
Kooxo Hubaysan oo goordhow dilay Madaxii Danbi Baarista Ciidamada Booliska ee Dharkenleey
Madaxii Danbi Baarista Ciidamada Booliska Degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir ayaa goordhow ku dilay degmadaasi. Sargaalka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Ciise
Macalim,waxaana lagu dilay Isla Degmada Dharkenleey xili uu watay Gaari,
iyadoo la sheegay in dilka ay u geysteen kooxo hubeysan oo watay Mooto.
Taliye Kuxigeenka Ciidamada Booliska Degmada Dharkenleey Jimcaale Cadoow Maxamed ayaa sheegay in kooxdii dilka geeysatay ay goobta ka baxsadeen, islamarkaana ay Ciidamadu wadaan baaritaan lagu baadi goobayo kooxihii dilka gaystay.
Dhanka kale Degmada Dharkaynley ayaa ah degmada ay ka dhacaan dilalka faraha badan ee magaalada Muqdisho ka dhaca, mana jirto wax laga qabto kooxaha dilka shacabka ka dambeeya oo aan ahayn Baaritaano ayaan wadnaa.
Xigasho :-Somaliweyn.com
Kooxo Hubaysan oo goordhow dilay Madaxii Danbi Baarista Ciidamada Booliska ee Dharkenleey
Madaxii Danbi Baarista Ciidamada Booliska Degmada Dharkenleey ee Gobolka Banaadir ayaa goordhow ku dilay degmadaasi.