Raheem Sterling Oo La Cunsuriyeeyay Ka Dib Sawir Uu Soo Dhigay Bogiisa Instagram.

0
Wednesday November 04, 2015 - 12:34:22 in Sports News by
  • Visits: 1045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raheem Sterling Oo La Cunsuriyeeyay Ka Dib Sawir Uu Soo Dhigay Bogiisa Instagram.

    Ciyaaryahan Raheem Sterling ayaa si xun loogu cunsuriyeeyay barta sawirada la soo dhigo ee Instagram ka dib markii uu soo geliyay bogiisa sawir uu ka soo qaaday qoyskiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahan Raheem Sterling ayaa si xun loogu cunsuriyeeyay barta sawirada la soo dhigo ee Instagram ka dib markii uu soo geliyay bogiisa sawir uu ka soo qaaday qoyskiisa.

Xiddiga Man City ayaa soo geliyay sawir uu dhoolacadeynayo isaga iyo gabadhiisa yar iyo gabar kale oo ay qaraabo yihiin, waxaana uu ku soo hoos qoray: "Waa maalin fiican oo aan la qaadanayo gabadha aan adeerka u ahay iyo gabadheyda #LaFam.โ€

Laakiin hadalka 20 sanno jirkaan waxaa afduubtay taageerayaal careysan oo kooxdiisa hore ee Liverpool ah kuwaasoo hadalo cunsurinimo iyo naceyb uu ka buuxo u qoray xiddigaan.

sterling-main
Midbaa ku tilmaamay "black c*ntโ€ isagoo sidoo kale yiri "F*** qoyskaaga doqomada ah waxaana rajeynayaa inay gubtaan.โ€

Mid kale ayaa isna soo dhigay sawiro masas iyo boorsooyin lacag ah isagoo soo qoray: "Wax walba waa lacag miyeeysan aheyn, midkaagan maska ah.โ€

Mid kale ayaa isna sawiro moos oo tirada badan u diray halka mid kale uu ku tilmaamay daanyeer.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip