Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, ayaa Dhacdo.com wuxuu u sheegay in qaar ka tirsan ganacsatada iyo Askartaan inay wada murmeen, xilli ciidamada ay qaadayeen lacagaha canshuuraha.
Muranka dhexmaray Askarta iyo ciidamadii canshuuraha qaadayay, ayaa sababay in rasaas ay furaan ciidanka ay ku dhintaan labo ruux oo ganacsatada Suuqa Wadajir ka mid ah, halka dhaawac uu soo gaaray ruux kale.
Dilka labadaasi nin ganacsatada kadib Suuqa Degmada Wadajir ayaa isku bedelay mid saxmad ay ka dhalatay, maadaama ganacsatada ay ka caroodeen dilka loo geystay raggaasi.
Ciidanka Degmada ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, lamana oga ilaa iyo hada ciidamadii dilkaasi geystay in gacanta lagu soo dhigay iyo in kale
Labo ruux oo lagu dilay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Suuqa weyn ee Degmada Wadajir, waxaa goor dhaweyd halkaasi lagu dilay labo ruux oo shacab ah.