
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTAN OO AXAD 1-DA AJNNAAYO 2017-KA
Ganacsade Bashiir Raage ayaa ka dha waajiyey inuu isu soo taagay inuu qabto xilkaasi inay tahay inuu yahay muwaadin xaq u leh inuu qabto jagadaas, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay wax ka qaba shada dalka ee dhinayo badan oo uu she egay in ay yihiin kuwa aan la eegan Karin bulshada iyo dalka dayacaadda baahsan ee heysta .
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay aqoonta iyo waaya aragnimada uu u leeyahay howlaha maamul ee dalka iyo sida dadka looga adigeekaro Si doo kalena uu sheegay inuu yahay nin wa xaqabad muuqdo ka sameeyey dalka haatanna diyaar u ah inuu dhibaato badan oo jirto dalka iyo dadka wax uga qabto.
Siyaasigaan ayaa misna ah ganacsade weyn oo ku howlan howlaha dalka waxaa a is sharixidiisa ay ku soo beegmeysaa iy adoo haatan ay jiraan rag badan iyo weliba haween isu soo taagay jagada ugu sareysa ee hoggaanka dalka si ay u hoggaamiyaan iyadoo weliban ay haatan ka harsan tahay xilli kooban.
Gancsatada musharixiinta ah ayuu sii kordhiyey,Ganacsade Bashiir Raage iya doo haatan dalka mareykanka uu jagada hoggaanka sare ee dalkaasi uu qabtay ku na guuleystay nin ganacsade ah oo la yiraahdo Mr.Donaltroum, kaasoo waddo cusub u furay ragga aan siyaasadda baran waliba oo taa jiriin ta ah waxaana isa soo taraya ganacsada hoggaanka dalka Soomaaliya Xillgaan u hanqal taageya iyadoo aan la ogeyn cidda guuleysan doonto waxaan la filan karaa inay ka sii bataan baryahaan maadaama waqtigii looga tala galay in xilkaasi lagu tartamo muddo kordhin lagu sameeyey kuwii horey u shaac iyey bilooyin ka hor ay niyad jabeen haatanna kororka musharixiinta laga yaabo in rag badan ay candhuuftooda dib u liqi doonaan maadaama nin siyaasadda iyo ganacsigaba wax ka yaqaan uu hawada soo galay
KHILAAFKII BAARLAMAANKA & XUKUUMADDA OO BILOWDAY. XILDHIBAANADA AQALKA SARE MUSHAAR MALAHA!
Xildhibaanada Labada Aqal ee Baar-lamaanka Somaliya, ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii cod ku dii day miisaaniyadda sanadkan cusub ee 2017, ka dib markii uu horgeeyay Wasiirka Maaliyadda, Max amed Aadan Ibraahim (Fargeeti).
Wasiirka Maaliyadda, ayaa Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo midka Sare-ba ugu baaqay in ay ansax iyan miisaaniyadda, oo ay soo diyaarisay Wasaaradiisa.
Xildhibaanada oo ku kala ra’yi duwanaaday miisaaniyadan, ayaa waxaa loo baahday in codka kalsoonida loo qaado, iyadoona ay badankoodu ka horyimaaden.
Xildhibaanada, ayaa Xukuumadda Muqdisho ku khasbay in saddexda bilood ee hore ku sha qayso miisaaniyaddii 2016. Wasiirka waxaa laga dhadhansan karay in uu ka carooday diidmada Xildh ibaanada.
Wasiir Fargeeti, ayaa tilmaamay in sida uu sharcigu yahay, ay Xukuumadda ku shaqayn doonto miisaaniyaddii 2016, saddexda bilood ee soo socota.
Wasiir Fargeeti, ayaa Xildhibaanada u sheegay in tani ay meesha ka saareyso mushaaraadkii Xildhibaanada Aqalka Sare, haddii aanay iyagu jirin xilligii uu Baarlamaankii hore meelmarinayay miis aaniyadan.
Xildhibaanada Labada Aqal, ayaan wax dheg jalaq ah u siinin cabsi gelinta ka soo yeertay Max amed Aadan Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
MA OGTAHAY…..( MA IGA HUBTAA?)
A—Ma ogtahay in xuduuda somaliya iyo itobiya,dadka bad an kiisu ku muujiyaan xariiq toosan, laakin ay khalad tahay,oo la gu muujiyo xariiq kala go’go’an.(-.-.-.-.-.-.-) sabata oo ah adaxw eeynihii hore Adan Cabdulle Cuman Daar, waa diiday
Inuu saxi ixo heshiiskii xud uudaha Afrika ee OAU soo jeedisay Ma ogtahay in had da itobiya ku dacweeysay shirkada .GOO GLE oo diiday in ay aqo onsato xuduud beenaad kaa(((According to Goo gle Maps, the boundary bet we en Ethio pia and Somal iya is not a done-deal and is shown as a disputed border and not an interna tional boundary))).
Ma
Ma iga hubtaa in shirarkaa aan lagu badalin go’aankii Adan Cabdulle? Yaase noo ga qayb galay?
B—Ma
Ma ogtahay in dowladii Adan cabdulle ay diiday in NFD ma rna loo aqoonsado qa yb kenya ka mid ah,ayna ku qasabtay in 2 sanno xurayada kadib uu xiriirka u jaro dal kana ka eriday safiirkii ingr iiska. Ma ogtahay in markii Adan Cabdulle xilka laga qaaday dhowr bilood kadib Kenya lala saxiixday heshiiskii Car uusha. Ma ogtahay in kaa la fiisu uuna eheeyn heshiis ee uu ah aa Isafgarad kaliya, waxa uu sharci noqon lahaa
haddii baarlamaanku ansaxiyo,laakin intaanan la hor keenin Ba arlamaankii ayaa kaca ankii dha shay.ma ogtahay in Max amad siyad Bare uu go’aan ka soo saaray asaga oo yiri: is afg araad kaa waa la baabiyay ,sharcina ma ahan kumana qanacsan in…halkaana uu ku baaba’ay is afgaradkii arr inta shanta somal ina waa muqadas sid aana uu u sheegay Juma Kenyatta. laakin dadka qaar oo si qaldan wax u fahmay ay aa u heeysta in arrintii NFD ay u dhamaatay.
((In 1967, Zambian President Kenneth Kaunda mediated pe ace talks between Som ali Prime Min ister Mohamed Egal and Kenyatta. These bore fruit in October 1967, wh en the govern ments of Ke nya and Somalia signed a Memorandum of Underst anding (the Arusha Memorandum) that result ed in an official ceasefire, though regional sec urity did not succeed until 1969. [16][17] After a 1969 co up in Somalia, the new military leader Mohamed Siad Barre, abolished this MoU as he claimed it was corrupt and unsatisfactory.)) Ma iga hubtaa in aan Adan Cabdu lle iyo Maxamad siyad ka dib wax kale la igu sax iixin?FG: wax aan ka xumahay in aanan FB ku qori Karin qoraalo dhaadheer andna aadan waqti aad ku aqriso u heleeyn. Laakin waxaan bil aabi doonaa qoraala gagaab an oo googoos ah lehna tix raac, Cinwaankooduna yahay ( Ma Ogtahay) si jiilka cusubi wax uga ogaadaan,Insha Allaah. Haddii aadan daneeyneey ha Aqrin. QORE: YAHYA AMIR
BAARLAMAANKA OO ANSIXIYAY LACAGAHA AY BIXINAYAAN MUSHARIXIINTA GUDDOONKA BAARLAMAANKA IYO MADAXWEYNAHA
Kulan shalay ay yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka cus ub ee FS ayaa ka dooday arimo b adan oo quseeya doorashooy inka gaar ahaan lacagaha laga qaadayo Musharaxiinta xilka Guddoon ka Baarlamaanka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha.
Baarlamaanka ayaa dood dheer ka dib waxa ay ku ansixiyeen in Musharaxiinta u taagan xilka Ma daxaweynaha Soomaaliya la ga qaado lacag dhan 30 kun oo Dollar halka Musharaxiinta u taa gan Guddoomiyaha Baarlamaanka laga qaadayo 15 kun oo Dollar. Qiimaha ay shalay ansixiyeen xil dhibaanada Baarlamaan ka ayaa la mid ah kuwii ay hore hogaamiyaasha Madasha Wa datashiga Qaran ayaa u soo saareen, Kulanka baarlamaanka shalay ayay xildhibaanada waxa ay ku diideen in guddiga doora shooyinka dadban ay ka mid noqdaan dadka kormeeraya doora shada madaxtinimada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa waxaa uu ansixiyay in mu sharaxa Madaxweynaha uu la yimaado illaa 20tan xildhibaan sa xiixooda waxaana xildhibaan walba loo oggolaaday in uu saxiixi karo saddex musharax.
Kulankii baarlamaanka Aqalka Sare ayaa la isku raacay in ay kulankooda ugu horeeya ay yeelan doonaan marka la soo dham aystiro senatarada gobolada waqooyi ka imaanaya oo doorasha dooda dhowaan la qabanayo. Xildhibaanada baarlamaanka ay aa shalay waxa ay dib u celiyeen qorshe ay ku dooneysa dowl ada Soomaliya gaar ahaan wasaarada Maaliyada in lagu ansix iyo miisaaniyada 3-da bilood ee soo socota.
Wasiirka Maaliyada dowlada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti oo hor yimid baarlamaanka ayaa dib loogu celiyay wax ayna xildhibaanada baarlamaanka ka dalbadeen inuu soo ban dhigo xisa abcelinta qarashaadkii miisaaniyadii ugu dambeysay ee ay baarlamaanka ansixiyeen. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay inaysan wasaarada maaliyada bixin mushaaraad ka ciidamada iyo we liba mushaarka shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliyeed. Kulankiishalay ayaa sidoo kale la isku raac ay in la doorto gu ddi ka kooban 25 oo noqon doona guddiyada doora shooyinka iyadoo la isku raac ay in kulan manta ay yeelanay aan baarlamaan ka guddigaas la doorto.
BAN KI-MOON OO XALAY XILKA KA DEGAY
Ka dib 10-sano oo uu ahaa hoggaanka sare ee Q/M Ban Ki-moon oo ka tagaya xafiiska Xoghaya ha Guud bilowga sanadka cusub oo ku beegan habeenimada xalay. Ban Ki-moon oo hadal jeedintiisii ugu dambeysay Jimcihii 30, December ka jeediyay QM ayaa diblumaasiyiinta u sheegay "shalay oo ku beegan bil owga sanadka cusub wax waliba way is badalayaan, marka ay dadku u dabaaldagaya an sanadka cusub, waxaan ka qeybgali doonaan xafladda buufin tuurka ee ka dhacaysa Times Squ are.”
Waxa uu kula dar daarmay saaxiibadiisii dhanka shaqada iney xoogga saaraan xuquuqda iyo shar afta aadanaha. Xoghayaha Guud ee QM.Ban Ki-moon ayaa shaqadiisu ay ku ekeyd xalay 12-kii saq dhexe bilowga sanadka cusub, isagoo 10 sano ka dib xilka ugu ek yahay waxaa ka bedeli doona xog hayaha cusub ee dhawaan la doortay Antonio Guterres oo u dhashay dalka Port u gal. Waxan banki moon uu xilka qabtay 20107-dii isagoo belay Mr.Koofi anan waxana la filayaa inuu banki moon isu sharaxo madaxweynaha k/kuuriya
AKADEEMIYO-GOBOLEEDKA AF-SOOMAAL IGA OO ABAALMARINNO GUDOONSIISAY GOL AHA ABWAANADA SOOMAALIYEED
Kulan-aqooneed ay soo qaban-qaabis ay Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaal iga (AGA) kuna ab aal-marineysey Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay M/Muqdisho shalayoo ahayd 30-kii bishii Disember 2016, Halku dhegga kul anku wuxuu ahaa Sida Af Soomaaliga iyo Hal-abuurk iisu Horseed ugu Noqon kara an Nabad-raadinta iyo xumaan-diidka.
Munaasabaddii kulankaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay waxgarad fara badan oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaaaliya, Siyaasiyiin kale, madaxda iyo hawl-wadeenada Aka deemiye-Goboleedka Af-Soomaa liga,ab waannadii ka soo qayb qaatay ergo-nab adeed dhaw aan colaad-damis u tagtay magaalada Gaalkacyo, masuuliin kala matalayey Akadeemiyada Cilmiga iyo Fan ka,haweenka Gobolka Banaadir, ururrada saxaafadda, aqoonyahano ma daxbanna an, fannaaniin iyo marti-sharaf kale oo aad u fara badan.
Kulanka waxaa khudbad aad u qiime ba dan ku furay Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga Dr.Maxamed Daahir Afrax oo si qoto dheer uga warra may ujeeddadii laga lahaa qa bashada kul an-suugaaneedkaas,Wuxuu qeexay Aka deemiye-Goboleedku ujeeddooyinka ay kulan ka u abaabushay inay ugu weyn yih iin iftiiminta sida Af-Soomaaliga iyo hal-ab uurkiisa suugaa need ay u noqon karaan horseedka nabadda iyo horumarka, Uja addada 2 aad waxay ahayd qiimayn iyo abaal-marin ay AGA siisay abwaannadii iyo aqoony aha kii ka qayb qaatay ergo-nabadeeddii lagu da minayey colaaddii ka dhex taagn ayd labada maamul ee walaa laha ah ah, Puntland iyo Galmudug, ergo-nabadeedd aasoo ay iska kaashadeen Golaha Abwa annada iyo Akadeemiye-go boleedka laga na soo hooyey guul taa riikhi ah.
Ujeeddada saddexaad ee kulanku wa xay ahayd gunaanad iyo sagootis sannad ka dhammaanaya, 2016 iyo gaba-gabayn waxqabadkii badnaa ee ay AGA sannad kaas kaga hawl gashay magaalooyin ba dan oo kala duwan, sida Muqdisho, Hargeysa, Baydhabo, Boosaaso, Garoowe, Jig jiga, Jabuuti, London, Minneapolis oo Mar aykanka ah iyo meelo kale, Guddmiyuhu wuxuu xusay in AGA loo aqo onsaday Ha ya’ddii sannadka 2016, taasoo ay ku mu taysatay dadaalkii badnaa ee ay ugu gun tatay daryeelka iyo horumarinta afka hoo yo. Prof. Afrax khudbaddiisa oo dhnicyo ba dan taabanaysey wuxuu ku soo gunaan adey dardaaran ka kooban dhawr qodob: Degaannada colaaduhu ka taagan yi hiin wuxuu ku boorriyey in laga waantoobo colaadda sokeeye ee hore loogu jabay, la gana dhabeeyo oo la ixtiraamo heshiis yadii la gaarey, cid kastoo waxgarad ahna wuxuu ugu baaqay in la iska wada xil saaro nabadaynta dalka. Dhanka kale, wux uu magaca Akadeemiyada waxgaradka Soomaaliye ed ugu baaqay in laga wada qayb qaato gurmadka abaaraha, laguna baraarugo qiimaha afka hooyo iyo kaa linta hormuudnimo ee hal-abuurka suug aanta.
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Abw aanada Soomaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed ayaa soo bandhigay wa rbixin ka hadlaysa socdaalkii ergadii nab adeed ee ka socotay golahooda iyo AGA iyo sidii ay ugu soo guulaysteen daminta colaadii M/Gaalkacyo, masuuliyiintii kale ee munaasabadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa G/Akadeemiyada Cilmiga, Fan ka iyo Suugaanta C/qaadir Nuur Xu seen (Maax), G/Haweenka G/Banaadir Jawaah ir Maxamed Baarqab iyo Siyaasi Cali Ca bdi Awaare waxayna dhammaantood bo gaadiyeen, si diirana u soo dhaweeyeen dadaalkii ay AGA iyo Golaha Abwaanada u galeen daminta dagaaladii Gaalkacyo.
Prof. Mustafa C/laahi Feyruus oo ka mid ah maqaawiirta AGA ayaa wuxuu si qota dheer uga hadlay kaalinta horm uudnimo ee suugaanta Soomaaliyeed ka qaadato guud ahaan sama-taliska gaar aha anna daminta colaadaha, Gunaanad kii kulankaasi waxaa hadallo isugu jiray ta ageero, talo soo jee din, guubaabo iyo bal lanqaad halkaasi ka soo jeediyey Xildhib aan Khaalid Macow C/qaadir iyo Xi ldhiba an Maryan Cariif Qaasin oo iyadu ka mid ah madaxda Akadeemiyada AGA.
Gabagabadii kulanka, in kabadan 20 xubnood oo isugu jirey abwaano iyo aqo onyahano ayaa Aka deemiye-Goboleeddu waxay ku abaal-marisay shahaado Shar afyo ay ku mutaysteen sidii geesinim da lahaydoo ay ugu gurmadeen walaalahoo da colaadda la dhex dhigay ee Gobolka Mudug. Dhanka kale waxaa kulan aqoon eedkaasi oo ahaana kulan-suugaaneed la gu daawadey suugaan ka koobn eyd he eso wadani ah, gabayo wacyigalin ah iyo shirib baraarujin ah, kuwaasoo dhamma antood dad ka ku baraarujinayey qiimaha nabadda iyo waddaniyadda.Munaasab ad aasi oo aheyd mid aad loo jecleystay ay aa waxay ku soo gaba-gab owdey jawi wanaagsan.
MAREYKANKA OO SHEEGAY IN DUQEYN KU DILEEN SARKAAL SARE OO KA TIRSAN AL-SHABAAB
Dowladda Mareykanka ayaa ka hada shay duqeyn Isniintii lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Jub bada Dhexe, waxaa na duqeyntaasi Mareykanka uu sheegay in sarkaal sare lagu dilay.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeynta ka dhacday meel ku dhow de gmada Saakow ee G/Jubbada Dhexe.
John Kirby, xoghayaha difaaca Mareykan ka ayaa sheegay in ciidamadooda ay bee gsadeen saraa kiil ka tirsan Al-shabaab ku waasi oo ku sugnaa gobolka Jubb ada Dhexe.”Waxaan Beeg sanay Sar kaal sare oo ka tirsan Al-Sha baab , howlgal kaasi waxaa fuliyay diyaar adaheena da gaalka , laakiin ma xaqiijin karo in uu jiro khas aare soo gaaray dadka shacabka ah.” Ay uu yiri John Kirby.
Sidoo kale Mr Kirby, ayaa sheegay in howlgalkaasi ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ma uusan sheegin magacyada saraaki isha Al-shab aabka tirsan ee lagu dilay duqeyn ta asi, laakiin wuxuu sheegay in todobaadyada soo socdo ay shaacin doonaan. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqey no kala duwan ka geystay gudaha dalka Soomaaliya.
21 RUUX OO KU GEERIYOOTAY QARAXYO MATAANO AH OO KA DHACAY SUUQ KU YAAL CAASIMADA BAGHDAD
Ugu yaraan 21 ruux ayaa ku geeriyoo tay 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax yo mataano ah ay ka dhaceen Suuq ganacsig oo ku yaalo Bar tamaha Caasimada dalka Ciraaq ee Baghdad, sida Saraakiisha ay sheegeen. Qar axa ayaa ka dhacay goob ka mid ah Su uqa oo lagu iibi yo qalabka Gaadiidka, Si da laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan ciida mada Booliska dalka Ciraaq.
Majirto cid sheegatay masuuliyada qara xaan Khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay caasimada dalka Ciraaq. Qaraxya da ka dhaca dalka Ciraaq ayaa inta bad an waxa ay dhibaato ka soo gaarta dadka shacabka ah, iyadoo bartilmaameedka uu yahay Askar ka tirsan Dowladda. Mid ka mid ah qaraxyada dhacay ayaa waxaa la sheegay inuu isku soo xiray ruux isa soo miidaamiyay, kadibna uu halkaasi ku qar xay, sida laga soo xigtay Wasaarada Arim aha Gudaha dalka Ciraaq.Qaraxa kale ay eey Saraakiisha u sheegeen inuu ahaa waxyaabaha qarxa oo la geliyay meel aan an sidaasi kaga fogeyn goobta qaraxa Ismiidaaminta ah ay ka dhacday.
ASKARI SHALAY TOOGASHO KU DILAY TALIYE KU-XIGEENKII ILAALADA MADAXTOOYADA
Askari tirsan ciidamada dowlada Soom aaliya ayaa shalay ku dilay xarunta mad axtooyada Villa Soomaaliya taliye ku-xig eenkii ilaalada madaxtooyada oo magaci isa lagu sheegay Cabdi Qoorgaab.
Waxaa sidoo kale toogashada sarkaal ka ku dhaawac may askar kale oo ka tirsa naa ciidamada sida ay warbaahi nta u she egeen dad ka agdhawaa halka falka dilka ah uu ka dhacay.
Ciidamada nabad-galy ada ayaa markii bagacanta ku dhigay ask ariga togasha da geystay oo ilaa iyo hadda aan la oge yn sababta uu u dilay sarka alka. Ma jiro wali wax war ah oo ay arintan ka soo saa reen laama ha amniga dowlad da, gaar ah aan madaxtooyada Soomaali ya oo uu ka tirsanaa.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO LA KULMAY DANJIRAHA TURKIGA U FADHIYA SOMALIYA
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jo oga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa shal ay waxa uu kulan kula qaatay M/ Muqd isho danjiraha Dowladda Turkiga u fadhi ya Soomaaliya.
Kulankan oo kadhacay xarunta safaara da Turkiga ee M/Muqdisho ayaa waxaa madaxweynaha iyo danjire Oglan Bekar kaga wadahadleen arrimo la xiriira xiriirka soojireenka ee Puntland iyo Dawla dda Turkiga, mashaariicaha hurumarineed ee Dawladda Turkigu ka fuliso Puntland iyo abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland.
Sidoo kale Md.Gaas ayaa Danjiraha D/Turkiga uga xog waramay xaaladda ab aareed ee ka jirta Puntland, islamaarka ana waxa Md.Gaas uu tibaaxay inay mu hiim tay in laga arrinsado sidii looga wada qayb qaadan lahaa Gurmadka loo fidin aayo dadka abaaruhu sameeyeen, gees ta kale Md. Ga as ayaa kala hadlay safiir ka mashaariicaha horumarineed ee ay Dawladda Turkigu ka filiso Puntland iyo si dii loo sii horumarinlahaa loona dardar gel in lahaa.
Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr.Oglan Bekar ayaa dhanki isa sheegay inay diyaar u yihiin horumarin ta iyo xoojinta xidhiidhka 2da Dhinac.
Dhinaca kale Mr. Oglan Bekar ayaa ca deeyey inay Gacan ka gaysan doonaan gurmadka abaar eed ee lagu caawinayo dadka abaartu waxyeelaysay ee reer Pu ntland, sidoo kale danjiraha ayaa til maam ay inay diyaar u yihiin horumarinta ma shaaricaha horumarineed ee Dawladda Turkigu ka fuli yaan Dawladda Puntland.
PUTIN OO DIIDAY INUU ERYO DIBLOMAASIY IIN MAREYKAN AH
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuusan eryeyn dibloma asi yiin reer Mareykan ah oo Ruushka jooga kadib dhacdadii lagu soo eryay 35 diblo maasi oo Ruush ah. Mareykanka ayaa soo eryay diblomaasiyiintaa kadib markii uu sheegay in dawlada Ruushku faraga liyeen doorashadii Mareykanka ee dhawa an dhacday.
Wasiirka arimaha dibada ee Ruushka ayaa madaxweynaha usoo jeediyay in uu diblomaasiyiin Mareykan ah ceyriyo laaki in waa uu diiday. 'Dhibaatooyin ka dhan ah diblomaasiyiin Mareykan ah abuuri me yno. Qof aan eryeyno maleh'. Sidaa ayuu yiri Mr.Putin.
Madaxweyne Putin ayaa rajo ka qaba in madaxweynaha ladoortay dhawaan ee Mareykanka Do nald Trump uu xiriirka lab ada dal hagaajin doono markii uu xilka qa bto bisha soo socota.
ASKARI KENYAN OO KA TIRSANAA HAWLGAL KA AMISOM OO LAGU DILAY NAYROBI.
Sida lagu soo daabacay Wargeyska Na tion ee ka soo baxa Nayrobi waxaa mayd ka Askarigaasi shalay laga dhex helay gaarigiisa oo yaallay Deegaanka Dhismay aasha Umoja ee Nairobi. Goob joo gayaal ayaa u sheegay Wargeyska Nation in nIn kaasi uu labo Haween Khamri kula cabay ey Bara ku yaalla Umoja. Hadal ka soo ba xay Boliska ayaa lagu sheegay inay suu rto-gal tahay inay Haween kii uu la cawe ynayeen ninkaasi siiyeen Mukhaadaraad, ka hor intaysan tegin gurigaasi, kana soo dhi cin alaab badan.
Boliska waxay sheegeen inay haynin ra ad horseedi kara haweenkii geystay falka asi. Dhinaca kale, Mas’uuliyiin ka socday Ciiddanka Kenya ee KDF ayaa galabta te gay goobta uu yaallay maydka Askarigaa si. Waxayna xaqiijiyeen inuu Askarigaas bishii hore ka soo laabtay Hawlgalka AMI SOM ee Somaliya.
PUNTLAND OO SHEEGTAY INAY QABTEEN 2 QOF OO XANUUNKA AIDS-KA KU FAAFINAY AY GAROWE
Maamulka Puntland ayaa sheegay inay qabteen 2 ruux oo xanuunka HIV Aids ku faafinayay de egaanada Puntland gaar ah aan M/Garowe ee xarunta Puntland. Aga asimaha la dagaalanka xan uunka Aids-ka Dr C/raxmaan Saciid Dhagaweyne, ayaa warbaahinta u sheegay inay qabteen labo ruux oo kala ahaa haweeney iyo ruux rag ah oo xanuunka faafinayay, si ku talo gal ah. Hay’adaha ammaanka ayuu sheegay in 2daas ruux kasoo qabteen M/Garowe, wu xuuna sheegay in 2dooda la ogaaday in ay xanuunka qabaan ka dib baaritaan la gu sameeyay.Dr C/raxmaan Dhagawey ne, ayaa sheegay in 2da ruux la horgeyn doono cadaalada lana marsiin doono ca daalada, isagoo ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay ka shaqeeyaan sidii dad kaasi bulshada looga dhex qaban lahaa.
Agaasimaha ayaa ugu baaqay dhalinyar ada ku nool deegaanada Puntland ee do onaya inay is guursadaan inay marka ho re baaritaan guud ismarsiiyaan si xanuun ka looga feejignaado.
"Dadku aanu hayno waxaa kamid ah qof dumar oo aan Puntland u dhalan, taa soo qaad siiyay ilaa 3 rag oo ay guursa tay”ayuu yiri agaasimaha
MO FARAX OO LAGU DARAY DIIWAANKA DAD KA LA SHARFAY SANADKA CUSUB
Andy Murray, Mo Farah, Lee Pearson, Jessica Ennis-Hill iyo Katherine Grainger oo dhammaan la sharf ayAndy Murray, Mo Farah, Lee Pearson, Jessica Ennis-Hi ll iyo Katherine Grainger oo dhamm aan la sharfay
Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado ba dan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay. Mo Faarax oo ku guuleystay 10-ka kun ee mitir ,Waa riyo u rumowday Mo Farax oo uu doonayay mu ddo, sida ay sheegayaan dadka ku dhow. Biladaha uu ku guuleystay Mo Faraxm age captionbiladaha uu ku guuleystay Mo Farax
Mo Farax oo 33 sano jir ah, wuxuu hel ay laba bill adood oo dahab ah oo isku xi ga tartankii Rio, taas oo ah ayd guushiisii afaraad ee dahabka. Wuxuu noqday qo fka labaad ee keli ah ee dahab ka qaata tartamada Olimbi kada ee 5,000m iyo 10,000m.
In la sharfo waxay uga dhigan tahay in uu safarkii dheeraa ee uu u maray uu soo afjaray Mor Farax. Orod yahankan ayaa asigoo sideed sano jir ah galay dalka Brit ain, wuxuuna ka tagay Soomaaliya. "Dibu milicsiga wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yi mi ee halkan imaaday, kaas oo aan er ey English ah aqoon, ma saadaalin karin lah ayd inaan shalay meeshaan jooga ayo. Waa riyo rumowday,” ayuu yiri Mo Farax
SHARIIF XASAN SOO GAARAY M/MUQDISHO IYO KULAN UU KULA AYEELANAYO XILDHI BA ANADA CUSUB
Shariif Xasan Sh.Aadan, Madaxweyna ha Maamulka K/Galbeed, ayaa barqani madii shalay ka de gay Garoonka Aadan Cadde ee M/Muqdisho. Md.Shariif Xasan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, iyadoo soo dhawa yntiisu ay ka qaybgaleen Wasiiro, Xildhi baano, Siyaas iyiin iyo Odayaal Dhaqam eedyo.
Md.Shariif xasan oo Jimcihii gaaray M/Na yrobi ee Kenya, ayaa habeen hore ku ho yday Magaalad aasi,iyadoo shalay subax na u soo amba baxay dhinaca Caas imad da Dalka ee Muqdisho. Dhanka kale Shar iif Xasan Sh.Aadan, ayaa hoyga uu ka de gan yahay M/Muqdisho waxaa uu shalay uu qa do sharaf ugu sameeyay Xildhibaan ada 2da Aqal, ee laga soo doortay Deega anada K/Galbeed.
Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta K/Galbeed ka soo jeeda, ayaa sidoo kale la soo sheegaya in lagu soo casuumay qa do sharaftaasi. Shariif Xasan, ayaa M/Mu qdisho u yimid ololihiisa ku aad dan jega da madaxtinimada dalka, oo sida uu shee gay uu jeclaan lahaa inuu sanadkan noq do hoga amiyaha dalka.
Shariifka, ayaa Khamiistii sheegay in Muqdisho uu ka sii wadi doono ololihiisa musharaxnimada, kolka uu dib ugu laab to. Shariifka isla ayaa Khamiistii gaaray M/Addis Ababa, ka dib markii uu ka soo la abtay Cumro uu u tagey Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
MAXAA KA JIRA IN KULAN QARSOODI AH OO DHEXMREY MADAXWEYNE XASAN IYO SHARIIF XASAN AY KU YEESHEEN ADDIS ABEBA OO BURBURAY?.
Dhexdhexaadin ay DItoobiya garwad een ka ahayd ayey isugu keentay Sii-hay aha Xilka Madax weynaha DFS, Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynaha Maam ulka K/Galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan.
2daasi Hoggaamiye waxay Kulan qaa tay muddo 6 saacadood ku yeesheen M/ Addis Abeba, wux uuna Md.Xasan Sh.ka dalbaday Shariif Xasan looga dalbaday inuu uga tanaasulo Murashaxnima diisa Madaxweynenimo.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Radio Dalsan u sheegay inuu Shariif Xasan ka gaabsaday codsiga uga yimid Sii-hayaha Madaxweynaha DFS oo uu kaga dalbad ay inuu isaga u tanaasulo iyo inuu Sha riif Xasan isku soo sharxo doorashadda Gud doomiyaha Barlamaanka Federalka oo la gu wado inay dhacdo bisha Janaayo 5-da ee sanadka 2017-ka. Markii uu Kulanka 2daasi Hoggaamiye fashilmay ayuu mid kasta ka soo dhoofay Addis Abeba, iya doo Madaxweyne Xsaan ku soo laabtay Muqdisho, halka Shariif Xa san uu ku har ay M/Nayrobi. Waa Isku-daygii 2aad ee ay D/Itoobiya ku dhexdhe xa adinaysay 2daasi Hoggaamiye , iyadoo la filayo in Doorashadda Madaxtinimadda qabsoonto bisha soo socota ee January 22-da.Xiga sho Daynile.com
XOG:-GUDOOMIYIHII DEGMADA HELIWAA OO XILKA LAGA QAADAY IYO GUDOOMIYE CUSUB OO LA MAGACAABAY
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay hala yso idaacadda Simba ayaa ku waramaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiy ihii degmada Heliwaa Md.Maxamed Axm ed Xaashi " Qoslaaye”, iyadoo xilkaas loo magacaabay Gudoomiye cusub.
C/xakiin Cumar ayaa la sheegay in loo magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee degmada Heliwaa ee G/Banaadir ka dib wareegto kasoo baxday wasaaradda Arri maha Gudaha Xukuumadda Sooma liya.
Ilaa haatan si dhab looma shaacin qodob ada loo cuskaday xil ka qaadista Gudo omiyihii Degmada Heliwaa Qoslaaye.Xigasho:-simbanews.com
JAWAARI OO LAGU CADAADINAAYO IN UU ISAGA TANASULO RAADINTA XILKA GUDO OMIYAHA BAARLAMAANKA
Musharaxiin uu u dhexeeyo tartan xoo ggan ayaa hadda xod-xodasho ka wada M/ Muqdisho kul amo kala duwanna mid kasta uu gooni ula yeelanayaa Xildhibaa nada dooran ee Baarlamaanka Soo maal iya. Tartan Adag ayaa waxa uu dhexmari doonaa Mudanayaasha Kala ah Cabdira shiid Maxam ed Xidig Wasiiru Dowlihii W/Arimaha Gudaha Haatana ah Xildhiba an Katirsan Baarlamaanka Soom aaliya iyo Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo ah aa Gudoomiyihii hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Sidoo kalena kamid ah Xub naha Cusub Ee Baarlamaanka.
Mudanayaashaasi ayaa Kulamo Gooni Gooni ah Waxa ay la leeyihiin Xildhibaa nada Cusub kuwaasi oo ay ka dhaadhici nayaan Sidii Ay Codadka u siin lahaayen.
Warar Hoose oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Jawaari lagu cad aadinayo inuu isaga Tanaasulo raadinta Xilka G/Baarlamaanka Markale Maadaa ma uu Shariif Xasan Sh.Aadan oo ay isku Beel ka soo Jeedaan uu u sharaxanyahay madaxweyninmada Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa jira siyaasiin kale oo iyaguna doonaya in ay Noqdaan Gudoo miyaha Baarlama anka Soomaaliya waxaa na ka mid ah Siyaasiin ka soo Jeeda Deegaanada Maamulka Sooma aliand weliba koofurta soomaaliya


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTAN OO AXAD 1-DA AJNNAAYO 2017-KA
GANACSADE BASHIIR RAAGE SHIIRAAR OO SHALAY SHAACIYEY INUU YAHAY MUSHAR RAX U TAAGAN QABASHADA XILKA MADAXTIMADA SOOMAALIYA Waxaa shalay shir jaraa;id uu ku qabtay M/Muqdisho Ganacsadaha Caanka ah Bahsiir Raage Shiiraar oo M/Muqdisho iyo Gobollada