
AMISOM oo beenisay in askar nool looga qabsaday weerarkii shalay ka dhacay degaanka Janaale
Afhayeenka AMISOM Baawul Nakajuuna oo ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in askar nool ay Al shabaab gacanta ku dhigeen intii uu socday weerarkii xooganaa ee ay ku soo qaadeen degaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose maalintii shalay. Sidoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in ay iyaga gacanta
ku hayaan, saldhiga uu shalay weerarka uu ka dhacay.
Goob joogayaal ku sugan Janaale ayaa sheegay inay arkeen meydad badan oo AMISOM ah, oo dhulka daadsan, waxaana mar dambe deegaanka soo gaaray ciidamo fara badan oo lugeynaya.
Al-Shabaab ayaa sheegay iney weerarkii shalay ku dileen
in ka badan 50-askari, ayna gacanta ku dhigeen saanado
milateri iyo shidaal, waxaana weerarkaas ay sheegeen
inay ugu aar-gudayeen shacabkii AMISOM ku xasuuqday
degmada Marka.
Goob joogayaal ku sugan Janaale ayaa sheegay inay arkeen meydad badan oo AMISOM ah, oo dhulka daadsan, waxaana mar dambe deegaanka soo gaaray ciidamo fara badan oo lugeynaya.
Baawul Nakajuuna ayaa intaas sii raaciyay in hadda ay iyaga maamulaan saldhiga, ayna si buuxda gacan ku heynta ula wareegeen.
"Cidii sheegtay iyadaa laga rabaa inay xaqiijiso in askar ka tirsan AMSIOM ay gacanta ku hayaan lagana dilay 50 askeriā ayuu intaa ku daray afhayeenka AMISOM
AMISOM oo beenisay in askar nool looga qabsaday weerarkii shalay ka dhacay degaanka Janaale
Afhayeenka AMISOM Baawul Nakajuuna oo ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in askar nool ay Al shabaab gacanta ku dhigeen intii uu socday weerarkii xooganaa ee ay ku soo qaadeen degaanka Janaale ee gobolka Sh/hoo