomaaliya iyo ka hortaga Ururka Al Shabaab oo ay ku tilmaameen in ay khatar ku yihiin amaanka Gobolka.
XILDHIBAAN JEESOW "XILDHIBAAN GURXAN XAALADIISA CAAFIMAAD WAA WANAAGSAN TAHAY”
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ka hadlay xaalada caafimaad Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay barqadii ay kooxo hubeysan ku dhaawaceen degmada Xamar weyne.
Mr Jeesow ayaa sheegay in xaalada Xildhibaanka ay iminka tahay mid wanaagsan, isla markaana lagu baxnaaninayo goobaha caafimaadka
"Xildhibaanka dhaawac ayaa soo gaaray, waxaa uu ka mid yahay guddiga arrimaha gudaha, dhaawaciisa wuu fudud yahay, xaaladiisa ayaana lala tacaalayaa”ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Xildhibaanka la dhaawacay xilli uu ku soo wajahnaa xarunta Golaha shacabka, waxaana uu tilmaamay in dableyda weerartay ay wateen gaari kuwa raaxada ah.
Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa ka dalbaday hay’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka Xildhibaanka lagu dhaawacay.
Xildhibaanka la dhaawacay ayaa la dhigay Ex Isbitaalkii Digfeer oo loogu magac daray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, waxaana Isbitaalkaas ku sugan dhaqaatiir kala duwan iyo qalab lagula tacaalo dadka xaalada deg dega ah soo foodsaarto.
AlShabaab ayaa sanadkan kaliya Muqdisho ku dishay illaa afar xildhibaan, halka labo kalena ay dhaawaceen, waxaana Shabaabka muddooyinkii u dambeeyay ay beegsanayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO LA KULMAY SHALAY SHAQAALAHA DOWLADDA HOOSE
Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho , Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shalay kulan la yeeshay shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladaha ay ku shaqeeyaan, kulana dardaarmay inay shaqooyinkooda xoojiyaan.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaqaalihii goobjoogga ka ahaa kulanka waxay ballanqaadeen inay la shaqeynayaan xilli waliba, isla markaana ay sii xoojiyaan shaqooyinka ay u hayaan bulshada Muqdisho.
Madaxa shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir Maxamed Gacal Muudey ayaa isagana ka sheegay kulanka in shaqaalaha Dowladda Hoose ay marxalado adag kusoo shaqeeyeen, isla markaana ay haantanna diyaar u yihiin inay shaqadooda labajibaaraan.
Sidoo kale, guddoomiye kuxigeenka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa dhankiisa ku bogaadiyay shaqaalaha inay si hagar la’aan ah u gutaan waajibadka shaqo ee loo igmaday.
Dhanka kale, guddoomiyaha gobalka Banaadir, Jimcaale oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay inuu xallin doono baahiya ay qabaan shaqaalaha, balse dhankooda looga baahan yahay inay bulshadooda wax u qabtaan.
Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho wuxuu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso horumarka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho; marka loo fiiriyo sidii ay ahayd sannad ka hor, isla markaana u baahan in si wadajir ah loo xoojiyo horumarka la gaaray.
GUDDIGA MADAXA BANAAN EE DOORASHOOYINKA OO KA SOO LAABTAY TURKIGA..
Xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya oo kamid ahaa korjoogayaasha doorashadii baarlamaaniga ahaa ee ka dhacay dalka Turkiga oo uu ku guuleestaya Xisbiga uu hogaamiyo Madaxweynaha talada haya ee dalka Turkiga Rajab dayib ordogan ayaa dalka dib ugu soo laabtay .
Guddiga Doorashooyinka ayaa intii ay joogeen Dalka Turkiga waxa ay waxbadan ka kororsadeen hanaanka dooroashooyinka maadaama doorasho dadka codkooda ay ka dhiibanayen ay ka dhacday Dalkaasi.
Guddoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee dooraashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo Guddiga Hogaaminaysay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegtay inay wax badan ka soo kororsadeen doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, isla markaana ay guddigooda diyaar u yihiin inay ku dabaqi doonaan howlahooda.
Xaliima Yareey waxa ay sheegtay inay lasoo kulmeen Guddiga Doorashooyinka Dalka Turkiga oo ay hashiis ku wada gaareen arrimo ay kamid tahay inay tababaro siiyaan xubnaha iyo howlwadeenada guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka.Qaranka.
Safarka Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ay ku tageen dalka Turkiga si ay goobjoog uga nqodaan doorashadii Baarlamanaiga aheyd ee ka dhacday Turkiga ayaa waxa kahoreeyay safar kale oo Guddigu ay ku tageen Dalkqa Tanzania iyagoo qeyb ka ahaa Korjoogayaasha Doorashadii Madaxtinimo ee ka dhacday Tanzania waxaana ujeedka safaradaasi uu ahaa aqoon kororsi ku saabsan hanaanka doorashooyinka.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN C/FATAAX XASAN AFRAX OO LAGU EEDEEYAY INUU IIBSANAYO HANTIDA QARANKA
Maamulka degmada Beledweyne ayaa ku eedeeyay maamulka gobolka Hiiraan in uu si sharci daro ah ku iibsanayo dhul ay ciidamada daraawiishta iyo wakaaladii horumarinta beeraha ee ADC ku lahaayeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Kusimaha guddoomiyaha degmada Beledweyne ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Beledweyne Bashiir Xuseen Dhoore ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifatax Xasan Afrax uu bilaabay in uu si sharci darro ah ku iibsado dhul laga saaray dad hore u degenaa oo dan guud awgeed howlo loogu qaban lahaa bulshada gobolka Hiiraan iyo shacabka Soomaaliyeed.
"Waxaan u qorsheynay in dhulkaas laga dhiso mashaariic dan guud ah iyo dhismooyin ay dowlada hoose ugu adeegto bulshada,xarun dab damis,boosteejo gaadiidka laga raaco hase yeeshee guddoomiyaha gobolka ayaa bilaabay in uu bedelo qorshaha hore aan u dejinay isagoo dad ganacsato ah ka iibsanaya dhulkii dowlada.”ayuu yiri kusimaha guddoomiyaha degmada Beledweyne Bashiir Xuseen oo u waramayay weriye ka tirsan jowhar.com.
Kusimaha guddoomiyaha degmada Beledweyne Bashiir Xuseen Dhoore ayaa sheegay in dhulkaas uu yahay dhul dan guud, waxana uu ugaga digey shacabka degmada Beledweyne inay lacagtooda geliyaan dhulkaas oo ay ku iibsadaan.
Sidoo kale kusimaha guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa ugu baaqay madaxweynaha,ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wasaarada arrimaha gudaha inay arrintaan soo farageliyaan isla markaana hantida danta guud loo ilaaliyo shacabka Soomaaliyeed.
Is qabqabsiga ku saabsan dhulka ay lahayd ciidamada daraawiishta iyo ADC magaalada Beledweyne ayaa ah mid soo shaac baxay bilihii la soo dhaafay waxana wararka ay sheegayaan in khilaafka soo kala dhex galay maamulka degmada iyo kan gobolka uu marayo meel xasaasi ah.
TURKISH AIRLINES OO KU DHAWAAQDAY IN AY JOOJISAY DUULLIMAADKII AY KU TEGI JIRTAY SHARM ELSHEIKH
Shirkada diyaaradaha Turkish Airlines ayaa shaacisay in gabi ahaan ay joojisay duulimaadkii ay diyaaradaheedu ku tegi jireen magaalada Sharm elSheikh ee dalka Masar, iyadoo sidoo kale la joojiyay duullimaadyadii uga iman Turkiga magaaladaas, sababo la xiriira dhanka ammaanka.
Tallaabadan ay qaadatay shirkada Turkish Airlines ayaa imaanaysa iyadoo dalalka Britain, Ireland & Ruushka ay iyaguna ku dhawaaqeen maalmo ka hor inay joojiyeen duulimaadkii ay ay ku tegi jireen diyaarahadooda magaalada Sharm elSheikh.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii diyaarad laga leeyahay Ruushka oo ay saarnaayeen 224qof ay ku dhacday gacanta Siinaay ee dalka Masar, taas oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Sharm elSheikh, iyadoo shaqaalihii iyo rakaabkii saarnaa ay ku wada dhinteen.
Rakaabkii saarnaa diyaaraddii Ruushka ee Metrojet ayaa waxay ku socdeen St. Petersburg ee dalka Ruushka, waxaana marka laga reebo saddex ruux ay inta kale ahaayeen Ruushan.
Sidoo kale, Arbacadii lasoo dhaafay ayay waddamada Britain iyo Ireland waxay iyaguna ku dhawaaqeen inay joojiyeen duullimaadyadii ay diyaaradahoodu ku tegi jireen Sharma elSheikh, ayna kala baxayaan dalxiisayaashooda ku sugan magaaladaas.
Warbaahinta dalka Britain ayaa waxay baahiyeen in diyaaradaha Britain ay mar kale dib u billaabayaan duullimaadyadii ay ku tegi jireen magaalada Sharm elSheikh ee dalka Masar Jimcaha soo socda.
Ugu dambeyn, rakaabka diyaaradaha Turkish Airlines u raaci jiray dalka Masar ayaa laga dalbaday inay lasoo xiriiraan xafiisyada shirkaddaas ay ku leedahay gudaha Turkiga iyo dalka Masar.
WASIIRKA BATROOLKA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay shirar caalami ah oo looga hadlayay Batroolka iyo Tamarta oo uu uga soo qeyb galay dalalka Turkiga iyo Koonfur Afrika.
Wasiirka Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim markii uu soo gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabdullaahi Shaacir iyo Mas’uuliyiin kale ka tirsan Wasaaradda batroolka.
Wasiirka ayaa xusay in socdaalkii uu ku tegay dalalka Turkiga iyo Koonfur Afrika ay la xiriireen shirar heer caalami oo ku saabsanaa Arimaha Batroolka iyo Tamarta, isagoo xusay in shirka Koonfur Afrika uu qayb ka ahaa Usbuucii Shidaalka Africa, isla markaana uu warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo sida looga faa’iideysan karo kheyraadka ka horjeediyay madaxdii ka qeyb gashay shirkii lagu soo gabo gabeeyay dalka Koonfur Afrika.
Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo sidoo kale ka warbixiyay shirka Tamarta oo uu kaga qayb galay dalka Turkiga ayaa markale ku celiyay baahida loo qabo ka faa’iideeysiga Kheyraadka Ku jira gudaha Dalkeena Soomaaliya
MAAMULKA GOBALKA BANAADIR OO HAKIYAY DACWADAHA LA XIRIIRA DHULALKA
Maamulka Gobolka banaadir ayaa sheegay in si KMG ah loo hakiyay arrimaha la xiriira is qabqabsiga dhulalka, taasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo badaneysay magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magalada Muqdisho Sheeq Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay in si KMG ah loo hakiyay arrimaha dhulalka, dibna loo sheegi doono waqtiga la billaabayo qaadista dacwadaha ee arrimahaasi ku aadan.
"Waxaan idin ku wargelinayaa inaan joojinnay arrimaha dhulalka, si KMG ah ayaan u joojinay, qof dhul ka shaqeynaya, ama dhul jiidjiidaya hadii aad aragtiin waad soo sheegi kartiin” ayuu yiri Gudoomiyaha
Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay dhammaan shaqaalaha gobalka Banaadir inay kasoo baxaan waajibaadkooda si ay u fududaadaan howlaha horyaalla maamulka gobalka.
Waxa uu tilmaamay gudoomiyahay in shaqaalaha ay heli doonaan xuquuqda ay leeyihiin, laakiin iyagana laga doonayo in si hufan ay uga soo baxaan waajibka saaran.
Gudoomiyaha ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay kulan shalay Sabti ah uu xarunta gobalka Banaadir kula qaatay shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar.
MAAMULKA RADIO GALGADUUD OO KA HORYIMID AWAAMIIRTA MAAMULKA GOBOLADA DHEXE
Maamulka Radio Galgaduud, ayaa wuxuu ka horyimid awaamiir qodobo dhawr ah ka kooban, oo culeys lagu saaraayay Warbaahinta Madaxa Bannaan ee ka hawlgasha Gobolada Dhexe.
Qodobada uu soo saaray Radio Galgaduud.
1: Maamulka Radio Galgaduud ma aqbalayo kamana gorgortamayo joojinta Wararka Maamulka Galmudug madaama ay Idaacada saameneyso dhex dhexaadnimadeeda.
2: Maamulka Radio Galgaduud ma aqbalayo in faragalin lagu sameeyo Xayisimaha Idaacadda ka baxa mana quseeyaan ka hadalkeeda Maamulka G/dhxe marnaba.
3: Maamulka Radio Galgaduud waxa uu diyaar uyahay in uu joojiyo Goos Goosyada xaalada Dalka kahadlaya ee Maamulka G/dhexe uu arko in ay dhibeyso dhankooda.
4: Maamulka Radio Galgaduud waxa uu sii wadayaa wadashaqeynta kala dhaxeysa Maamulka G/dhexe iyo baahinta Wararkooda.
5: Maamulka Radio Galgaduud waxa uu ka digayaa Shaqsiyaadka danaha gaarka ah leh ee iska horkeenaya Maamulka G/dhexe iyo Warbaahinta ka shaqeynta Degaanka.
6: Maamulka Radio Galgaduud waxa uu dhowrayaa oo tixgalinayaa mar walba Heshiiskii horey Warbaahinta iyo Maamulka G/dhexe ugu kala saxiixdeen Dhuusomareeb.
KENYA OO SHEEGTAY IN CIIDAMADOODA KA TIRSAN AMISOM AY TOOGTEEN XUBNO KA TIRSAN ALSHABAAB
Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay dileen Jimcihii daraad sagaal xubnood oo ka tirsan xoogagga Alshabaab ee Somalia, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen howdka Soomaaliya.
Afhayeenka millateriga Kenya, Col. David Obonyo ayaa sheegay in xoogagga ay wateen gaari ayna ciidamadoodu eryadeen, kaddibna ay dhamaantood ku dileen goobtaas.
"Waxaan xoogaggii Alshabaab ka furanay sagaal qori oo AK47ka ah, shan miinooyinka dhulka la geliyo ah, rasaas iyo gaarigii Toyota ah, kuwaasoo ay isticmaalayeen xubnihii toogashada lagu dilay,” ayuu Col. Obonyo u sheegay wargeyska The Star ee kasoo baxa Kenya.
Sidoo kale, afhayeenka millateriga Kenya ayaa hadalkiisa ku daray in sidoo kale ay kala wareegeen Alshabaab doon ay kaga gudbaan webiga Jubba ee gobolka Gedo. Wuxuuna beeniyay warar sheegayay in ciidanka Kenya iyo Alshabaab ay ku dhexmareen dagaallo Billisqooqaani iyo Taabto oo gobolka Jubbada Hoose ka tirsan.
"Wararkaas ma ahan kuwo run ah. Balse waxaa jiray dagaallo kooban oo aysan cidina ku dhiman, wax ku dhaawacmayna aysan jirin,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka KDFta dalka Kenya.
Col. Obonyo ayaa intaa ku daray in ciidamadooda ka tirsan AMISOM ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab, isagoo warbaahinta uga digay in ay faafiyaan warar aan run ahayn.
"Ma jirto cid aan kala hadlay arrimahaas, waxaanse la yaabanahay halka ay wararkaas ka heshay warbaahinta qaarkood,” ayuu mar kale yiri Col. Obonyo oo la hadlayay wargeysta The Star ee Kenya.
Ugu dambeyn, warka Afhayeenka ciidamada Kenya ee ku saabsan inay xubno ka tirsan Alshabaab dileen ayaa imaanaya xilli toddobaadyo ha kaddib markii uu sheegay Col. Obonyo inay burburiyeen saldhigyo ay Alshabaab lahaayeen ayna dileen 15xubnood oo Alshabaab ka tirsan.
WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA OO KU BAAQAY KORDHINTA XOOLAHA LA DHOOFINAYO
Wasiirka Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Xukuukumadda Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa shalay xafiiskiisa kula kulmay madaxda maxjarada xoolaha ee dalka, kuwaasi oo uu kala hadlay kor u qaadista dhoofka xoolaha iyo xoojinta xiriirka Wasaaradda iyo ganacsatada.
Kulanka waxaa ka qayb galay ganacsatada maxjarada ku yaala deegaannada maamulka Puntland uu ka arimiyo iyo sidoo kale ganacsatada Muqdisho, waxaana lagu balamay in kulan ka balaaran kan la isugu yimaado, halkaana laga sii amba qaado dar dargelinta suuq geynta xoolaha.
Guddoomiyaha maxjarada Puntland Mahad Faarax iyo Ganacsade Iimaan Maxamed Cali guddoomiyaha maxjarka Jasiira ayaa labaduba waxa ay shaaciyeen inay aad ugu faraxsanyihiin kulanka ay la qaateen Wasiirka, waxaana ay dhankooda balan qaadeen inay ka shaqeynayaan sidii loo kordhin lahaa dhoofka xoolaha.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa kulanka ku tilmaamay mid muhiim u ahaa labada dhinac, waxaana uu xusay in uu qayb ka yahay xoojinta iyo iskaashiga ka dhexeeya ganacsatada iyo Wasaaradda.
TALISKA SALDHIGA BOOLIISKA JOWHAR OO DIGNIIN U JEEDIYAY HAYADAHA AAN DOWLIGA AHEYN EE KA HOWLGALA SH/DHEXE
Booliiska Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxay digniino u jeediyeen Hay'adaha Samafalka ee ka shaqeeyaa deegaano ka tirsan Gobolka gaar ahaan Magaalada Jowhar.
Waxay ay Hay’adaha samafalka ah ku Eedeeyeen in qaar ka mid ah hay’adahaasi aysan ka diwaan gashineyn Saldhiga Booliiska Magaalada Jowhar.
Taliska Booliiska ayaa Sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in ay ku sii shaqeeyaan Hay’adahaasi deegaanada Gobolka Sh/Dhexe.
Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliiska Magalaada Jowhar oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan Arrintaasi aqbali doonin kuna amrayaan Hay’adaha iney isa soo diiwaan geliyaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Hay’ado aado oo ka shaqeeya deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelahga Dhexe gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Ururka AlShabaab.
XILDHIBAAN GURXAN OO U GEERIYOODAY DHAAWACII SHALAY LOOGU GAYSTAY MAGAALADA MUQDISHO..
Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu goor dhow uu u geeriyooday dhaawac culus, oo ka soo gaaray weerar hubeysan oo shalayy loogu gaystay Magaalada Muqdisho.
Rag ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, watayna gaari nooca raaxada ah, ayaa rasaas ku furay Xildhibaanka, xilli uu taagnaa meel ku dhow Bacadlihii hore, islamarkaana uu gaari ku sugaayay.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa wuxuu xalay xaqiijiyay geerida ku timid Xildhibaan Gurxan, oo sidoo kale xubin ka ahaa Guddiga Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Somaliya.
Wasiirka, ayaa xaqiijiyay in afar xabadood ay Xildhibaanku kaga kala dhaceen caloosha, daanka iyo gacanta, islamarkaana uu dhaawaca ugu daran ka soo gaaray caloosha.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), ayaa daboolka ka qaaday in la helay raadadka raggii dilkaasi gaystay, ayna ku daba jooggaan Ciidanka Dowladda.
MAAMULKA KHAATUMO OO DEEGAANKA BOOCAME EE GOBOLKA SOOL KA DHISAYA GOLIHIISA DEEGAAN
Kulammo lagu soo dhawaynayay madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Cabdullaahi Maxamuud Haybe iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maalmihii u dambeeyay ka socday dagmada Boocame oo 75km Bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxgaradka Boocame ayaa si diiran u soo dhaweeyay wafdiga ka socota Khaatumo oo la sheegay in muddo toddobaad ah ku sugnaayeen deegaankaas, iyadoo uu afhayeenka maamulkaas, Maxamuud Sh. Cumar uu sheegay inay deegaankaas ka asaasi doonaa golihii deegaanka.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in kulammadani ay yihiin kuwa baahi loo qabay oo looga arrinsanayo xoojinta xiriirka maamulka iyo shacabka deegaanka Boocame, ayna xilligan lagama maarmaan ah oo la falanqeynayo sidii loo baahin deegaankan, looguna soo gudbin lahaa maamulka.
Qaar ka mid ah waxgaradka deegaankaas ayaa sheegay in lama maarmaan ay tahay in la taageero maamulka Khatumo, isagoo intaa ku daray in deegaankiisu ay si weyn u daneynayaan in la aasaaso golaha deegaanka oo magaalooyin badan laga soo hirgaliyay.
Madaxwayne ku xigeenka maamulka Khaatumo, C/llaahi Maxamuud oo soo gunaanaday shirkan ayaa sheegay inay siyaasadda koowaad ee maamulkiisu ku salaysan tahy nabadgalyada, wuxuuna ka dhawaajiyay in kulamadan ay ku baadi goobayaan inay ogaadaan arrimaha ka dahsoon maamulka Khaatumo iyo dhaliilaha uu leeyahay intaba.
"Deegaannadeenna cid ogol iyo mid diiddan toona u daba fadhiisan doono, haka soo jeedo amaba yuusan ka soo jeedine,” ayuu mar kale yiri madaxwayne ku xigeenku Khaatumo.
Ugu dabmeyn, kulammadaan u dambeeyay ee ka socday deegaanka Boocame ayaa lagu tilmaami karaa kuwa hurin kara colaado cusub madaama ay deegaannadani yihiin kuwa lagu muransan yahay.
BAARLAMAANKA OO KA HADLAY HINDISE SHARCIYEEDKA IIBKA IYO QANDARAASYADA QARANKA
Mudayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay kulan ku leh xarunta golaha shacabka ayaa guda galay akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka.
Hindise sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka waxaa baarlamaanka dib ugu soo celiyay Guddiga maaliyadda, qorsheynta miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda oo gacanta ku hayay muddooyinka dambe, waxaana guddoomiyaha guddigaaasi Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh oo Xildhibaannada ka hor hadlay uu sheegay in sharcigan ay dib u habeyn badan ku soo sameeyeen.
Xildhibaan Dr Cilmi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa Xildhibaannada u sharxay faa’iidooyinka uu sharcigan u leeyahay dalka.
"Waxaa jirta qeyb ku saabsan qandaraasyada iyo iibka oo fursad u ah bulshada, waxaa kaloo jirta qeybta maalgeshiga ku saabsan oo la yiraahdo heshiisyada dheef wadaag ama ganacsi wadaaga, kaasi oo ganacsatada iyo hantida gaarka ah loo leeyahay ay ka qeyb qaadan karto” ayuu yiri Xildhibaan Dr Cilmi.
Xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo isna Xildhibaannada baarlamaanka ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigan uu ka koobanyahay saddex qodob oo aad ugu muhiimsan dalka, kuwaasi oo u baahan in mudanayaasha ay talooyinka ka soo dhiibtaan.
Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayay kulankii shalay ayaa mudanayaasha ka dalbaday in sharcigan ay soo akhristaan, isla markaana uu jiri doono maalin u gaar ah oo looga doodayo wax ka badalka hindise sharciyee dkan.
Sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka oo ka kooban 178 qodob ayaa mudanayaasha marka ay u soo gabo gabowda akhrinta saddexaad laga sugayaa inay meel mariyaan, maadaama uu muhiim ugu yahay dalka.
‘SHALAY IYO MAANTA’
Xusuusta Soomaaliya iyo Caalamka
Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahana da Soomaaliyeed isla markaana jaamacadaha caalamka wax ka dhiga, ayaa qormo xiiso leh waxa uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada, wuxuuna si gaar ah uga hadlay xaaladda shalay Soomaaliya ka jirta.
Prof. Yaxye Qoraalkiisana wuxuu ku bilaabay sidaan:
SOMALIYA. Inta fiiri dabeeyshii AlNino,inta fiiri daadad iyo fatahaad,inta fiiri Abaar,inta fiiri Qax,inta fiiri Musuq Maa suq,inta fiiri IGAD iyo AMISOM, inta fiiri Go balo kala Go’aayo, in ta fiiri Shiid, inta fiiri Xi ldhibaan iyo Mooshin mataanaa,inta fiiri Ururo Diimeedyo Is diiddan, inta fiiri Bee nta beesha Caalam ka, inta fiiri Burcad Ba deed, inta fiiri Sicir Barar, inta fiiri Carab iyo Cimaamad, inta fiiri Qooysas Dumaya, inta fiiri Dhaqan Dhumay.
