NASASHADA JIMCAHA-Q. Sheeko xiiso leh 21 aad.Qore: Yahya Amir

0
Friday December 09, 2016 - 13:03:56 in Maqaallo by
  • Visits: 1642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NASASHADA JIMCAHA-Q. Sheeko xiiso leh 21 aad.Qore: Yahya Amir

    1-Sarkaal tababarayay ciidanka dalladaha ku soo booda ayaa mid ka mid ah ciidankii uu tababarayay ku yiri: markii ay diyaaraddu hawada gasho,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Sarkaal tababarayay ciidanka dalladaha ku soo booda ayaa mid ka mid ah ciidankii uu tababarayay ku yiri: markii ay diyaaraddu hawada gasho,

waxaan ku amri doonaa in aad boodo, dalladda furo hoosna usoo deg! Asgarigii ayaa yiri: hadday dalladu ii furmi weeydo ka waran? Wuxuu yiri: hadeey dalladu kuu furmi weeydu waxaad noqonee qofka ugu horeeya ee dhulka soo gaaro, ee bakhaarka imaaw si aad mid kale u soo qaadato!!.waa ku faraxyay in uu saaxiibadii ka dheereeyn doono,laakin isaga oo dalladii u furmi weeyday ,oo dhax soo maraya, oo dhagax camal u soo ganmaayo ayuu wax fahmay.fiiri: sawirka 1aad.

(Somaaliyeey dallad la’aan ayaan boodeeynaa,jabkeenu dadka kale waa ka hor marayaa oo xoowli ayaan ku soo dhaceeynaa ileeyn dallad ma wadanee, ruux mayd ahna bakhaar wax kama doonato).

2- Wiil ayaa xabbad moos ah cunay laakiin qobkii mooska ayuu walaalkiis jeebkiisa geliyey. Aabihii ayaa ku yiri: maxaad qobka mooska u gelisay walaalkaa jeebkiisa? Wuxuu yiri: saw adigu ma dhihin yaan qobka mooska dhulka lagu tuurin.

( ninna si u yiri,ninna si u qaaday , federalka ninba si u yiri, somalina si u qaadatay. Anna nasashada jimcaha ayaa si u qoray, qofbana si u qaaday).

3- Dhakhtarka indhaha ayaa u bandhigay bukaan sabbuurad xuruuf lagu qoray, si uu u ogaado cabbirka araggiisa, wuxuu kuna ku yiri: maxaad ku aragtaa sabbuuradda sadarkaan? Wuxuu yiri waxba! Dhaqtarkii ayaa haddana ku yiri: xarafkaan weyn oo keligiis ahi waa maxay? Wuxuu yiri waxba ma arkayo. wuxuu yiri ma arkaysaa horta sabbuuradda aan kuu tilmaamayo? Wuxuu yiri: aawdey sabbuuradda? Midda derbigan suran. Wax derbi ah maba arko ayuu yiri.dhaqtarkii Inta qoslay ayuu ku yiri: adigu uma baahnid ookiyaalo ee waxaad u baahan tahay Ul iyo qof ku haga.

( somalidu mar xaladeey maree? Haddise aad dhaqtarka indhaha tahay, Madaxda Madasha Hogaamiyayaasha Qaran indha gashi cabirkeed u qori laheed?). fiiri: sawirada 2aad & 3aad.

4- dowladda Kenya ayaa waxaa ay bixin jirtay sharci lagu ugaarsado duurjoogta (Poaching license). Laba soomaali ah oo ugaarsanayo ayaa waxaa ku soo baxay Police-ka ilaalada duur joogta. Labadii soomalida aheed mid ayaa orday ,midna waa iska fadhiistay, police-kii waxa ay wada eryadeen kii orday,markii ay cabaar eryayeen ayeey qabteen.wuxuu la soo baxay sharcigii u fasaxayay ugaarsiga. Waxa ay ku yiraahdeen maxaad u ordeeysay waxaadba leedahay sharciye? Wuxuu ku yiri: saaxiibkeey ayaan sharci laheeyn. Fiiri: sawirka 4 aad.

( soomaalida maantu sidaa oo kale ajaanibta ma isaga badbaadiyaan, mise?)

5-Juxa ,sodogtiis ayaa ku dhacday wabiga oo biyahiisu ka socdaan waqooyi una socaan koofur,dhalin yaradii tuulada ayaa wabigii isku tuuray si duqda loo soo badbaadiyo, juxana waa ka daba booday. Dhalin yaradii dhinacii wabigu u socday ee uu duqda u qaaday ayeey ka raadiyeen laakin juxa dhinaca kale ayuu kaligii u dabaashay. Dhalinyaradii waxa ay soo heleen meydkii duqda. . waxaa la weeydiiyay markii sodogtaa ay wabiga ku dhacday maxaad ugu dabaalatay waqooyi ? wuxuu yiri: sodogteey anigaa idinka aqaan, weligeedba waxa loo sheego wax aan aheeyn ayeey sameey jirtay,waxaan is iri armeey wabigu haduu qaaday gadaalgadaal u raacday, waa tii muslim qilaafka badneede !!!!. markii la aasay ayaa la yiri: juxa ku aqri qabriga TALQIIN,( dar daaran iyo duco qabriga lagu aqriyo, oo ah haddii laba malag kuu timaad su’aalna ay ku weeydiiyaan sidaa ugu jawaan). Juxana waa diiday in uu Talqiina ku aqriyo. Wuxuuna yiri: anigu waxa aan u sheegu igama aamini jirin, marka haddii aan iraahdu malaaigta saa ku dheh in ay cagsiga ku jawaabto ayaan ka baqaa.fiiri: sawirka 5aad.

(Ha ku sirmin siyaasiga beeshaada, marka uu xildoon yahay wuxuu kuu sheegaa in uu koofor u dabaalanayo, marka uu xil helana waqooye ayuu u dabaashaa, haddii aad istiraahdo khaladka ka saxna ku aamini maayo).

6- Nin ayaa saaxiibkiis ku yiri shalay waxaan cunay 99 xabbo oo Muufo & Rooti sanweja ah, wuxuu ku yiri: oo maxaad 100 uga dhigi weeyday. wuxuu yiri: inaan cayilo marabo.

(Xildhibaan dib loo doortay ayaa yiri: Afartii sanno ee hore waxaan Mooshinada ka helay 99.000 Dollar, Qof iyo qaraabo iskama siin ee qolkaan ku quruxsaday….. xildhibaan cusub ayaa ku yiri: maxaad 100.000 $ uga urursan weeyday? Wuxuu yiri: ma rabo in aan damiir laawe noqdo). Fiiri: sawirka 6aad & 7aad.

Qore: Yahya Amir

yaxyeyaxyyyaxya

  •  



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip