Al-shabaab oo shaaciyay magaca ninkii isku qarxiyay Hotel Peace ee magaalada Muqdisho

0
Thursday January 05, 2017 - 09:55:27 in Wararka by
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo shaaciyay magaca ninkii isku qarxiyay Hotel Peace ee magaalada Muqdisho

    Ururka Alshabaab ayaa shaaciyay magaca qofkii waday gaarigii lagu qarxiyay Hotel Peace ee magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in weerarkaa ay ku dileen 30 ruux oo ay ku jireen saraakiil ajaaniib ah kuna dhaawaceen 45 kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Alshabaab ayaa shaaciyay magaca qofkii waday gaarigii lagu qarxiyay Hotel Peace ee magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in weerarkaa ay ku dileen 30 ruux oo ay ku jireen saraakiil ajaaniib ah kuna dhaawaceen 45 kale.

Al-shabaab ayaa ku sheegay magaca qofka isku qarxiyay hotel Peace oo ahaa bartilmaameedka weerarkii dhacay 2da Janaayo 2017 Maxamed Abuukar M. Calasow (Ahlu Sufa) oo ka soo jeeda Beesha Abgaal Jufada Daa’uud.

Warar ay heshay shabakada Jowhar.com ayaa xaqiijinaya in Maxamed Abuukar Calasow uu ku noolaa degmada Balcad ka hor inta uusan ku biirin Alshabaab.

Hase yeeshee ururka Alshabaab ayaan soo bandhigin magaca qofkii waday gaari ku qarxay bar koontarool oo ku dhow Hotel Peace ee magaalada Muqdisho kahor inta aan lagu qarxin gaari weyn darbiga Hotel Peace.

Weerarka qaraxa ee lagu qaaday hotel Peace ee magaalada Muqdisho ayaa dowlada Soomaaliya waxa ay ku sheegtay inay ku dhinteen 3 ruux iyadoo shalay laga soo saaray burburka guri dad shacab ah ay degenaayeen labo ruux oo meyd ah.

Alshabaab ayaa ku soo qoray bogaga taageera; "Weeraradan waxa ay ahaayeen kuwo mataano oo midka koowaad lagu dhuftay bar koontarool oo ay joogeen Ciidamada Nabad sugidda, kaas oo qaraxii labaad u fududeeyay in uu gaaro Hotelka.

"Qofka labaad ayaa isna gaariga ku dhuftay Hotelka Peace oo ahaa hadafka asalka ah ee ay joogeen saraakiisha AMISOM iyo shaqaale katirsan Qaramada Midoobey”ayaa lagu sheegay qoraalka.

Weerarka qaraxa ee lagu qaaday Hotel Peace ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee Alshabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho waxaana lagu tilmaamay qaraxii ka dhacay Hotel Peace inuu ahaa mid ka mid ah qaraxyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca Muqdisho.

XIGASHO;-JOWHAR.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip