NASASHADA JIMCAHA---Q. 24 aad

0
Friday December 30, 2016 - 15:27:32 in Wararka by
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NASASHADA JIMCAHA---Q. 24 aad

    1-Macalimiin jaamacad ayaa koray dayaarad, markii irida la xiray intii ayna dayaaradu duulin ayaa loogu bishaareeyay in dayaaradanuu sameeyay mid ka mid ah ardayda jaamacada. Dhamaan waxa ay isku wada maqiiqeen iridii si ay uga degaan,hal macalin aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Macalimiin jaamacad ayaa koray dayaarad, markii irida la xiray intii ayna dayaaradu duulin ayaa loogu bishaareeyay in dayaaradanuu sameeyay mid ka mid ah ardayda jaamacada. Dhamaan waxa ay isku wada maqiiqeen iridii si ay uga degaan,hal macalin ayaa ku haray oo si walwal la'aan ah isaga fadhiyay. waxaa la yiri: Adigu maxaad u hartay?. wuxuu yiri: waxaan aqaan ardaydeena ,kuwani dayaarad ay sameeyeen maba kaceeyso.

(Ha ka walwalin in dhibaato kaaga timaad horuumar ay sameeyeen madaxda 2017. Inta madaxda maamul gobaleedyada ee Adis ku xiran lagala tashanayo Go’aannada heer qaran ).

2- Nin taajir ah ayaa Yaxaasyo ka buuxiyay barkada dabaasha ee gurigiisa. Waxa uu ahaa Aabe dhalay hal gabar oo 20 jir ah aadna u qurxooneed 

.Habeenkii qalin jabinteeda jaamicadda ayuu xaflad weeyn ku dhigay gurigiisa ,waxa uuna casuumay dad badan.wuxuuna yiri: marti sharafeey waxaan ragga halka jooga u hayaa balan qaad aan ka dhabeeynayo, oo ah 10 Million Dollar ama Gabadheeyda ayaan siinayaa ninki ku dhex dabaasha Barkadan Yaxaasyadu ku jiraan, kana soo baxa isagoo aan waxba gaarin. Isla markii uu hadalka dhameeyay ayaa waxa la maqlay shanqarta qof biyaha galay,si xoowli ahna u dabaalanayo yaxaasyaduna ay eryanayaan, dadkii waxa ay bilaabeen in ay dhiirigaliyaan una sacbiyaan si uu u guuleeysto. Ugu dambeyntii banaanka ayuu u soo baxay isagoo aynan waxba gaarin.

Taajirkii oo la dhacsan geesinimadiisa ayaa ku yiri: waxaa tahay Geesi cajiib ah,ma fileeyn in tan la sameeykaro. Ballanteeydiina waan fulinayaa ee . Ma gabadheyda ayaan ku siiya mise 10 Million USD?.

Ninkii oo weli neef tuuraya ayaa yiri: Dhageyso, ma rabo gabadhaada. Mana rabo lacag, Waxaan rabaa in la i tuso xaasidka, Doqonka, Saqajaanka ah ee Barkadda igu tuuray!!. Fiiri: sawirka 1aad.

Image may contain: outdoor, nature and water


( Doorasha kuu roone,horta yaa ku yiri: is sharax).

3-Nin ayaa saaxiibkii weeydiiyay ma aragtaa tisxigaa faraska saaran,wuxuu ku jawaabay: haa ee ma midka indhaha furan, mise midka indhaha xiran. 

No automatic alt text available.

Wuxuu yiri: weligaa geed qare ma aragtay,wuxuu yiri: Markaan yaraa ayaan maalin koray geed qare waana ka soo dhacay oo jilibka ayaa wax iga gaareen. Fiiri: sawirka 2aad & 3aad .

Image may contain: outdoor

( siyaasi somaliyeed ha ka sugin, in uu ku yiraa: waxaa ma ogi ,ma arkin ee walaaloow ii faa’iideey )

4-Naag ayaa saaxiibadeed u timid oo ku tiri :walaaleey ma runbaa waxaan maqlay in ninkaagii baabuur dardaray oo uu dhintay? Waxa ay tiri: Haa wa run…lakiin Alxamdu lilaah,mushaarkii oo dhameeystiran ayaan jeebkiisa ka helnay.


(Ma runbaa in doorashadii lagaaga guuleeystay? Haa.laakin Alxamdu lilaah, jeebkaa ii buuxa, kii aan la tartamayay ee aan darawalka u ahaa ayaa ii hormariyay 6 bil mushaarkeeygii illeyn isku qabiil ayaan nahaye,,, labadiinuba taga isbitaalka daaweeynta qabyaalada ee Dr.Jey.. fiiri sawika 4aad).

Image may contain: car and outdoor

5-Qaali ayaa dhowr su’aalood weeydiiyay nin dambi lagu tuhamyo. Su’aaha 5aad ayaa aheed.Xaas ma lleedahay? Ninkii ayaa ku jawaabay Haa oo Naag ayaan qabaa!.qaaligii ayaa ku qoslay oo ku yiri: oo ma qof Nin guuranayaa ayaa jira? . Ninkii ayaa ku jawaabay Haa. Qaaligii oo wajiga kaduudaya ayaa ku yiri: yaa waaye? Ninkii ayaa ku jawaabay: Hooyadeey. Markaa ayuu qaaligii qoslay.

( iska hubi su’aasha aad weeydiineeysid iyo talada aad bixineeysid. Waa ka duwanaa kartaa jawaabta aad sugeeysid, waana lagaa saxnaa karaa).fiiri: sawirka 5 aad.

No automatic alt text available.

6- Saddex nin oo ganacsato soomaali ah ayaa tagay Magaalda Kuwalalumpur ee dalka Maleesiya,waxa ayna wada dageen hal qol oo saddax sariir taalo oo ku yaal dabaqa 60aad ee Hotelka, ,Habeen habeenada ka mid ah ayeey hotelka yimaadeen saacad dambe, waxaana loo sheegay in wiishku ciladeeysan yahay. waxaana khasab noqotay in jaranjarada la raaco illaa dabaqa 60 aad. Farax cawish ayaa soo jeeday talo oo yiri: 20ka dabaq ee ugu horeeysa midkeena haka sheekeeyo ,sheekooyin qosol leh,si aan daalka iyo waqtiga isku dhaafino, kadibna 20 ka dabaq ee xiga mid kale haka sheekeeyo sheekooyin Murti iyo waaya aragnima leh. kadibna 20 ka dabaq ee u dambeeya kan saddaxaad ha nooga sheekeeyo sheekooyin muraga leh, waana la isku raacay soo jeedintiisa.

Kii 1aad ayaa bilaabay aad ayeeyna u qosleen. Kii 2aad sidoo kale murti iyo xikmad badan ayaa laga faa’iiday. waxaana la joogaa dabaqii 40aad ,kii 3aad ayaa lagu yiri: waa markaagii ee bilaaw sheekooyin muruga leh oo ku soo maray ama aad maqashay.

Wuxuu yiri: walaalayaaloow inta aanan sheekada bilaabin,waxaan ka xumahay in aan idiin sheego in furihii qolka aan wada daganahay aan ku soo hilmaamay maqaayadii hotelka hortiisa aheed.  Mid ayaa ku qayliyay TORTOROW Hotel ayaa ii dhamay. Fiiri sawirki 6aad :

Image may contain: 3 people, outdoor

( haddii aad 1960 kii aan xuriyad qaadany, dib waaba loo noqdee!!! yaa furihii guusha naga soo hilmaamay?). fiiri: sawirka 7aad.

No automatic alt text available.

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip