Waa Uray magacii Madaxweyne, haddiiba Habar walba ay sheegatay Madaxweyne. {Maqaal:-dood furan ah dood ah ka dhiibo fekerkaaga}

0
Monday August 31, 2015 - 13:16:05 in Maqaallo by
  • Visits: 2354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Uray magacii Madaxweyne, haddiiba Habar walba ay sheegatay Madaxweyne. {Maqaal:-dood furan ah dood ah ka dhiibo fekerkaaga}

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Soomaaliland, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubba-land, Madaxweynaha K/G, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Khaatumo iyo Madaxweynayaal kale oo jidka ku soo jira ayay leedahay Soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Soomaaliland, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubba-land, Madaxweynaha K/G, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Khaatumo iyo Madaxweynayaal kale oo jidka ku soo jira ayay leedahay Soomaaliya, Madaxweyne walba wuxuu leeyahay Calan u gaar ah iyo Astaan miyuusiq oo loo garaaco, waa amar Madaxweyne waana qasab mar walba oo Madaxweynuhu baxayo ama uu imaanayo in roog gaduudan (cas) loo dhigaa isla markaana si mug leh loogu soo baxaa haddii kale Madaxweynuhu wuxuu qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan. Dhaqan ahaan Madaxweynayaasha Soomaaliya waxay ka siman yihiin Musuq-maasuq, Ku takri- fal Awoodeed, Caburin Siyaasadeed, Balan qaadyo Maran, Kursi Jaceyl, Daacadnimo la’aan, Is- mahadin, Xushmo daro iyo iney u caroodaan ruuxii aan ugu yeerin Madaxweyne, hawsha ay inta badan isku dhabar jabiyaan waa Naceybka, Colaada iyo Dhufayska uu mid walba uga jiro Madaxweynaha kale, xariif kasta wuxuu jecel yahay inuuu iska dhig-dhigo ama uu matalo Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Soomaaliya ahna Xoghayihii guud ee Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ee xilligiisii wada xukumayay Dalka oo dhan, gedigood waa Kali-taliyayaal hadafkoodu uu yahay sidi ay Xilkooda u sii xajisan lahaayeen.

La yaab waxaa leh marka ay is booqanayaan, Madaxweyne walba waxaa caado u ah inuu dhinac istaago Calanka uu samaystay, muuqaal ahaan waxay u ek yihiin labba (2) Wadan oo Madaxweynayaashoodu ay is booqanayaan, haddii aad dhagaysato khudbadahooda waxaa ka dha-dhansan kartaa inuu mid kasta iskiis u yahay Dawlad Madax banaan, Dawladda Itoobiya ayaa marti qaad rasmi ah ii fidisay, Madaxweynaha Kenya ayaa heshiis la soo galay, Shir caalami ah oo arimaha Soomaliya looga hadlaayo ayaa ka qeyb galayaa, Beesha caalamka waa inaysan soo fara galin arimaha Dawladayda iyo ereyo kale ayay la soo indha cad yihiin Madaxweynayaasha faraha badan ee Soomaaliya.
Sharci ahaan sida ku qoran Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu qeexayaa Dalku inuu yahay Wadan Federaal ah, Dawlad Goboleedyaduna ay hoos tagayaan Dawladda dhexe, magac kastaa ha loo bixiyee Hor joogayaasha Maamul Goboleedyaduna ay ka hoos shaqeynayaan Madaxweynaha Qaranka, tilmaantaasi cidna kuma dhaqanto, Madaxweyne kasta qumanahiisaa qoorta u suran, talaabooyinka uu qaadayana waa mid isaga u qaas ah, mana jiryo Madaxweyne xaq dhawr u haya Madaxweynaha Dawladda Dhexe in ay isku dhereriyaan mooyee.
Sida muuqata Qiimihii, Sharafkii, Heybadii, Hab maamuuskii iyo Tixgilintii uu lahaa Magaca Madaxweyne maanta ma jirto, runtiina xilligaan magacaasi waa URAY mar haddii ay habar walba sheeganayso Madaxweynanimo, nasiib daro magacaasi wuxuu ka mid noqday magacyadii horey u Nah-beelay (qiima dhacay) sida Ugaas,Taliye, Gudoomiye, Malaaq, Wasiir, Masuul sare, iyo Dattore, kuwaasi oo iminka loogu yeero haddba ruuxii shilimaad laga doonayo.
Soomaaliya ma qaadi karto Toban Madaxweyne iyo wax la mid ah, waa ayaan daro Soomaaliya oo ah Dal yar iyo Dad kooban iney lahaato tirada Madaxweynayaasha intaasi la eg, wey fiicnaan lahayd in caqligu shaqeeyo si xal loogu helo Madaxweynayaashaan is bar-bar yaacaya, tallo ahaan horey waxaa loo soo jeediyay in Wadanku uu lahaado Madaxweynaha Qaranka oo kaliya, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadana loo helo magac bixin kale, balse arintasi waxaa lugta ku dhuftay qaar ka mid ah Hogaamiyaasha ay madax martay in loogu yeero Madaxweyne.
F.G: (WAA DOOD FURAN) mar haddii lagu wada waashay in Madaxweyne la wada noqdo, tuulo kastana ay doonayso iney ku dhawaaqdo Madaxweyne u gaar ah, feker ahaan side baa lagu kala saari karaa Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxxweynayaasha kale, magaca Madaxweyne ma wada sidanayaan (qaadanayaan) oo sidiisa maa loogu deynayaa mise erey bixin kale ayaa loo heli karaa Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, maxaey tahay talladaada?

11954551_750294048429812_4966423654897165294_n 11986518_750294208429796_8260982172370876639_n
"FADLAN ILA WADAAG FEKERKAAGA XALAASHA AH”.

WQ: C/Laahi Xasan Axmed (Shiikhaalow)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip