Aqoonyahan sifo aan sharci ahayn ku tilmaamay Siyaasiyiinta sheeganaya Isbedel doonka".

0
Wednesday January 18, 2017 - 21:37:47 in Wararka by
  • Visits: 1754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan sifo aan sharci ahayn ku tilmaamay Siyaasiyiinta sheeganaya Isbedel doonka".

    Xilli lagu wado in dhawaan doorashada Madaxweyne ee dalka oo ay isku soo taageen Musharrixiin kala duwan soona bandhigay waxqabadyadooda ayaa Prof Maxamed Xasan Doob oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxa uu sharraxaad ka bixiyay Musharrixiin s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli lagu wado in dhawaan doorashada Madaxweyne ee dalka oo ay isku soo taageen Musharrixiin kala duwan soona bandhigay waxqabadyadooda ayaa Prof Maxamed Xasan Doob oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxa uu sharraxaad ka bixiyay Musharrixiin sheegtay in ay yihiin Isbedel doon.

Waxa uu sheegay Prof Maxamed Xasan Doob in Musharrixiinta sheeganaya in ay yihiin kuwa Isbedel doon ah loo baahan yahay in ugu horreyn ay iyaga iska billaabaan taasina ay muujineyso in waqti dheer ay joogeen Saaxada Siyaasadda dalka oo booskooda ay ku wareejiyaan Aqoonyahanada kale ee Soomaaliyeed.

" Muddooyinkii u dambeeyay iyaga ayaa ka soo muuqanayay Siyaasadda Soomaaliya , taasina ma muujineyso wax la yiraah Isbedel” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Prof Maxamed Xasan Doob.

Ugu dambeyn ayuu shaaca ka qaaday Aqoonyahankani Soomaaliyeed in loo baahan yahay in hoggaanka dalka loo igmado qof leh hanaan wanaagsan oo karti u leh wax ka qabashada xaaladaha guud ee dalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip