M. GHEDI: "Doorashooyinka dadban waxaa loo adeegsanayaa Dollar badan iyo is dirqis"

0
Friday December 09, 2016 - 12:31:33 in Maqaallo by
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M. GHEDI: "Doorashooyinka dadban waxaa loo adeegsanayaa Dollar badan iyo is dirqis"

    Waxaan dhashay horaanta sanadkii 1950s, cimrigaa aan jiro iyo cirrada aan leeyahay doorashadaan kahor ma aanan arag, mana maqal doorashooyin aanan lahayn xeer loo wada hoggaansan yahay oo wax lagu kala hago iyo xishood darri gaarsiisan heerka ay mare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan dhashay horaanta sanadkii 1950s, cimrigaa aan jiro iyo cirrada aan leeyahay doorashadaan kahor ma aanan arag, mana maqal doorashooyin aanan lahayn xeer loo wada hoggaansan yahay oo wax lagu kala hago iyo xishood darri gaarsiisan heerka ay mareyso doorashada Soomaaliya sanadkaan sii dhammaanaya ee 2016.
La’aanshaha xeer doorasho oo loo wada hoggaansan yahay, xishood darrida oodda jabsatay iyo siyaasadda xusul isku reebka dahsoon leh, waxay fursad siiyay dhammaan ma xishoodayaalkii haystay dhaqaalaha fara badan, dhaqaalahaas oo ay ku qasbadeen in si dhib-yari ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ay su’aalo kala duwan ka taagan yihiin meesha laga keenay dhaqaalahaas sicir-bararka aanan caadiga aheyn ku riday kuraastii labada (2 aqalka ), aqalka hoose oo ah 275 kursi, iyo aqalka sare oo ah 54 kursi, kuristaas 80% ka badan waxaa kursigiiba lagu iibsaday nus milyuun US dollar iyo ka badan, inkastoo ay dhici karto 20% wax ka yar, in ay ku heleen kuraastooda kharash ka yar kan waallan ee loo badan yahay oo ah nus milyan US dollar kursigiiba.

275 xubnood aqalka hoose +54 xubnood aqalka sare= 329 kursi X 500,000,00 = 164.500,000 US dollar ( it may luckily less than 20% escaped the outrage price but mostly didn’t ).

Runtii waa nasiib-darro, in kursi xildhibaanimo lagu iibsado nus milyan dollar iyo ka badan, iyadoo xilligaan milyanes iyo milyanes dad Soomaali ah ay u dhimanaayaan baahi iyo harraad abaaraha ka jira Soomaaliya gees ka gees awgeed. ( It is ridiculous to spends over a half million US dollar a seat of Somali Parliament while thousands of Somali people dead one day meal due to nation wide drought).

Mohamud Ghedi Aw Hilowle – Ex Xildhibaan Baarlamaan ahna Guddoomiyaha Naadiga la socodka arrimaha Soomaaliya.

Taas waxaa ka sii darran, su’aal taagan oo ah xildhibaanada nuucaas ah, sidee buu u ekaan doonaa shir-guddoonka baarlamaan oo ay u soo dooranayaan?, kadibna madaxweynaha ay dooran doonan sidee buu u ekaan doonaa ?, madaxweynuhuse Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabi doono sidee buu u ekaan doonaa ?, Ra’iisul Wasaaruhuse xukuumadda uu soo dhisi doono sideebey 4-ta sano ee soo socota dalka u maamuli doontaa ??.

Tii Alle waa meesheeda lakiin hal-booli ah Malaga fili karo nirig-xalaal ah inay dhasho, sidaas daraadeed rajadu ma buurna ee Soomaliweyney maku wada duceysanaa Ilaheeyow noo bad-baadi dalka, dadka iyo diintaba.


Mohamoud Ghedi Aw Hilowle

xilqaad12@hotmail.com

Naadiga La Socodka Arrimaha Soomaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip