Xildhibaanada Beesha Habargidir oo meesha ka hadlay ayaa sheegay in C/raxmaan C/Shakur uu yahay Musharrax ay Xildhibanaada Beesha ku midaysan yihiin una soo gudbiyeen beeeha Hawiye.
Waxaa la isla qaatay in C/raxmaan uu yahay nin ka bixi kara hogaanka dalka kana gedmi kara Beesha Caalamka.
Ganacsatada Beesha Habargidir ayaa ballanqaaday in ay dhaqaale la garab taagan yihiin Mudane C/shakuur. Waxaa kaloo warar hoose sheegayaan in uu taageero dhaqaale ka helayo dawlada Imaaraadka Carabta.
Xildhibaan Goodax, Dhuxulow, Saciid Nuur Gariish, Saadaq Nuur Lugeey, Xuseen Iidow, Abtidoon Yare, Dhegdheer, Dhegeey Geele, Claahi Maxamad Nuur, Daahir Amiin Jeesaaw, Cismaan Xaaji, Maxamad Cumar Islaw iyo Xildhibaan Khaliif Cumar oo meesha ka hadlay ayaa sheegay in ay si wayn u taageersan yihiin aragtida lagu soo bandhigayo Musharrax Hawiye oo la meel marsiin karo.
Xildhibaanada ugu culus Beesha Hawiye oo taageeray Musharrax C/raxmaan C/shakuur (Sawiro)
Kulan albaabada u xiranyihiin oo ay yeesheen musharrax madaxweyne Avv. C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo 20 ka mid ah xildhibaan ugu firfircoon ee Beesha Hawiye ayaa xalay ka dhacay Hotel Jazeera.