WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 2-DA A SEPTEMBAR 2015-KA

0
Wednesday September 02, 2015 - 10:18:10 in Wararka by
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 2-DA A SEPTEMBAR 2015-KA

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ayaa shalay qaabilay wafdi ka socday dowladda Mareykanka taasoo ay hogaamineysay Katie Wheelbarger oo ah Agaasinka Siyaasada ee aqalka sare wakiilada, arrimaha adeega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ayaa shalay qaabilay wafdi ka socday dowladda Mareykanka taasoo ay hogaamineysay Katie Wheelbarger oo ah Agaasinka Siyaasada ee aqalka sare wakiilada, arrimaha adeega Ciidamada. Kulanka ayaa waxaa ku wehlinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirkiisa Gaashaandhigga Mud ane C/qaadir Sh. Cali Diini, waxaana looga hadlay arrimo khuseeya amniga dalka, gaar ahaana qorshaha ay dowladdu wado ee isku dhafka Ciidamada dowladda, iyo tababaristooda.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii tayo kordhin loogu sameyn lahaa shaqa alaha ka howlgala Wasaaradda Gaashaandhigga, si loo helo shaqaale rayid isla markaana aqoon leh oo ka shaqeeya Wasaaraddan, waxayna dhanka kale balan qaadeen inay taageero ka geysan doonaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta taliska Xooga dalka iyo Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka Mareykanka taakulada ay mar kasta la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in dowl adda Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabto taageero dhanka dhismaha, tayayenta iyo qalabeynta ciidamada.

"Qorshaha isku dhafka ciidamada xoogga dalka heer fiican ayuu marayaa, waxaana haatan tababbaro uga soconayaan xeryo kala duwan oo ku yaala gobolada dalka, waxaana rajeyneynaa in qorshahani guuleysto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cadirashiid Sha-rmarke.

WASIIRKA GANACSIGA OO KA WARBIXIYAY SAFAR UU UGU AMBABAXAY TALYAANIGA

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan oo Warfidi yeenada kula hadlay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ka war bixiyay socdaal ay ku aadayeen isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay dalka Talyaaniga isagoo til maamay in u jeedka socdaalkoodu yahay in dalkaas ay kaga qeyb galaan Bandhig Carweed 5tii sano mar ka dhacay dalka Italy islamarkaana ay horudhac u hyihiin Masuuliyiin ka tirsan DF oo 3-da Bishaan ka qeyb geli doono Bandhig Carweedkaas.

Mr Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa xusay in kulamo la qaadan doonaan , maal gashta yaasha Caalamiga ah iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta dalkaasi si ay kaga wada hadlaan horumar dhanka Ganacsiga oo sida uu sheegay ay horay u qaaday Wasaaraddiisa.

DOwladda Soomaaliya ayaa indhawaanahaan sheegeysay in ay wado dadaallo ku aadan dib u dhiska dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka iyadoo la kaashaneysa dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

MUWAADINIIN SOOMAALIYEED OO ARRIN HALIS AH LOO MAXKAMADEYNAYO

Todobo ruux oo lagu eedeeyay iney qorsheynayeen ku biiritaanka ururka Daacish ayaa ka soo muuqanaya maanta oo Arbaco ah maxkamad ku taala dalka Mareykanka, si eedeymaha loo jeediyay loogu maxkamadeeyo.

Go’aan cad ayaa laga qaadanaya maanta dacwada dhalinyarada Soomaaliyeed loo heysto ee ah iney damacsanaayeen iney ku biiraan kooxda daacish ee ka dalaanta Syria iyo Ciraaq.

Dhalinyaradaasi oo dhamaantood ku sugnaa gobolka Minnesota, waxaana ciidamada ay qabteen dhalinyarada qaarkood xili ay damacsanaayeen iney ka duulaan garonka diyaaradaha ee magaalada Minneapolis.

Michael Davis oo ah qaadiga maxkamada dhalinyarada lasoo taagayo ayaa sheegay in dhalinyaradaasi maanta go’aan cad laga qaado doono.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa waxaa lagu eedeeyaa iney u duulaan dalalka Syria iyo Iraq si ay kaga bar bar dagaalamaan Daacish, waxaana marar badan lasoo taagay maxkamado kala duwan oo Mareykanka ku yaala.

Dhalinyarada maanta maxkamada lasoo taagayo ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay

1-Sakariye Abdurahman,

2-Hamza Ahmed,

3-Abdirahman Daud,

4-Adnan Farah,

5-Mohamed Farah,

6-Hanad Musse iyo

7Guled Omar.

AKHRISO 14-KII QODOB EE BULSHADA RAYIDKA AY KU BIIRISEY DIB U EEGISTA DASTUURKA

Kulan labo maalmood ka socdey magaalada Muqdisho oo looga hadlayay dib u eegista dastuurka oo ay ka qeybgaleen ururada bulshada rayidka ah ayaa waxa ay soo jeediyeen 14 qodob oo talo ah oo lagu biirinayo hanaanka dib u eegista dastuurka.

1. Qodobadani oo ah kuwa dhaxalgal ah ayaa waxa heshey Goo bjoog News nuqul ka mid ah, waxayna u qornaaye en sida soo socot.

2.

Waxa si taxadar leh hoosta looga xariiqey in dib-u-ee gista dastu urka iyo holwaha laggu wacyi galinayo Shacabka Soomaaliyeed noqoto mid ay hogaanka u ayaan Soomaalida si dastuurkuu noq do mid Soomaalileedahay.

3.

In Wasaaradda Arimaha Dastuurka,Guddiga la socodka Baarlamaanka

ee dib‐u‐eegista dastuurka, Guddiga Madaxa Banaan ee dib‐u‐eegista iyo hergelinta dastuurka iyo bulshada rayidka ah ay ka wada shaqeey aan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa geedi‐socodka dib‐u‐eegista dastuurka

 

4.

Si loo sahlo wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Dastuurka iy o ururada bulshadu rayidka waxaa ay kala saxiixan doonaan nuqul isf aham (MoU) oo ay ku cadahay wadashaqayntooda.

 

5.

Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta dastuurka,waa in la tababa raa dad isugu jiro qaybaha kala duwan ee bulshada sida: haweenka, dhalinyarada, odayaasha dhaqanka,culuma’udiinka,naafadaiyo siyaasiy iinta.

6.

Dastuurku waain lagu qoraa luuqadda afka Soomaaliga,isla markaana uu wato sharaxaad si ay u sahasho in shacabka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab beelo fahamkiisa.

7.

Waxaaa la magacaabayaa Guddi talo bixin (Advisory Group) oo ka koo ban xubno matalaya ururadda bulshada rayidka oo si joogta ah ula tali ya Wasaaradda Arimaha Dastuurka.

 

8.

Waa inay hay’adaha dastuuriga ee dowladda federaalka ahay ka tala Galiyaan ururada bulshada Rayidka fariimaha lagu baahinayo aalaha da warfaafinta si looga hortago in uu dhasho ama abuur mo dareen dhib u keeni kara geedi‐socodka dib-u-eegista dastuurka.

 

9.

Aybaha ugu culus dib-u-eegista dastuurka waa arimaha quseeya si yaas adda, sidaas darteed waa In la qabto kulamo balaaran (town hall meeti ngs) oo lagu falanqeynayo qodobada siyaasadeed ee dastuurka iyo arrimaha xasaasiga ah.

 

10.

) In bulshada rayidka ah gaar ahaan ururadu qaabaysanay noqdaan codkii u haddli lahaa dadweynaha

 

11.

In la isticmaalo aaladaha warfaafinata ee kala duwan ee maqalka mu uqaalka iyo internetka (social media) si ay dadweynuhu u fahmaan dast uurkooda

 

12.

In fariimaha la gudbinayo loo adeegsado suugaanta laguna saleeyo dhaqanka Soomaaliyeed ee deegaankaas

13.

Waan in bulshadda baahida gaarka ahleh sida naafadda muuqata iyo tan aan muuqan lagu tixgaliyo baahida ay qabaan isla markaana xuquu dooda la sugo

14.

Hay’adaha caalamiga ah ee doonayo inay caawiyaan xukuumadda fed eraalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaliyeed waa inay mideeyaan xoogooda, taladooda, xiriirintooda, isla markaana ay si joogta ah ula sha qeeyaan kana tala qaataan hay’ad aha dastuuriga ah ee u xilsaaran ge eddi socodka dib u ee gista dastuurka.

 

15.

Maamuladda dalka ka jiraa waan inay door muhim ah laga siiyo wadatshi ga, dib u eegista iyo faafinta dastuurka.

WARBIXIN: SABABAHA DIB U DHACA SHIRKA MAAMULKA SAMEYNTA HIIRAAN IYO SHABEELLAHA DHEXE

Shalay waxay ahyed 01-da September, waa Waqtigii loo madlanaa inuu furmo shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, hase ahaatee war ka soo baxay wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa lagu sheegay in waqti aan la cayimin dib loo dhig ay shirka.

Dib u dhaca ku yimid shirka ayaa marka hoose loo eego, waxaa sabab u ah qodobo dhowr ah oo is biirsaday, kuwaa oo saameyn ku yeeshay siddii loo dhaqaajin lahaa geedi socodka qorsh aha bilowga furitaanka shirka, madaama ugu horeynba lagu hishiin waayay magacaabista guddiga farsamada.

Guddiga farsamada oo loo baahnaa in la magacabo 15-ka bishii Agoosto, ayay beeluhu ku hi shiin waayeen sidii loo qeybsan lahaa, madaama beelaha qaar ku doodeen in ay iyagu leeyihii saa miga ugu ballaaran, waxaana ay doodda ugu weyn ka timid in guddiga farsamada lagu qabsado hab qabiil iyo in deegaan lagu saleeyo.

Siddoo kale, dib u dhaca shirka waxaa qayb ka ah mooshinka qaar ka mid ah xubnaha baar lamaanka ka keeneen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taa oo sababtay in golayaasha dow ladda oo dhan mashquul ku noqdaan mooshinka iyo siddii loo maareyn lahaa.

Xildhibaannada, siyaasiyiinta, iyo waxgaradka labada gobol ka soo jeedda ee qeybta ka ah qorshaha dhismaha maamulka labada gobol, ayaa laftirkooda isku maandhaafay sida wax loo qey bsannayo, madaama beelaha qaar sheegeen in ay degaan labada gobol, sidaa daraadeed iyagu yeeshaan tirada ugu badan guddiga farsamada.

Halka beelaha qaarna shaki ka muujiyeen xaqa saamiga ay ku leeyihiin wax qeybsiga oo ay u arkeen b-elo gaar ah la doonayo sadburinayo.

Dowladda federaalka ayaa laftirkeeda lagu eedeynayaa in aysan juhdi badan galin sidii loo maareyn lahaa caqabadaha ka hor yimid, si lamid ah ahmiyadii ay dowladdu siisay dhismaha maamulka gobollada dhexe, oo ay mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda waqti badan galiyeen.

Qorshaha dowladda ee dhismaha labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaa bar bar socda, diidmo ka imaneysa siyaasiyiin iyo qurbo-joog ka soo jeedda gobolka Hiiraan, oo wali ku doodaya in Hiiraan mudan yahay in labo gobol loo aqoosado siddaana bulshada ku dhaqan u same ystaan maamul iyaga u gaar ah.

Maalintii darraad waxaa magaalada Beledweyne soo gaaray xubno wafdi ah oo uu horkaca yay guddoomiyaha qurbajoogta Hiiraan Towane Sabriye Fiidse, oo hadal uu jeediyay ku sheegay in bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan looga baahan yahay in ay ka tashadaan Aayahooda iyo must aqbalkooda siyaasadeed.

Marka leysku geeyo, khilaafka ka abuurmay magacaabista guddiga farsamada, qancin la'aan ta beelaha wada dega labada gobol, mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Max'uud,cagajiidka dowladda ee ku aaddan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka taagan saamiqeysiga, iyo dooda siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ay ka qabaan isku darka labada gobol, waxaaa la oran karaa dhamaantood waxaa ay qeyb ka yihiin sababta dib u dhaca shirka, iyadoo marka arrimahan oo dhan lagu hishiiyo wali dhiman yihiin qodobo kale oo ka sii miisan culus, sida halka lagu qabanayo shirka, xarunta maamul gobolleedka, iyo gobolka uu ka imanaya madaxweynaha.

DANJIRE KAY: XAALAD BANI’AADAMNIMO AYAA KA JIRTA SOOMAALIYA INKASTOO AMNIGU HAGAAGSAN YAHAY.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Addu unku uusan kasii jeesan karin Soomaaliya,, iyadoo ay sare u kacayaan dadka cunno yaridu ku ha yso Soomaaliya,.

Danjire Kay oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in Soomaaliya, aysan wali sidii loogu ta lo galay loogu helin Kharashaadkii Caalamiga ahaa ee loo Dalbay si loo Caawiyo Kumannaan Soomaali ah oo dalka gudihiisa ku dhibaateysan.

Hadalka Kay ayaa imaanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay darraad sheegtay in 3.1 Milyan oo Qof oo Soomaaliya ku nool ay u baahan yihiin Gargaar Bani’aadamnimo oo deg-deg ah, iyadoo Danjire Kay uu sheeegay inay xaaladdu ka sii dari karto Dhammaadka Sannadkan.

"Waxaa jirtay lixdii bil ee u dambeysay dareen xoog leh oo ku saabsan in dad ku dhow 17% oo u dhiganta 855,000 oo ruux ay ku baahan yihiin Gargaar Deg-deg ah.

Middaas ka sokow waxaa kaloo jira dareen xoog leh oo ku Saabsan Digniino soo baxaya oo sheegaya in laga yaabo in Roobabkii El Nino ay sannadkan lagu jiro ka dhacaan Soomaaliya,, kuwaasoo keeni kara inay ka dhashaan daadad xoog leh cilimmada noocaas ah, gaar ahaan Gobollada Shabeelooyinka iyo sidoo kale kuwa Jubbooyinka,” ayuu Danjire Kay ku yiri Wargeysiga uu siiyay BBC-da.

Sidoo kale, Danjire Kay ayaa waxaa la weydiiyay su’aal kale oo ahayd; sida QM ay ugu diyaar garo wday sidii ay wax uga qaban lahayd musiibooyinkaas inay ka dhacaan Soomaaliya, la ga yaabo, wuxuuna ku jawaabay.

"Waxaa jira Diyaar garow aan Sameynay oo aanu uga Jawaabayno Saameynta ay Sababi karto El Ninonada la filayo inay dhacdo. Waxaa kaloo jirta lacag la’aan oo lacagihii loogu talo galay gargaarka Soomaaliya, aan lasoo dhameystirin.”

Danjire Kay, waxaa kaloo la weydiiyay Arrimaha Amniga Soomaaliya, isagoo xusay in wax badan la qabtay arrimaha Amniga, xilliganna ay Soomaaliya, tahay meel soo hagaagaysa marka loo eego sannadihii hore. Wuxuu intaas ku daray Soomaaliya, inay tahay Waddan Dadkiisu isku im aanayaan oo sameysanaysa Nidaam Federaali ah; Baarlamaanka iyo dowladda Muqdisho fadhid ana waxay isku diyaarinayaan in la helo haykal dowladnnimo.

Ergaygu wuxuu hadalkiisa raacyay in arrimahaas oo dhan ay yihiin kuwo aad u wanaagsan, balse hadda waxaa la galayaa buu yiri xilligii uu sii dhammaanayay xilligii jiritaanka dowladda iyo baarlamaanka, waxaana loo baahan yahay in la sameeyo Qaab Doorasho oo la Qabto, waxaana hadda socda xiisad arrintaas ku lug leh.

Dhanka kale, Kay waxaa la Weydiiyay sida uu Saameyn ugu yeelan karo Doorashada la filayo inay Soomaaliya,ka dhacaan sannadka soo socda Mooshinka ay wadaan Xildhibaanno ka tirs an Baarlamaanka, kaasoo la doonayo in xilka looga qaado Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay.

"Runtii dareenka siyaasadeed ee Hadda Taagan waa mid la Xiriira Mooshinka ay wadaan Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya, ka tirsan ee miiska las oo dhigay. Sidoo kale QM si dhab ah ayay u aqoonsan tahay Xuquuqaadka baarlamaaanka Soomaaliya, uu u leeyahay inuu hay’ada hooda kula xisaabtamaan. haddana waxaan dareen Xoog leh ka Qabnaa Carkinaan walba oo Siyaasadeed oo Timaadda inay dhaawcidi karo oo ay curyaamin karto hadafka la leeyahay oo ah in ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya,Waxayna horay QM u sheegtay inaysan aqbali doonin xilli kordhin loo sameeyo Baarlamaanka iyo Dowladda Soomaaliya, hadda ka jirta Soomaaliya.”

Danjire Kay waxaa kaloo la Weydiiyay; Fikirka Dadka qaba inaysan Xilliga Dalka ka dhici karin Doorasho xor ah, Wuxuuna ku Jawaabay. "Taasi waa Sax oo ma dhici karto Xilligan doorasho Qof iyo Cod ah.”

Wakiilka QM ee Soomaaliya, Waxaa kaloo Wax laga Weydiiyay Dagaallada ka Dhanka ah Al-shabaab, Wuxuuna ku jawaabay. "Bilhii lasoo dhaafay Waxaa laga Qabsaday Al-shabaab Maga alooyin Muhiim ah oo ku taalla Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya,; Kuwaasoo muhiim u ahaa Al-shabaab.”

Ugu dambeyn, Danjire Nicholas Kay ayaa waxaa la Weydiiyay in AMSIOM ay ka adkaan kar to Al-shabaab, wuxuuna ku jawaabay. "Ciidamada AMSIOM iyo kuwa Soomaaliya, shaqo wa-naag san ayay hayaan, markaad eegto Juquraafi ahaanna dhul ballaaran ayay Al-shabaab ka qabsa deen.”

MAREYKANKA OO WALAAC KA MUUJIYAY BOOQASHADA MADAXWEYNAHA SUDAN KU TAGAYO DALKA SHIINAHA

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay booqashada la filayo in Madaxweynaha Su dan uu ku tago dalka Shiinaha, xilli Maxkamadda Caalamiga ay u jartay ruqsad lagu soo xirayo, kadib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirto dambiyo dagaal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan ayaa sheegtay in Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir u safri doono Shiinaha, si uu ula kulmo dhigiisa Xi Jinping, waxaana uu ka qeyb galayaa maalinta 3-da September dabbaal degga markii looga guuleystay Japan dagaalkii labaad ee Addu unka.

Al-Bashiir ayaa tagay Shiinaha sanadkii 2011, iyadoo dowladda Shiinaha ay daneyso salii dda ay soo saarto Sudan, loona dhoofiyo dalkaas

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka Mark Toner oo wariyeyaasha kula hadlay ay magaalada Washington ayaa sheegay in Mareykanka ay rumeysan yihiin in Madaxweyne Al-Bashiir aan la soo dhoweyn safaradiisa illaa uu cadaaladda ka wajahayo.

"Sida aad ogtihiin waxaa soo eedeysay Maxkamadda ICC, wuxuu galay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xasuuq”ayuu yiri Mark Toner.

"Ruqsada lagu soo xirayo wali way taagan tahay, annagana waxaa si xoogan u taageere ynaa dadaalka Maxkamadda ICC ee lagula xisaabtamayo dhammaan kuwa ka mas’uulka ah ficila daas, waxaa ka soo horjeednaa fududeynta ama taageerida safarka dadka dambiyada ka yaalla Maxkamadda ICC

Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ayaa Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir ku soo oog tay dambiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sanadkii 2009-kii, isagoo lagu eedeeyay inuu xasuuq ka geystay Gobolka Darfur.

Al-Bashiir ayaa tan iyo markii loo jaray ruqsada lagu soo xirayo waxaa uu u safray dalal bad an oo kuwa deriska la ah ka mid ah, iyadoo ay yareyd safarada uu ku tagayay wadamada fog, waxa ana bishii June ay aheyd markii uu tagay dalka Koofur Afrika oo xubin ka ah Maxkamadda ICC, iyadoo go’aan Maxkamad ku taal dalkaas gaartay oo ahaa in aanu dalka ka bixi karin uu noqday mid aan guuleysan, ka dib markii Madaxweyne Al-Bashiir uu si nabad uga soo ambabaxay Koofur Afrika oo uu uga qeyb galay shir madaxeedkii Midowga Afrika.

FARMAAJO "WAA IN AL-SHABAAB LAGA XIRAA DHAMMAAN ILAHA AY DHAQAALAHA KA HESHO”

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga xiro Al-Shabaab dhammaan ilaha dhaqaalaha ka soo galo.

Farmaajo oo wareysi siiyay isagoo ku sugan magaalada Nayroobi mid ka mid ah warg eysyada dalka Kenya ayaa sheegay in qaabka wanaagsan oo loogaga guuleysan karo Al-Shabaab ay tahay in laga xiro ilaha ay lacagta ka soo gasho.

"Waa in laga joojiyaa dhuxusha ay iibiyaan Al-Shabaab, sidoo kalana laga horjoogsado inay taageero dhaqaale ka helaan deegaanada ay maamulaan”ayuu yiri Farmaajo oo ugu baaqay dow ladaha Gobolka inay arrintaas ka shaqeeyaan.

"Kooxaha ka soo horjeeda dowlada ma sii jiri karaan haddii aad taageero ka haysato shacabka waana taas tan looga baahan yahay dowlada Soomaaliyeed inay xooga saarto”ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay inuu sanadka 2016 isa soo sharixi doono iyo in kale ayuu sheegay in marka la gaaro waqtiga doorashada uu mowqifkiisa soo bandhigi doono.

Al-Shabaab ayaa la ogyahay in balaayiin Shilling ah ay ka soo gasho dhuxusha loo iibgeeyo wadamada dibadda, ayna lacago faro badan ka qaaddo deegaannada ay maamusho sida uu qoray wargeyska Standard.

Warkan ka soo baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa ku soo beeg may, ka dib markii dhowaan maxkamad ku taal dalka Maraykanka ay ku xukunta 15 sano oo xarig ah nin u dhashay dalka Kenya oo lagu helay dambi ah inuu lacago siinayay saddex urur argagaxiso caalamka u aqoonsan yahay, isla markaana dhallinyaro u dagaalanta ururadaas uu diyaarinayay.

Sida laga soo xigtey hay’ada dambi baarista Maraykanka FBI Mohamed Hussein Said oo ah 27 sano jir ayaa qirtay inuu taageero siinayay Al-Shabaab, Al-Qaacidada Ciraaq iyo ururka kale ee AQI/al-Nusrah Front oo xarunteedu tahay dalka Syria.

Waxaa ninkan lagu helay dambi ah inuu helay lacago uu u soo xawilay Gufran Ahmed Moha mmed taasoo gaareysay $11,600.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay si dhow ula shaqeyso xukuumada Kenya haddii la doonayo inuu guuleysto dagaalada lagula jiro Al-Shabaab.

MAAMULKA GEDO OO SHEEGAY IN AY BAARAYAAN 4 QOF OO LAGU DILAY NAWAAXIGA DOOLOW

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Maamulka Gobolka Gedo ee Jubbaland Sheekh Ma x’ed Xuseen Isxaaq Al Qaadi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay baarayaan 4 qof oo lagu dilay deegaan hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Sheekh Al Qaadi ayaa ku nuux nuuxsaday in 4 qof ee la dilay ay ka war heleen balse faah faahintooda uu-san ka hor dhaceynin maadaama ay socdaan baaritaanno la xiriira arrintaas. Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka oo soo hadal qaaday Maamul dhawaan uu Guddoom iyihii Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil u Magacaabay degmada Baardheere ayaa sheegay in Baardheere uu matalo Maamulka ay soo Magacaabeen Masuuliyiinta Jubbaland , isla markaana Guddoomiye Kaliil uu waqtigiisa mar hore u dhammaaday.

Darraad ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubba Deegaan lagu Magacaabo Geedweyne oo hoostaga doolow ay ku dileen 4 qof ooo ay ku eedeeyeen inay gacan saar lalee yihiin Ururka Al Shabaab.

MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO EEDEYSANAYAAL XUKUNTAY

Xukunnadaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay shalay riday ayaa waxaa lagu kala riday eedeysanayaal kala duwan oo illaa 4 ruux gaaraya kuwaas oo ay sheegtay Maxkamaddu in ay geysteen dambiyo kala duwan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow oo Warbahinta u aqriyay Xukunnada ayaa sheegay in mid ka mid ah raggaasi lagu xukumay 10 sano oo xariga ah ha lka 2 kale min 6 bilood oo xariga ah lagu riday iyadoo kan kalana lagu waayay wax dambi ah lana sii daayay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa aalaaba xukunno ku riday Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya falalka dambiga ah geysta, dadka hubka wax ku dhibaateeya iyo Maxa abiista Al Shabaab laga qabto.

ABUU MUSCAB "WEERARKII JANNAALE WUXUU AAR GUD U AHAA SHACABKII AMISOM KU XASUUQDAY MARKA”

Al-Shabaab ayaa sheegatay in 50-askari oo ka mid ah kuwa AMISOM ee ka soo jeeda Ugan da ku dishay weerar culus oo shalay waabarigii hore ku qaaday saldhig ay ku lahaayeen afaafka ho re ee deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas uu aar-gud u ahaa shacabkii Ciidamada AMISOM 31-kii bishii July ku xasuuqeen magaalada Marka.

"Shalay aroortii salaaddii subax ka dib waxay Mujaahidiinta weerareen saldhig Ciidamada AMISOM ku sugnaayeen, waxaa weerarkaas qaaday Guutada Sheekh Abuu Zubeyr, waxaa lagu fu ray weerar istishhaadi ah, qarax ismiidaamin, oo isku dhex yaacisay ciidamadii meesha joogay, ka dibna ciidamo aad u hubeysan ayaa ku daatay xerada oo fududeeyay in cadawga xerada laga saaro”ayuu yiri Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa xusay in weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan, ay dagaalyahanadooda ku furteen saanad milateri, isla markaana si guud ula wareegeen saldhiga ciidamada.

"Weerarkan ujeedadiisa waxay aheyd aar-gud, oo loogu aar-gudayo shacabka Marka oo maalmihii u dambeeyay ay xasuuq u geysteen ciidamada Uganda, waxaa ku jiray dad isku qoys ah aa afar wiil iyo aabahooda oo aroos joogay, oo arooskii u bedeleen murugo”ayuu yiri Abuu Muscab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in meydka Ciidamada AMISOM uu sii caga cageynayo illaa kontameeyo, ayna jiraan ciidamo wabiga isku tuuray oo qaarkood looga daba tagay, waxaana uu intaa ku daray ciidamadii boqolaalka ahaa ee xerada ku sugnaa ay yar tahay inta ka bad baaday weerarkaas.

Weerarkan ayaa ahaa kii labaad oo noociisa ee Al-Shabaab ku qaadaan xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, waxayna aheyd bishii Ramadaan horaanteeda, markii Al-Shabaab weerar ay ku laayeen in ka badan 50 askari ku qaadeen Xero Ciidamada Burundi ku lahaayeen de-egaanka Leego.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda oo gurmad ahaan uga yimid dhinaca Shalanbood ayaa la sheegay in qarax lagula eegtay agagaarka deegaanka Buufow, wax aana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in Al-Shabaab ay joogaan deegaanka Jannaale.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, sanad kadib geeridii hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane Abuu Zubeyr. Kaa soo lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka leeyahay

CIIDAMADA ITOOBIYA OO LAGU EEDEEYAY INAY DAD SHACAB AH KU LAAYEEN GOBOLKA GALGADUUD

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika Amisom, ayaa lagu eedeeyay in ay dad shacab ah ku dileen deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Nabadoon Cali Faarax Kheyre oo ka mid ah Odayaasha deegaanka Ceel Qooxle , ayaa she egay ciidamada Itoobiya inay dileen Afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimiin deega anka laga garanaayay.

Wuxuu sheegay dilka ciidamada Itoobiya ay u geysteen dadkaan shacabka inuu ahaa mid bareer ah oo ciidamada ay ku kaceen, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa ciidamada Itoob iya inay laayaan dad shacab ah.

"Ciidamada Itoobiya ayaa dishay Afar Qof oo Laba ka mid ah Macallimiin ahaayeen, ciida mada itoobiya ayaa aroortii soo weeraray deegaanka, ula jeedka ay u dileena lama garanaayo, deegaanka Al-shabaabna ma joogto, waa gardarrada qaawan ee Itoobiya ay dalka ka wado.” Ayuu yiri Nabadoon Cali.

Nabadoon Cali Faarax Kheyre, waxa kale uu sheegay ciidamada Itoobiya inay xir xireen 11 Odayaasha deegaanka ah, ilaa haddana aanan la aqoon sababta ay u xireen Odayaashaasi.

Ciidamada Itoobiya ayuu sheegay inay geystaan falkii ay doonaan, iyadoo uusan jirin cid si rasmi ah ula xisaabtamaysa, maadaama ficilada ay geysanayaan ay yihiin kuwa aanan loo dul qaa dan karin.

Ma’ahan falkii ugu horeeyay ee ciidamada Itoobiya ay geystaan , deegaanka Halgan ayeey ciidamada Itoobiya ka geysteen dil ay u geysteen shacab gaari saarnaa.

QARAX QASAARO GEESTAY OO KA DHACAY WAQOOYI GALBEED DALKA PAKISTAAN.

Qarax xoogan ayaa lagu weeraray waqooyi galbeed dalka pakistaan gobolka dhaca ee Khyber.

Inta la xaqiijiyey qaraxaasi waxaa ku dhintay 6 ruux iyadoo ay ku dhaawacantay 31 kale.

Qaraxaan ayaa ka dhacay degmada Jamrud, ee gobolka Khyber ee waqooyi galbeed dalka Pakistan , waxaana fuliyey qof naftii hure ahaa.

Shahab Ali Shah oo maamulka Khyber ka midaa ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxani lala eektay gawaari ay la socdeen boolis oo marayey degmada uu qaraxa ka dhacay shalay .Cii danka dalka Pakistan kuwaasi oo marayey gobolka Khyber . cid sheegatay ma jirto masuuliyada qaraxani

MAAMULKA GALMUDUG OO KU EEDEEYAY MAAMULKA PUNTLAND ABAABULIDDA DAGAALLO BEELEEDYO KA DHACA GOBOLKA MUDUG

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug aweys Cali Saciid ayaa ku Eede eyey Wasiirro iyo Xubno Sar Sare oo ka tirsan Maamulka Puntland inay Qalaanqal siyaasadeed iyo abaabulidda Dagaallo beeleedyo ay ka wadaan Deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug

Waxaa uu sheegay inay Xubnahaan Ka tirsan Puntland ay warbaahinta ka sheegeen inay Ka la xirayaan Fariisimo ciidanna ay ka sameeynayaan deegaanada ay wada daganyihiin Shacabka Ka soo kala jeeda Labada MMaamul ee Puntland iyo Galmudug Ciidamo ka tirsan Puntland ayuu sheegay Gudoomiye Aweys

in haween ay ku rasaaseeyeen deegaanada miiga ah ee gobolka mudug Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Mudug isagoo hadlaya Waxaa uu sheegeay in ka galmudug ahaan aysan diyaar u ahayn Dagaallo iyo Co-aado ka dhaca Gobolka Mudug Shacabka labada Dhinac ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda isagoona sidoo kale dadka uu sheegay inay Colaad hurinta wadaan ugu ba aqay inay ka waantoobaan arintaasi isla markaana ay joojiyaan abaabulka Dagaal ee ay wadaan sida uu hadalka u yiri Maamulada Puntland iyo Gal mudug oo ah laba Maamul oo darisa ayaa wax aa ka dhaxtaagan muran ku salaysan dhainaca xuduudda kala qeybisa maamuladaasi

AL SHABAAB OO DIGNIIN U JEEDIYAY HOTEELADA QAAR EE MUQDISHO

Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen Hoteelada qaar ee Magaalada Muqdisho in lagu haayo falal ka baxsan Diinta Islaamka, Hoteeladaasina ay yihiin kuwa lagu tunto.

Wakiilka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) ayaa sheegay Magaalada Muqdisho inay ka socdaan waxyaabo anshax darro ah oo xilli gaan aanan la daawan karin.

Wuxuu sheegay Hoteelada qaar ee Magaalada si joogto ah in loogu tunto, sidoo kalena Xee bta Liido ee Magaalada Muqdisho hablo iyo wiilal ay kuwada qubeystaan, isaga oo intaasi ku daray dhammaan arrimahaasi inay yihiin wax aanan la daawan karin oo muhiim ay tahay in wax laga qabto.

"Waxaan leenahay dadka Muslimiinta ah haka digtoonaadaan caruurtoodana haka ceshtaan cid ala cidii arintaasi ku howlan waxaan u arkeynaa cadowga soo duulay inay qayb ka yihiin Insha Allah gacantana kama laaban doono, waan la dagaalamaynaa cid waliba oo fasahaadka ay wa-daan la celin waayo waa lala dagaalamayaa.” Ayuu yiri Wakiilka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir.

Sheekh Cali Jabal ayaa ku hanjabay dadka ku howlan arimaha anshax xumada ah ee ka socdaMagaalada Muqdisho, haddii ay joojin waayaan inay la kulmi doonaan tallaabo adag oo Shabaab ay ka qaadi doonaan dadkaasi, gaar ahaan wuxuu digniin u diray Hoteelada qaar ee Mag aalada Muqdisho.

Hadalkiisa wuxuu intaasi ku daray Sarkaalkaan Shabaab ka tirsan inay ka war hayaan Hay ’ado dhaqaalo ku bixiya waxyaabo anshax xumo ah in laga geysto Magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay culimadda Soomaaliyeed inay ka hadlaan arimahaasi.

Al Shabaab ayaa horay weeraro kala duwan waxa ay uga geysteen Hoteelo iyo Xarumo Dow ladeed oo ku yaallo Magaalada Muqdisho.

XUBNO KA SOCDAY IGAD OO GAARAY MAGAALADA BAYDHABA

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaa shalay gaaray wufuud ka socotay urur gobaleedka IGAD, iyaga oo lagu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Wafdigaan waxaa ka mid ahaa u qaabilsanaha Ururka IGAD ee xafiiska nabadeynta iyo wa da hadalka Korneel Gabre iyo Jamaac Axmed Ibraahim oo xafiiska IGAD ee magaalada Muqdisho ka socday.

Xubanahaan ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ay ka wada hadleen arrimo ku aaDdan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Kulankaan oo albaabada u xirnaa ayaa saxaafadda waxaa si wadajir ah ula hadlay, Cabdul laahi Xaaji Xasan oo ka socday Hay’adda CRD, Jamaal Axmed Ibraahim oo IGAD matalayay iyo sidoo kale wasiirka arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa ay sheegeen in xubanahaan ka socda IGAD ay uljeedka ugu weyn ee magaalada Ba ydhaba u tageen tahay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha lagu soo xulayo xildhibaanada baarlam aanka Koonfur Galbeed.

Waxa ay sheegeen waxgaradka ay la kulmeen inay u sheegeen in howsha ay tahay mid dhamaad ku dhaw.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip