Mooshin kale oo Guddoomiyaha Baarlamaanka loo gudbiyay
Mooshin lagu difaacaayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Somalia, mooshinkaasi oo ay soo diyaariyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka.
{mogtimes,com}
125 Xildhibaan ayaa la sheegay inay soo diyaariyeen Mooshinkaan oo lidi ku ah midkii 12-kii Bishii lasoo dhaafay loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka dalka.
Xildhibaan C/laahi Cumar Abshiroow oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka ee Mooshinka gudbiyay, ayaa sheegay mooshinkaan inuu yahay mid sharci ah oo lagu laalayo midkii laga gudbiyay Madaxweynaha.
Wuxuu sheegay Mooshinka Madaxweynaha laga gudbiyay inuusan aheyn mid sharci ah, sababtana ay tahay Xildhibaanada qaar oo laga been abuurtay, sidoo kalena la isticmaalay magacyada xubno Baarlamaanka ka tirsan oo geeriyooday.
"Mudane Guddoomiye Anagoo ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliyeed oo magacyadooda iyo saxiixooda hoos ku cad yihiin, waxaan soo jeedinaynaa oo an diidanahay Mooshinka sharciga aanan waafaqsaneyn ee ay wadaan qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo ku soo been abuurtay tiro badan oo Xildhibaano ah iyaga oo aan waxba ka ogeyn, qaarkoodna horay ay uga baxeen.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Cumar Abshiroow.
Waxaa muuqata Mooshinkaan lagu difaacaayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud in laga soo abaabulay Villa Somalia, qarash badana lagu bixiyay.