Ahlu Sunna oo amaro ku soo rogtay Warbaahinta ku taal deeganada ay maamulaan

0
Saturday November 07, 2015 - 11:10:43 in Wararka by
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu Sunna oo amaro ku soo rogtay Warbaahinta ku taal deeganada ay maamulaan

    Awaamiir hor leh ayaa lagu soo rogay Warbaahinta ka howlgasha deeganada Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, iyadoo Bahda Warbaahinta ay walaac ka muujiyeen Awaamiirtaan. Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa shalay isugu yeeray masuuliyiinta Warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Awaamiir hor leh ayaa lagu soo rogay Warbaahinta ka howlgasha deeganada Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, iyadoo Bahda Warbaahinta ay walaac ka muujiyeen Awaamiirtaan. Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa shalay isugu yeeray masuuliyiinta Warbaahinta waxaana ay u sharaxeen amarada ay ku soo rogeen ee ay doonayaan in la dhaqangeliyo. Agaasime ku xigeenka Radio Galgaduud C/qaadir Barre Guure ayaa sheegay amarada Warbaahinta lagu soo rogay inay ugu weyn tahay in Warbaahinta aysan baahin karin wararka ku saabsan Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Warbaahinta ayaa waxaa lagu amray inaysan baahin karin fariimaha Dowladda Somaliya ay u gudbiso Bulshada ee ku saabsan dhanka wacyigelinta iyo sidoo kale inaysan Warbaahinta xayeysiis u sameyn karin dhaqtar aanan Maamulka warqad ka wadan.

Masuuliyiinta Ahlu Sunna ee amaradan soo rogay ayaa faray masuuliyiintii ka socotay Bahda Warbaahinta inay fuliyaan amaradaasi.

Inkastoo Bahda Warbaahinta aysan jawaab ka bixin amarada lagu soo rogay, ayaa hadana waxa ay madashii kulanka ka soo qaateen Warqadihii lagu faray awaamiirtaasi.

Arintaan ayaa ah caburin hor leh oo Ahlu Sunna ay kula dhaqmeyso Bahda Warbaahinta ee ka howlgasha deeganada Maamulkaasi.

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa diidan jiritaanka Maamulka Galmudug ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Cadaado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip