WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA DICEMBAR 2016-KA

0
Sunday December 11, 2016 - 10:14:40 in Wararka by
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA DICEMBAR 2016-KA

    QARAX XOOGGAN OO SAAKA KA DHACAY AGAGAARKA DEKEDA MUQDISHO Qarax xooggan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka ka dhacay agagaarka Dekeda magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QARAX XOOGGAN OO SAAKA KA DHACAY AGAGAARKA DEKEDA MUQDISHO Qarax xooggan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka ka dhacay agagaarka Dekeda magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegayaa inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli dadka isku diyaarinayeen shaqada Dekada, isla markaana uu bilowday dhaq dhaqaaqa ganacsi ee ku yaala hareeraha Dekeda.

Wararka ayaa sheegaya in halka qaraxa ka dhacay ay aheyd xarun boolis oo lagu qaado canshuuraha berriga oo ka soo horjeeda Dekeda Muqdisho.

XARUNTA XUQUUQUL INSAANKA SOMALILAND OO SOO BANDHIGAY TACADIYADDA SANADKAN DHACAY EE AY DIIWAANGALISAY

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland (Human Rights Centre) ayaa soo bandhigtay warbixin sanadeedka 2016 ee xaaladda xuquuqda aadamaha ee Somaliland iyo gaboodfalada ay diiwaa ngalisay sanadkan 2016.

Guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka Somaliland (HRC), Guuleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in shalay aduunka oo dhan looga dabaal degayo maalinta xuquuqul insaanka aduunka, wax aaanu xusay inay korodhay tirada tacadiyada iyo dhaawacyada garaacista ah ee ay ciidamada Bile ysku u geystaan shacabka.

"Waxyaabaha ugu waaweyn ee aanu sanadkan diiwaangalinay waxa ka mid ah xadhiga saxa afada oo sidii caadada ahayd sanadadii u dambeeyey tiro ahaan sii kordhay iyadoo tirada saxaafada ee aanu diiwaangalinay ee la xidhay ay yihiin 28 qof oo isugu jira kuwo la xidhay saacado kooban iyo qaar xidhan mudo saacado ka badan, qofka ugu badnaana waxa uuu xidhnaa mudo bil ah, balse into oda ugu badani waxay xidhnaayeen maalin ama dhawr saacadood.

Hadii la barbar dhigo sanadkii hore 2015kii waxa la xidhay 19 suxufi, sanad xisaabeedka aanu tirinaa waxa uu ka bilaabmaa December 10keeda, sidaa darteed laba qof oo ku jira dadka aanu xisa ab inay la waxa la xidhay December 2015ka.Wadarta xadhiga sanadkan dhacay waa 34 jeer, taas oo mac naheedu yahay suxufiyiinta in la xidhay wax hal mar ka badan, waxaanay u badan yihiin suxu fiyiinta halka mar inta ka badan la xidhay suxufiyiinta degan magaalada Berbera oo badankooda loo xi dhay wax la xidhiidha Mashruucii DP World iyo Somaliland ay ku galeen horumarinta Dekeda Berbera.”ayuu yidhi Guuleed.

Waxaanu intaas ku daray "Marka laga yimaado saxaafada dad kale oo aragti ka soo muujiyey oo ka horyimid Mashruucaasi oo ay dawladu xidhay.

Sanadkkan Afar suxufi oo kale waxa lagu soo oogay dacwad iyadoo aan la xidhin, saddex suxu fina dacwado sanadkii hore socday ayaa ku socday, taasi waxa ay wadarta guud ka dhigaysaa 28 Sux ufi oo la xidhay, Afar suxufi oon la xidhin oo dacwadi ku socotay iyo saddex suxufi oo sanadkii hore ay dacwadi ku socotay.

Tiradaasina waa tiro aad u badan.Laakiin ujeedada xukuumadu saxaafada u xidhaa maaha inay mudo dheer haysato balse waa inay ku kadeedo (harassment) si qofka suxufiga ahi u boqo oo aanu mar dambe wax uga qorin, kuwa dambena ay ugu cimra qaataan oo ay dawlada ka cabsoodaan wax dambena aanay uga qorin.

Waxyaabaha ugu badan ee xadhiga saxaafada badiyey ee walaaca keenayaa waxa weeyi De keda Berbera waxaana muuqata in dawladdu ay xasaasiyad badan ka qabto eedaha la xidhiidha musu qmaasuqa iyo hantida guud ee dalku leeyahay, waxaanay u badan tahay in suxufiga arimahaasi wax ka qora in la xidho.

Sidoo kale waxa sanadkan loo xidhay arimo la xidhiidha dekeda Berbera dad dhalinyaro ah oo uu ka mid ahaa Maxamed Sidiiq Dhame oo ah nin ka tirsan Mucaaridka, waxa ka mid ah Suldaan Cali Saleebaan, iyo dad badan oo mudaharaado darteed looga soo xidhay gobolka Saaxil intii mashruucaa dekeda Berbera iyo wadahadalkii socday iyo cid kasta oo si adag uga soo horjeedsata oo aragtidooda ka dhiibata dawladu way xidhaysay, taasina waxa ay walaac ku keenaysay heerka ay gaadhsiisan tah ay xoriyadda hadalka Somaliland iyo in laga hor iman karo waxay dalwadu u aragto inaanu haboonayn.

Sidoo kale, sida aad la wadasocotaan waxa sanadkan la xidhay Siciid Maxamuud Gahayr oo loo xidhay xoriyadda hadalkiisa oo uu dhiibtay.

Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye oo ilaa hadda xidhan oo u xidhan aragtidiisa oo uu dhiibtay iyo xi sbi siyaasadeed Mucaarid ah oo uu ku biiray, marka la isku soo koobo dhacdooyinkaasi waxa ay muuj inaysaa in Somaliland Cadaadiska sanadkan lagu hayo dadka dawladda ka soo horjeeda ee (critical) la xidhay uu aad u badnaa, mana aha wax wanaag muujinaya ee wax muujinaya Itijaah aan wanaagsan ayn oo Somaliland ay u socoto marka laga hadlayo xoriyada saxaafada, waana qodob distooriya oo dis toorka Somaliland damanaanad qaaday.

Sidaad la socotaan waxa Somaliland laga mamnuucay idaacadaha madaxbanaan ee gaarka loo leeyahay, taasina waxa ay caqabad ku tagay dadka reer guuraaga ah iyo dadka aan wax baran oo aanay suuragal u ahayn inay jaraa’idka, websiteyada iyo Telefishanada ay akhristaan, markaa waxa ay keentaa kala maqnaansho xogta ah oo u dhexeeya oo dadku ay xaq u lahaayeen inay helaan. Dadku inay idaacado madaxbanaan ay helaan waa waajib distooriya oo ay dadku xaq u leeyihiin.

Waxa xayiran saddex wargeys Haatuf, Hubsad iyo Codka Shacabka, sadexdaa wargeyska hab ka loo xayiray waxaanu u aragnaa inay tahay hab sharciga dalka ka soo horjeeda oo dhibaato weyn ay ku tahay xoriyada hadalka ee saxaafadda.

Waxa warbixintayadan sanadkani ay taabanayso ka mid ah xadhiga sharci darada ah inuu caadi noqday Bileyskuna caadi ay ka dhigteen, anagu xadhiga sharci darada ah waxa aanu u aragnaa xa dhiga aan waafaqsanayn dastuurka Somaliland oo odhanaya qof waxa la xidhi karaa marka uu dambi faraha kula jiro ama amar garsoore oo sababaysan oo la soo saaray, wixii intaa ka baxsan waxa aanu ku qeexnaa xadhig sharci daro ah, bileyska somalilandna intaa midna ma dhawraan, waxay aaminsan yihiin in qofka ay xidhaan ay tahay xaq ay iska leeyihiin.

Waxaanu diiwaangalinay garaacis loo geystay dad ku xidhan saldhigyada bileyska oo qaarkood dhaawac halis ah loo geystay, tusaale ahaan saldhiga Koodbuur nin dhalinyaro ah oo ku xidhnaa oo dhaawac looga geystay qoorta ay kaliftay in ilaa Ethiopia loo qaado oo saldhiga dhexdiisa lagu gara acay, Askarigii garaacayna aanu Bileysku qabanin wax dacwad ahna ku soo oogin”. Ayuu yidhi Guul eed Axmed Jaama.

AKHRISO: MAGACYADA XILDHIBAANADA GOBOLADA WAQOOYI EE SHALAY LAGU DOORTAY MUQDISHO..

Illaa shan xildhibaan ayaa shalay loo doortay kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi, iya doo mid ka mid ah ay aheyd haween, kadib doorasho ka dhacday xarunta gaadiidka booliska.

Xildhibaanada shalay la doortay ayaa qaarkood ku soo baxay codod aqlabiyad leh, waxaana ay aheyd wajigii labaad ee doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Mid ka mid ah tartanka kursiga aad isha loogu hayay ayaa ahaa kursiga Beesha Samaroon ee Jilibka makaahiil oo ay ku tartamayeen Feysal Cumar Guuleed iyo C/xakiin Cige Guuleed oo kursigan difaacanayay.

Feysal Cumar Guuleed ayaa ku soo baxay 29 cod, isagoo ka adkaaday musharaxii kale ee la tartamayay C/xakiin Cige.

Aamina Cumar Jaamac ayaa iyana ku guuleystay kursiga Beesha Muuse Abokor ee Habar Jeclo, iyadoo heshay 51 cod, halka Faa’iza Axmed Cali oo la tartameysay aysan wax cod ah helin.

Sidoo kale Cilmi Maxamuud Nuur ayaa isna ku soo baxay 45 cod, waxaana uu ka guuleystay Fanaanka caanka ah Farxaan Xidig oo isna helay 6 cod.

Saalax Jaamac Ahmed ayaa isna ku soo baxay kursiga beeshiisa, isagoo helay 50 cod, waxaa na uu ahaa kursiga 5aad ee shalay la doortay.

Doorashada xubnaha ka soo jeeda Gobolada waqooyi ayaa wali ka socda xarunta gaadiidka Booliska, waxaana illaa iyo hada la doortay 11 Xildhibaan.

SHIR MADAXEEDKA IGAD OO LOOGAGA HADLAY ARRIMAHA DALKA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa uga qey bgalay shir madaxeedka IGAD oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, kaas oo laga soo saaray baaqyo muhiim ah.

Shirka 29aad ee IGAD oo ay ka qeybgaleen madaxweyneyaasha gobolka ee ururkaas, ayaa lo oga hadlay horumarrada Soomaaliya ay ka sameysay dhanka doorashooyinka, amniga iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka ku yaalla.

Madaxda IGAD, ayaa ayaa ku amshalayy dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiya da arrimaha doorashooyinka ku howlahan iyo ciidammada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM guulaha ay ka sameeyeen qabsoomidda doorashooyinka dadban ee Barlamaaniga ah, kuwaas oo had da gabogabo ku dhow.

Sidoo kale madaxda IGAD ayaa ku baaqdey in la dadajiyo ilaa dhammaadka bishan qabsoomid da doorashada madaxweynaha iyo guddoonka Barlamaanka, iyagoo u rajeeyey in arrintaasi ay u dhici doonto sida loo qorsheeyey iyo waqtiga loogu talogalay in ay ku dhacaan howlahaasi.

Madaxda IGAD, ayaa ugu baaqdey beesha caalamka in xayiraadda laga qaado xawaaladaha Soomaalida ee dibedda, si ay fursad ugu heleen ka qeybqaadashada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo isku xirka ganacsiga xooggan ee waddamada caalamka iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Madaxda IGAD, ayaa sheegtay in ay ku dedaali doono sidii dib loogu bilaabi lahaa dhoofinta xoo laha Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo ay boqortooyada Sacuudiga ugu horreyso, taas oo macno we yn u leh xowliga dhaqaalaha Soomaaliya oo sannadaha soo socda la rajeynayo in uu sameeyo isbadd el ka duwan sidii hore.

Ugu dambeyn madaxda IGAD, ayaa mar kale baaq nabaddeed u jeediyey dhinacyada isku haya dagaallada ka socda waddanka Suudaanta Koonfureed, iyagoo sheegay in ay dedaal walba ku bixin doono joojinta colaaddaasi micna darrada ah.

WASIIRO SHAQADA UGA TAGAY MUSUQ MAASUQ KA JIRA DOORASHADA XUBNAHA AQALKA HOOSE

Labo wasiir oo ka tirsanaa dowlad gobolleedka Galmudug ayaa tagay xilalkii ka hayeen maam ulka, kaddib markii sidda ay sheegeen ay u adkeysan waayeen musuq maasuq lagu sameeyay door ashada xubnaha aqalka hoose.

Wasiiru dowlihii caafimaadka dowlad gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shalay she egay in uu isaga tagay xilkii uu ka hayay maamulka, kaddib markii sidda uu hadalka u dhigay musuq maasuq iyo boob cad lagu sameeyay doorashadii shalay ka dhacday degmada Cadaado

Doorshadan uu ka cabanayo wasiirka ayaa waxaa ku soo baxay C/shakuur Cali Mire, isaga oo sheegay in xildhibaanka soo baxay iyo musharixii la tartamayay labada aheyd jifada laheyd kursiga la gu tartamay, isaga oo arintaa ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen mas'uuliyiinta sare ee maamulka Galmudug.

Siddoo kale, waxaa shalay iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka wasiir kuxigeeenkii wasaar rada Maalgashiga iyo Jaaliyadaha C/salaan Ibraahim Faarax oo sheegay in uu shaqada uga tagay mu suq musuq lagu sameeyay kursi ay beeshiisa laheyd.

Is casilaadan ayaa imaneysa xili tan iyo markii ay bilaawdeen doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee dalka soo baxayeen kiisas la xiriira in la musuq maasuqay kuraasta qaarkood, waxaana la sheegay in gobollada qaar la adeegsaday awood ciidan, sidda ay horayba u sheegeen guddiga door ashada federaalka.

WEERAR LAGU QAADAY GURIGA GUDOOMIYIHII HORE EE WARTA NABADDA

Wararka Xalay Naga soo gaaraya degmada Wartanabadda ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Bambooyin lagu weeraray guriga gudoomiyihii hore ee Wartanabadda Deeqo Cabdulqaadir.

Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku dhaawacan tahay weerarka lagu qaaday Guriga gudoomiyihii ho re ee degmada Wartanabadda.

Afarta qof ee dhawaacan tahay ayaa lagu soo waramaya in ay ka mid ahayeen dadkii kunoolaa guriga gudoomiyihii Hore Wartanabaddda .

Waa markii Afraad oo weerar lagu qaado guriga gudoomiyihii hore ee Warta nabaddda Deeqo Cabdulqaadir.

DOWLADDA SWEDEN OO WAX LAGA XUMAADO KU TILMAAMTAY DOORASHADA UU KU SOO BAXAY WASIIR NUUX

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Magaalada Muqdishu, Mikael Lindvall ayaa waxuu shalay ka hadlay doorashada Aqalka Hoose ee ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

`Danjire Mikael Lindvall ayaa nasiib darro ku tilmaamay doorashada uu ku soo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Lindvall waxuu cod dheer ku sheegay in loo baahan yah ay in la xushmeeyo go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.

Waxuu ku tilmaamay doorashadan ka dhacay Magaalada Jowhar, islamarkaana uu ku soo ba xay Wasiir Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux mid aan la aqbali karin.

Dhawaan ayee aheyd markii go’aan ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka lagu sheegay in Wa siirka looga mamnuucay Doorashooyinka maadaama lagu eedeyay in uu carqaladeeyay doorashada kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Jiidle loogu tartamayay.

WASIIRO GALMUDUG KA TIRSAN OO SHALAY ISCASILAY

Waxaa shalay Xilalkooda iska casilay Wasiirro ka tirsan Maamulka Galmudug kuwaas oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Jaaliyadaha iyo Maalgashiga Galmudug Cabdisalaan Ibraahim Faarax iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimada Maamulkaasi Galmudug Cali Daahir Saciid.

Shir Jara’id oo shalay si wada jir ah ay ugu qabteen Magaalada Cadaado labadaasi Wasiir ayaa waxa ay uga dhawaaqeen Iscasilaadooda iyagoona wada qiray in ay jirto Cadaalad darro iyo Musuq maasuq baahsan oo ay ku kaceen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Maamulkaasi Galmudug.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa isi soo tarayay Iscasilaadda Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Arrimaha ugu Muhiimsan ee Wasiirada shalay iscasilay ay ka cabanayeen waxaa ka mid ah in Kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha ay ka soo jeedaan Madaxda Galmudug ay gacan bidixeyneyso.

Galmudug ayaa loo aqoonsaday marka loo eego Musuqmaasuqa ka dhacayay doorashooyinka maamulka ugu daran xagga boobka kuraasta Aqalka Hoose.

C/SHAKUUR CALI MIRE OO KU SOO BAXAY DOORASHADA AQALKA HOOSE EE CADAADO

Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ayaa shalay ka dhacday magaalada Cadaado oo xar un KMG ah u ah maamulka Galmudug, waxaana doorashada kusoo baxay wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta.

Cabdi Shakuur Cali Mire oo soo noqday wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo baxay doorashada xildhibaanada aqalka hoose oo ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galg aduud.

C/Shakuur Cali Mire ayaa helay 49 cod halka musharaxa la tartamayay ee C/risaaq Cali Jaam ac uu helay 2 cod.

Inta badan ergooyinka ayaa sida muuqata waxay u codeeyeen C/Shakuur Cali Mire.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa u muuqdaa mid soo gabo gabeeyay doorashada xildhibaan ada labada aqal ee ka imaanaya deegaanada Galmudug.

Maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa horey usoo idleeyay doorashada, waxaana ha dda dhiman Puntland iyo xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada waqooyi oo Muqdisho lagu dooran ayo.

HOGGAAMIYAHA MUCAARADKA DALKA GHANA NANA AKUFOADDO OO KU GUULEYSTAY DOORASHADA GHANA

Hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Ghana, Nana Akufo Addo ayaa ku Guuleystay Doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Dalkaas. Waxayna ahayd Doorashadu mid Adag oo aad la isugu dha waa.

Kaddib, markii natiijada doorashadda lagu dhawaaqay ayaa tageerayasha Mr AkufoAddo waxay isugu soo baxeen Waddooyinka Caasimadda Ghana ee Accra si ay u dabaaldegaan guusha.

Sidoo kale, Madaxweynaha la doortay AkufoAddo ayaa Ballanqaaday inuu Waxbarasho lacag la'aan ah oo dugsiyada Sare ah iyo Warshado faro badan ka Hirgelin doono Dalkaas. Balse Dadka wax naqdiya ayaa su’aal ka keenay Hamigiisa cusub.

Ugu dambeyn, Dalka Ghana waxay muddo badan ahaa waddan dimuqraaddi ah oo xisbiyo bad an ay ka dhisan yihiin, iyadoo doorashadan ay ahayd middii ugu adkeyd ee sannadihii u dambeeyay ka dhacda dalkaas.

MAREYKANKA OO CIIDAMO U DIRAYA SUURIYA SI AY GACAN UGA GAYSTAAN IN RAQQA LAGA QABSADO IS

Dagaalyahanada Kurdiyiinta iyo Carabta Sunniyiinta ayaa weerrar ay ku qaaday magaalada Ra qqa si ay uga qabsadaan IS

Mareykanka ayaa sheegay inuu ciidammo kale oo tiradoodu dhan tahay 200 u dirayo dalka Suur iya si ay ula dagaallamaan kooxda sheegata Dowladda Islaamka.

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka, Ash Carter, oo ka hadlay shir jaraa'id oo ka dhacay dalka Baxreyn, ayaa sheegay in ciidammada dheeraadka ah ay gacan siin doonaan xoogagga gudaha ee dagaalka ugu jira sidii dib loogu qaban lahaa magaalada Raqqa.

Magaalada Raqqa ayaa ah magaalada ay kooxda jihaaddoonka ee sheegata Dowladda Islaam ka ku sheegaan inay tahay caasimadda khaliifadooda.

Isagoo ka hadlayey wadahadallada ammaanka ee Bariga Dhexe ayaa Xoghayaha difaaca wux uu sheegay in askarta ay isugu jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran, tababareyaal, la taliyeyaal, iyo kooxaha bambooyinka kala furfura.

Waxay ku biiri doonaan 300 oo askari oo ah kuwa sida gaarka ah u tababaran oo horeba Suuri ya u sii joogay. Bishii hore ayaa dagaallameyaal Kurdiyiin iyo Carab isugu jira oo ka mid ah xulafa da uu Mareykanku hoggaamiyo waxay sheegeen inay billaabeen hawlgal ay ku qabsanayaan Raqqa

RAISULWASAARAHA SOOMALIYA OO PUNTLAND KA QANCINAYA TABASHOOYINKA DOORASHADA SOOMALIYA

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa xalay Madaxtooyada Maamulka Puntland kulan kula qaatay Madaxweynaha Maamulkaas Dr C/ wali maxamed Cali Gaas.

Kulanka oo ahaa mid ay saaxafada dibad joog ay ka hayed ayaa lagu waramayaa in loogu had lay arrimaha doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016ka, iyo cabashooyinka wali ay Puntl and ka qabaan doorashada Soomaliya.

"Waxaan mahad balaadhan u jeedinaya Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiintii kale ee na soo dhoweeyey aniga iyo wefdigayga, waxaan halkan u nimaadnay arrimaha doorashada saan lawada soconona waxaa lagu jiraa xili ay doorashadu gebogebo ku jirto wuxuuna socdaal kayagani salka ku hayey sidii aan u dardargelin halayn dhamaystirka doorashooyinka iyo inaanu madaxweynaha ka wada hadalo sidii ay doorasha inta hadhay loo waajihi lahaa, sidoo kale waxaan lasoconaah in abaar xumi dalka ka jirto illaahay abaarta haynaga saaro, insha allah waxaan baaq ku saabsan Abaarta oo wada ji ra wada qaban doonaah Madaxweynaha oo aan kula hadlayno beesha caalamka iyo cid walba oo gac an ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyen ”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake mar uu saxaafadda kula hadlay magaalada garoowe.

Dhanka kale warar madax banaan aynu ka halayno Madaxtooyada Puntland ayaa ku waramaya in Labada mas’uul ay diirada saareen qilaafka ka taagan sida laga yeelayo xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag, oo maamulada Puntland iyo Somaliland ay xiligaan ku muran san yihiin.

” Haddii kuraastu (aqalka sare) ay dirta waqooyi leedahay ha la siiyo, oo ha lagu dhawaaqo, mar na inay yiraahdaan sool, Sanaag iyo Cayn Somaliland ayay ka mid tahay, marna yiraahdaan Dirta waq ooyi ayaa qaadanaysa,” sidaas waxaa yiri madaxweynaha puntland oo shalay warbaahinta kula hadl ay magaalada Garoowe.

XEERILAALIYAHA QARANKA OO KA HADLAY CAQABADAHA HORTAGAAN GARSOORKA DALKA

Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in garsoorka Soomaaliya ay u shaqeeyaan si cadaalad in ay caqabad ku yihiin baarlamaanka Soomaa liya.

Waxaa uu sheegay in garsoorka Soomaaliya ay yihiin kuwa gacmaha ka xiran.

Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya wali aysan meel marin gol aha adeega garsoorka dalka.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin isla xisaabtan dhab ah ,madaam uusan xaq u laheyn in uu gan aaxo xeerilaaliyaasha iyo sidoo kale garsoorayaasha dalka.

Hadalka kasoo baxay xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa kusoo beegmaya xilli mar ar badan garsoorka Soomaaliya lagu eedeeyay in ay sameeyeen wax isdaba marin

PUNTLAND OO DHALIISHAY DOORASHADA KA SOCOTA MUQDISHO

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay in Wafdiga Madax weyne ku xigeenka Puntland iyo sidoo kale gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ee ku sugan Magaal ada Muqdisho arinta ay u joogaan Muqdisho in aysan aheyn mid looga hadlay sidii loo baahnaa.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wanaagsan looga wadaha dlo khilaafka ka taagan xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya ee ka ima anaya gobolada Sool iyo Sanaag.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay haboon tahay hadii kuraasta ay leyihiin beelaha dir waqooyi in lasiiyo laakiin aan la oran waxaa iska leh Somaliland marna Puntland.

Dowladda ayuu sheegay Gaas in looga baahan yahay in ay siiso cid a iskaleh kuraasta Sool iyo Sanaag ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muq disho ayaa madaxda dowladda Soomaaliya kala hadlaayay xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaana ya gobolada Sool iyo Sanaag oo muran uu ka taagnaa cid iska leh in ay soo doortaan xildhibaanad aasi.

SIRDOONKA USA: 'RUUSHKAA FARAGELIN SAMEEYAY SI UU U SARE UGU QAADO TRUMP'

Mid ka mid ah doodihii kulalaa ee dhexmaray labadii musharax ee xilka madaxweynaha Marey kanka

Wakaaladaha sirdoonka Mareykanka ayaa rumaysan in Ruushka uu u howlgalay si qarsoodi ah si uu u xoojiyo Donald Trump tartankii doorashada ee dalka, waxaa sidaa wargeyso caan ah u sheegay saraakiisha Mareykanka.

Warbixin lagu qoray wargeyska New York Times ayaa sheegaysa in wakaaladaha sirdoonku ay "kalsooni sare ku qabaan" in Ruushku uu ku lug lahaa weerrar dhanka internetka ah.

Bayaan ka soo baxay CIAda oo uu daabacay wargeyska Washington Post ayaa sidaas oo kale lagu sheegay.

Hasayeeshee kooxda Mr Trump ayaa beenisay hadalka CIA, waxa ayna yiraahdeen: "Kuwan waa dadkii yiri Sadaam Xuseen waxa uu haystaa hubka wax baabi'iya."

Saraakiisha Ruushka ayaa lagu soo warramayaa inay iska fogeeyeen eedaha ah inay u dhac een computerrada.

Jimcihii, Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa amray in la baaro weerraro taxana ah oo dhanka internetka ah, oo lagu eedeeyay Ruushka intii ay socdeen doorashooyinkii Mareykanka.

Dadka u dhaca computerrada ayaa waxa ay bartilmaameedsadeen emaillada Xisbiga Dimuqr aadiga iyo kaaliye sare oo ka tirsanaa kooxdii Hillary Clintion.

Bishii Oktoobar, saraakiisha dowladda Mareykanka ayaa eed dusha kaga tuuray Ruushka iya goo ku dhaleeceeyay in ay faragelin ku hayaan ololaha doorashada.

WAXAAN RAADINEYNAA NOLOL WANAAGSAN !!!

Shaqsi kasta oo dunida guudkeeda saaran waxa uu xusul duub ugu jira sidii uu ugu noolaaan lahaa No lol Wanaagsan, ka soo qaad Soomaaalida Wiil, Gabar, Oday, Haween, Garabrarato, Macalin, Proffis oor, Injineer, Kornayl, Dhakhtar, iyo Weriye ku jira halgan hadaad waydiiso halgankiisa waxa uu ku leeyahay waxaan baadi goob ugu jiraa Nolol Wanaagsan. Hadaba maxay tahay nolosha wanaagsani?

Nolosha wanagsan, qaar baa Soomalida rumaysan in ay tahay in la helo Lacag fara badan, qaar kale ayaa aaminsan in nolosha wanaagsani tahay in madax la noqdo sida Madaxwayne, Wasiir, Xildhi baan, amaba madax laga noqdo Hay’ad iyo wixii la hal maala, Qaar baa qaba in nolosha wanaagsani tahay iyadoo la dhisto daaro dhaadheer, halka kuwo kalena rumaysan yihiin in nolosha wanaagsani ay tahay iyadoo lagu noolaado mid ka mid ah wadamada hore u maray sida Maraykanka iyo Yurub

waana taas tan ay Soomaalidu u badan yihiin gaar ahaan Dhalinyarada, waxaana u daliil ah Ba daha Maalin walb sida indha la’aanta ah loogu dhamaanayo, waxaana soo raaca Xabsiyada, Madax furashada, Kufsiga iyo Jirdilka loo bareerayo inta jidka lagu sii jiro.

Sharuudha Nolosha wanaagsan

Si loo helo ama loo gaaro Nolol Wanaagsan (Better Life) waxaa lagaaga baahan yahay inaad bu uxiso sharuuhan . 1 inaad qabato ama hesho cilmi ku Anfaca, hadaad Wax barato oo aanu ku anficin waad ka maran tahay Cilmigii aad baratay. 2 Irsaaqad Xalaal ah, hadaad Irsaaqad badan hesho oo aa nay xalaal ahayn waad khasaartay. 3 in Shaqada aad qabato ama camalka aad sameyso Ilaahey kaa aqbalo, haadaad shaqo badan qabato oo Cibaado ah oo aan Ilaahey kaa aqbalin waxaad samaysay Camal aan khayr lahayn. Markaan sidaas leeyahay Nebigeenii Muxamed NNKHA ayaa ku ducaysan jir ey Cilmi Anfaca, Irsaaqad Xalaal ah iyo in Ilaahay Camalka ka Aqbalo.

Muslinimadu waa Qaal

Dhinaca kale waxaa xaqiiq ah in Sacaado ama Liibaan oo dhan ay ku idlaatay qofkii Ilaahey Muslim ka dhigay, qaar ka mid ah dhalinteeneeni Maanta waxay leeyihiin maxaan Muslinimada ku hay sanaa? Subxaanalaah! Ilaah ayaa xumaan ka nazahan, waxay la mid yihiin kuwo in dha la’ oo Qalbiga ka daboolan, Mudane/Marwo hadaad Muslim tahay, Irsaaqadaadana Ilaahey Balan qaaday intii aadan dhalan maxaa kaa maqan?

Camalka Wanagsan Sharuud ayuu leeyahay

In lagu noolaado nolol wanaagsan (Better Life) waxay sidoo kale u baahan tahay inaad Shaqo, Camal ama Cibaado Wanaagsan qabato, Camalama Cibaado wanaagsanna waxay leedahay laba shardi oo isku xiran oo aan midba midka kale ka maarmin, 1 in Camalkaasi yahay mid ilaahey dartii loo sameyey, ee aanu is tustus kaa ahayn. 2 in uu waafaqsan yahay dariiqii Nebi Muxamaed NNKHA, ee aanu bidco iyo wax la mid ah noqon.

Ducadu waa lagama maarmaan

Si loo helo nolol Wanaagsan (Better Life) waxay sidoo kale u baahan tahay in aan afka laga qaa din ducooyinka oo mar walba Ilaahey Gacmaha loo hoorsado, hadaad Muslim tahay Ducadaadu meel cidla ah ma dhacayso ee waa maqbuul, waxaana suurtowda 1 in Ducada isla markiiba lagaa Aqbalo oo aad fadhigaaga ama istaagaaga ku aragto. 2 in dib laguugu dhigo oo aad Maalinta Qiyaamaha ku faa’ iido. 3 iyo in Dhibaato ama Musiibo kugu soo wajahan lagaga celiyo.

Qisooyin dhab ah oo dhacay

Sheekada 1aad. markiiba Guri ay lahaayeen ayey deg deg ku gadeen si ay u fuliyaan Codsi uga yimid Wiilkooda oo ahaa in ay ku noolaan doonaa Nolola Wanaagsan, Wiilkii wuxuu galley Ingiriiska wa xaa la geeyey Xero Qaxooti, waxaa loo qorey Bishiiba 70 Pound, waa is Cuna qabateey wuxuuna soo direy Bishii koowaad 50$ Aabhii waxaa lagu war geliyey in Wiilkiisii lacag u soo direy, waxaa uu ham iyey lacagtii uu ku naaloon lahaa, reyn reyn ka dib waxaa loo sheegey in loo hayo 50$, Qaraacan bada naa! wuxuu isweydiiyey aawey Noloshii Wanaagsaneyd ee uu wiilku Balan qaadey?

Wiilkii ayuu habaar aan kala joogsi lahayn ugu dhaqaaqey, wuxuuna wiilkii bilaabey in uu isla ha dlo taasoo Aakhirkii gayeysiisey in uu iska soo tuuuro Dhisme 11 Biyaano ah, Gurri ma leh, Wiil maleh Nolol Wanaagsanna haba sheegin!!

Sheekada 2aad. Nin saaxiibkey ah oo aaan hal meel kawada shaqayneyney ayaa ugu dambyn tii waxa uu galay Yurub, waxaaan ku sheekaysanay facebook, waxaan waydiiyey in uu ii soo koobo Nolosha uu ku nool yahay, waxa uu yiri. "Waxaan ku noolahay nolosha uu ku nool yahay ruux farantije er ku jira”.

Sheekada 3aad. Eedaday ayaa tahriib ku tagnay mid ka mid ah Wadamada Scandinavianka, wa xaan kula hadlay Telfoon waxaan waydiiyey xaaladdeeda, waxay tiri. "maandhow Gacaliye Giriga ka ma baxo sababtoo ah waxa jir Qabow daran, marka war kale ma hayno”

Guntii iyo Gebagebadii waxaa isweydiin leh halka ay jirto nolosha wanaagsan? nolosha wanags ani waxay jirtaa Aakhiro ee yaan Aduunyo laga raadin.

Cabdinaasir Xersi iidle

Email. Nasirx1@gmail.com

Tell. 00252615503978




 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip