Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Cismaan Jayte, ayaa madasha ka sheegay dhibaatooyin kala duwan inay haystaan ciidamada ku sugan Gobolka Hiiraan.
Waxa uu sheegay ciidamada inay ku shaqeeyaan Mushaar la’aan iyaga oo naftooda u hurayaan suggida ammaanka iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa balan qaaday inay ku dadaalayaan sidii ay u bixin lahaayeen Mushaaraadka ciidamada.
Waxa uu kula dar daarmay ciidamada Maamulka Hirshabelle inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhaca dhexdooda ah iyo inaysan si wanaagsan ugu adeegin Bulshada.
Ciidamada Nabad Suggida ee maanta tababarka loo soo xiray ayaa waxaa loo qaybin doonaa dareeska ciidanka iyo hubka, waxaana ay guda geli doonaan shaqada loo soo tababaray.
Madaxweynaha Hirshabelle oo ciidamo tababar ugu soo xiray Magaalada Baledweyne (SAWIRRO)
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Baledweyne wuxuu tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Maamulka Hirshabelle.