MAXABUUS SI XEELADEYSAN HOWL MUHIIM AH ISAGOO XIRAY U SAMEEYEY AABBIHII {ARRIN CAJIIB AH

0
Wednesday December 14, 2016 - 20:31:23 in Maqaallo by
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXABUUS SI XEELADEYSAN HOWL MUHIIM AH ISAGOO XIRAY U SAMEEYEY AABBIHII {ARRIN CAJIIB AH

    Nin maxbuus ah ayaa fariin qoraaled Uga timid aabbihiis oo waayeelahaa oo beeraley ah wuxuuna wiilkiisa ku yiri "wiilkeygiyoow waxa la jooga xilligii abuurka,mana fali karo beerta waana ogahay haddii aad ila joogi laheyd inaad I caawini laheyd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin maxbuus ah ayaa fariin qoraaled Uga timid aabbihiis oo waayeelahaa oo beeraley ah wuxuuna wiilkiisa ku yiri "wiilkeygiyoow waxa la jooga xilligii abuurka,mana fali karo beerta waana ogahay haddii aad ila joogi laheyd inaad I caawini laheyd.
Wiilkii ayaa ugu jawabay sidan:- "Aabbow waxba ha falin beerta waayo waxaan ku aasay beerta lacagti aan xaday ee aan u xiranahay darteed”
booliskii ayaa helay farriin qoraaaleedka wiilka uu u diray aabbihiis ka dib waxay weerar ku qaadeen beertii oo ay wada qodeen dhammaanteed weyna ka waayeen lacagtii.
Wiilkii ayaa haddana u diray aabbihiis markale farriin qoraaleed kale oo uuku leeyahay "Aabbo waxaan kuu soo soo diray ciidan kuu fala beerta ee hadda ku abuuro waxad doonto illeen wey ku qodeen gododkiiye abuurka lagu ridi lahaa”
Aabbihii ayaa ugu soo jawaabay wiilkiisa sidan:- "wiilkeygiyoow wali waxad tahay nin aad u awood badan adigoo xabsi ku jira haddii aad Boliis ii soo ammartay inay beerta ii falaan.”
Wiilkii aya ugu jawbay aabbo ii soo dir farriin qoraaleed haddana marka aad u baahato in laguu soo gooyo abuurka beerta, waan kuu soo diri doonaa ciidammo kale oo ku qabta shaqadaasi”!!!bal akhristoow arrintaasi maxaad ka fahamatay? soow cajiib ma ahan, kolleey qofkastaa oo nool wax ka yaabiyo ma waayo waxaanse hubaa in ay tahay arrina qosol badan hadeey jirto, waxaana kuu soo baxay
1-in boliiska ay shaqadooda baariseed gudanayeen
2-in uu hunguri qaaday oo ay howshaas adag u galen in ay lacagta la duugay ka helaan beerta.
QORE MAXAMED CALI MAXAMUUD {MADKA}



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip