Mas’uuliyiin ka Tirsan deegaanka iyo Qurbajoogta deegaankaas ayaa hadda dhagax dhigay Taallo loo dhisayo Ciidamada dowlad Goboleedka Galmudug uga dhintay weerarkii ay Mareykanka ka fuliyeen Gobolkaasi dhowr bilood ka hor, kadib markii Ciidamada loogu shakiyay in ay yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Xirsi Yuusuf Bare,oo ah Duqa Magaalada Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Galmudug iyo Sahro Cali Mire oo ka mid ah Qurbajoogta Maamulka Galmudug ayaa goobtii uu weerarkaasi ka dhacay dhagax dhigay Taallo loogu talagalay Ciidankaas Galmudug kaga dhintay weerarka si loogu xusuusto.
Ciidamadii Galmudug ee Lagu Laayay Jeexdin oo Taallo Lagu Xasuusto Loo Dhisayo+Sawirro
Maamul Goboleedka Galmudug ayaa haatan wada qorshe taallo loogu dhisaayo Ciidankii Mareykanka uu 28-kii September ee sanadkan ku laayay deegaanka Jeexdin ee Bariga Gobolka Mudug.