Baabuurkaan ayaa wuxuu ka soo ambabaxay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxaana la sheegay inuu ku sii jeeday Degmada Baydhabo deegaano hoostagga.
Darawalka gaarigan oo lagu magacaabo Cali Afartan, ayaa Xabsiga la dhigay, wuxuuna sheegay rag ganacsato ah inay u soo dhiibeen, balse uusan ogeyn waxa ku jiray kartoomada.
Waxa uu sheegay in lagula soo heshiiyay alaabtaan inuu geeyo deegaano ku dhaw Magaalada Baydhabo, markii la qabanaayayna uu halkaasi ku sii jeeday.
Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Luuq inay la wareegeen Direeskii iyo Daawooyinkii saarnaa gaarigaasi ay qabteen ciidamada ammaanka.
Gaari direes ciidan u waday Shabaab oo Gobolka Gedo lagu qabtay (SAWIRRO)
Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan Gobolka Gedo, ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen gaari sida la sheegay siday direes iyo dawooyin loo waday Ururka Al Shabaab.