Intii aanan bilaabin Maqaalkii aan qor is lahaa, Koront adii ayaa naga go,day qolkiina waa mugdi, feeynuustuna gaas malaha. Indhaha ayaan isku qabtay waxaan soo xas uustay:
"Qadarka ALLAAH, Runtii Nabi Muxamad (CSW), Faraa tigii Nabi Suleymaan, Hashii Nabi Saalax, Ushii Nabi Muuse, Doontii Nabi Nuux, Hareedkii Hooshii Miin, Bidaartii Le nin, Dulqaadkii Cali Mahdi, Shaaribkii Hitler, Taliskii Siyaad Bare, Sankii Jamaal Cabdi Naasir, Mijihii Gaandi, Hodonn imadii Roog Fileer, , Burushkii Jooma Keenyaata, Gacmihii Xeyle Salaase, Firimbigii Carfaaye, Dal balaarsigii Dulqar neyn, Gacan ku dhiiglenimadii Qaabiil, Kursigii Joorje Waashinton, Maseyrkii Abooto Xaawo (RC), Seeftii Khaalid Bin Waliid, Warankii Cantara bin Shidaad, Qandigii Abuu Hureyra, Jaakaddii Bukaasa, Jalmadii Calaa’udiin, Dharerkii Cabdow Diyaa’uuf, Daacadnimadii jen.Daa;uud, Gartii Ina San Weyne, Geesinnimadii Salaad gabeyre, Heeskii Sa ada Cali, Wadaninimadii Cusmaan Geedi Raage, Xikmadii Faarax Gololey, MuxaadaradiiDr.Abyan, Qabiidnimadii Mu saliini, Cadaaladdii Sayid Cumar RC, Go’aan Qaadashadii Muxidiin Badar, Ayeeydii Obama, Gartii Gabre loo dhigtay, Gabayadii Faarax Seefey, Nabad jacaylkii Ugaas Khal iif,Erey bixin tii Jen.Galaal, Dal jacaylkii Avv. Ismaaciil Jim caale, Samirkii Nabi Ayuub, Shiishkii Aweys Geedow, Ma ah maahdii Xasan Geedi Abtow, Xirsigii Sheekh Maxamad Faarax, Garwaatigii C/raxmaan Jaamac Barre, Tol jacaylkii Alekis Heley, Tol habaabintii Geeda Qoroow, Akhyaarnim adii taliye Sheekh Yarow, Cirradii Aadan Cadde, Qadaadkii Iidi Amiin, , Xabsigii Nelson Mandella, Diin Fidintii Sheekh Ibraahim Yare, Karaamadii Sheekh Cali Maye, wardigii Sh. Loobage, Maaweeladii Aw Koombe, Jacaylkii Qeeys, Baf tadii Macallin Nuur, Xuudkii Nabi Yoonis, Ducadii Nabi Zak ariye, Madab jacaylkii Kuwaama Nakruuma, lixdii tiir ee Md. Xassan sheikh,Safaradii Cumar Carte, Lugtii Zoope, Giitaar kii Jim Henderekis, Feerkii Maxamad Cali Kalaay, Quruxdii Nabi Yuusuf, Indha gashigii Mooshe Dayaan, Gorgoradii Golden Mayer, Falsafadii Aristotal, Magaaladii Aflaadhoon, Sheekadii Anis Mansuur, Dameerkii Towfiiqal Xakiim, God kii Jilacow, Buugtii Cabaas Caqaad, Qisooyinkii Agaasa Kiristi, Kacdoonkii Xuseen Bood, Wacdigii Sh. Axmad Gaby ow, Geeraarkii Rooble Boon, Qoortii Xuseen Kulmiye, Sal abkii Morgan, Dagaaladii Jen.Ceydiid,dowladii Cabdullahi yusuf, Heshiisiintii Sahnuuni, Go’aan beeleedkii C/laahi Fii doow, Fanaxdii Cali Geedi, Martidii Nabi Luud, Kalsoonidii Cabdi Kaahiye, Hanti wadaagii Maarkis, Kuubadii Kaast aro, Ra’yigii Reesel, Fikir dhaqaaleedkii Keeynis,Hodoni mo ka hadalkii Adam Smith, Dad daanyeer ka yeelkii Daar wiin, Daawadii Ibnu Siinaa, Fadeexadii Nikson, Fasiraadii Imaam Gasaali, Geeridii Aayatulaahi, Hujuumkii Jenkiis Khaan,Akhwaanimadii Sayid Khudbi, Beryihii Bernaando sho, Tarbuush bireedkii Bismaarki, Axaadiistii Bukhaari, Diricii Farxat Dinaa, Furfuridii Gorbajoof, Diintii Luu Tasee, Raganimo u dirirkii Buutin,Khudbadii Sheekh Axmad Diid aab, Xaasaskii Jiif Jenetoon, , Wallaalnimadii Haaruun CS, Jasiiradii Robinsow Kuruus, caleema saarkii Cabdirashiid, Baxridii Majilaano, Madhabtii Shaafici, Casrigii Haaruun Rashiid, Hurdadii Asxaabul Kahfi, ,Halgankii sayid max amed, Baxsashadii abuu Nidaal, Afadii Abuu Lahab, Diin ja caylkii Sheekh Daa’uud Culusow, murtidii Kadare, Daggadi Cali Yuusuf, Dambi baarayaashii Kaarloos, , Wankii Nabi Ismaaciil, , Masalihii Sheekh Muuse Cigalle, Khilaawadii Is xijiwaaq, Dardaarankii Gaala Guul, Taajkii Shaah Maxam ad Raza, Taariikh Nololeedkii Jeneraal Maxamad Abshir, Xafiiskii Abuukar Cadaani, Deeqsinnimadii Xaashi Wehliye, Alla ka cabsigii Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin, Durraa madii Sheekh Axmad Gaballe, Masuuliyadii Maxamed .Xaaji Iibraahin Cigaal, Sahankii Kolombas,meeyar nimadii Muungaab, Taladii Indiira Gaandi, Goobihii Eliskandar, Codkii Meykal Jaksan, Kubaddii Maradonna, Feertii Nabi Aadan, Wareeggii Yuuri Gaagiriin, Abaal marintii Noobel, Dayax degidii Amistron,, Jeegadii Xaafidal Asad, Nadariy adii Neyuutan, Cuf is jiidadkii Gililiyo, Ratigii Raage Taraa wiil, Guurowgii Geedi Garabey, Doodkii Cali Gamuunle, Sarbeebtii Ganey Jiinle,Hooya jaceeylkii Hadraawi, Kulle etigii Nareeri, Mukulaashii Maarkoos, Xaryantii Xatsabshu ud, Is dilkii Cabdi Xakiim Caamir, Madiinadii Muusa Suudi, Rajadii Faasko Dagaama,jawaabtii Abwaan Cali dhuux, Xisaabtii Cusmaan Caddow, Ubad jacaylkii Xasan Guul eed, Miiskii Napolione, Baasabooradii Nuur Bidaar, Filim adii Alen Delon, Sirtii Jeneraal Samatar, Timihii Muuse Rab iile, Garaadihii Saciid Mariino, Xorriyo jacaylkii Maqtal Da ahir, Dharbaaxadii Godagoda, Haantii Keenidiid, Jeelkii Jii jiifte, Dhexdhaxaadnimadii Liiqliiqato, Qawidii Jeneraal Diigool, Tusbixii Dheere Xaaji Dheere,halgan nololeedkii Sh. Shariif,dhaartii shariif xassan,Raaskamboonigii Axmad Madoobe, Geenyadii Boqor Cusmaan, Leegadii Xaaji Max amad Xuseen, Bakhaaradii Cusmaan Axmad Rooble, , Fal sifikeeshinkii Bataar, Qasaa’idkii Sheekh Cabdi Aw Cumar, Boqortooyadii Nafartiid, Siyaaradii Boqol Soon, Kibirkii Na mruud, wasiirnimadii Haliye, Derbigii Juuj iyo Wamaa Juuj, Ururkii Mowliid Macaani, Takooridii Saadaam Xuseen, Saal imowgii Sheekh Nuur Xuseen, Dalabkii Geedey Goomey, Qamiiskii Sheekh Ibraahim Suuley, , Madaxweynanimadii Makaariyoos, ,,,,,,,,,,, !!!!!!!!!!. korontadii ama layrkii ayaa dib usoo noqday, indhihii ayaan kala furay,laakin xasuus taasi waxa ay i hilmaansiisay Maqaalkii aan qor islahaa.iga raali noqo marka aan soo xasuusto ayaan qori doonaa.
QORE: PROF. YAXYE SHEEKH CAAMIR
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 8DA NOVEMBAR 2015KA
RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA DALKA KENYA .. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay Aqalka Madaxtooyadda Magaalada Nairobi waxuu kula kulmay Madaxweyn