C/risaaq Jurile "Beelaha Daarood uma tartamayaan xilka guddoonka aqalka sare"

0
Wednesday January 18, 2017 - 10:18:10 in Wararka by
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/risaaq Jurile "Beelaha Daarood uma tartamayaan xilka guddoonka aqalka sare"

    Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan Jurile, oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadlay doorashada guddoonka xildhibaanada aqalka sare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan C/risaaq Xasan Cismaan Jurile, oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadlay doorashada guddoonka xildhibaanada aqalka sare.

Xildhibaanka ayaa sheegay in awood qeybsiga dalka uu dhigayo in xilka guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka la siiyaa beelaha kasoo jeeda gobolada waqooyi ee dalka.

Xildhibaan Jurile ayaa beeniyay inuu jiro kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xildhibaanada beelaha Daarood, kaasi oo lagu go’aamiyay in isaga uu noqdaa musharaxa xilka guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in qoondada4.5 oo doorashada ay ku saleysan tahay marka la eego in kursigaasi ay leeyihiin beelaha waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Waxaa hadda socdo qabashada codsiyada musharixiinta dooneysa xilka guddoomiyaha xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana loo badinayaa musharixiinta inay kasoo jeedaan gobolada waqooyi.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in tartanka kursigaasi loo daayaa beelaha kasoo jeeda gobolada waqooyi ee dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip