
Farmaajo "Waa in Al-Shabaab laga xiraa dhamaan ilaha ay dhaqaalaha ka hesho"
"Kooxaha ka soo horjeeda dowlada ma sii jiri karaan haddii aad taageero ka haysato shacabka waana taas tan looga baahan yahay dowlada Soomaaliyeed inay xooga saarto”ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale mar uu ka hadlayay inuu sanadka 2016 isa soo sharixi doono iyo in kale ayuu sheegay in marka la gaaro waqtiga doorashada uu mowqifkiisa soo bandhigi doono.
Al-Shabaab ayaa la ogyahay in balaayiin Shilling ah ay ka soo gasho dhuxusha loo iibgeeyo wadamada dibada, ayna lacago faro badan ka qaado deegaanada ay maamusho sida uu qoray wargeyska Standard.
Warkan ka soo baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa ku soo beegmay, kadib markii dhowaan maxkamad ku taal dalka Maraykanka ay ku xukunta 15 sano oo xarig ah nin u dhashay dalka Kenya oo lagu helay dambi ah inuu lacago siinayay saddex urur argagaxiso caalamka u aqoonsan yahay, isla markaana dhalinyaro u dagaalanta ururadaas uu diyaarinayay.
Sida laga soo xigtey hay’ada dambi baarista Maraykanka FBI Mohamed Hussein Said oo ah 27 sano jir ayaa qirtay inuu taageero siinayay Al-Shabaab, Al-Qaacidada Ciraaq iyo ururka kale ee AQI/al-Nusrah Front oo xarunteedu tahay dalka Syria.
Waxaa ninkan lagu helay dambi ah inuu helay lacago uu u soo xawilay Gufran Ahmed Mohammed taasoo gaareysay $11,600.
Ugu dambeyn Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay si dhow ula shaqeyso xukuumada Kenya haddii la doonayo inuu guuleysto dagaalada lagula jiro Al-Shabaab.
Farmaajo "Waa in Al-Shabaab laga xiraa dhamaan ilaha ay dhaqaalaha ka hesho"
Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga xiro Al-Shabaab dhammaan ilaha dhaqaalaha ka soo galo. Farmaajo oo wareysi siiyay isagoo ku sugan magaalada Nairobi mid ka mid ah warg